Madaxweyne Siilaanyo Oo Uu Weheliyo Guddoomiyaha KULMIYE Oo Ka Qaybgalay Qallinjabinta Jaamacadda Timacadde Ee Gabiley (DAAWO)

0
5

DSC_3819.JPG030Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo uu weheliyo Guddoomiyaha xisbal-xaakimka KULMIYE, ahna murrashaxa jagada Madaxweynaha xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa ka qaybgalay qallinjabinta dufcadda afraad ee Jaamacadda Timacadde ee Gabiley maanta.

Madaxweynaha iyo wefti ballaadhan oo uu hoggaaminayo oo ay ka mid yihiin wasiirro ka tirsan golaha xukuumadda iyo madax kala duwan, ayaa ka qaybgalay xaflad qurux badan oo loo sameeyey dufcadda afraad ee ardayda ka qallinjabisay shahaadooyinka Degree-ga iyo Diploma-da ee Jaamacadda oo lagu qabtay isla xarunta Jaamacaddaasi ku leedahay magaalada Gabiley maanta, taas oo mardhawayd soo gabogabowday.DSC_3819.JPG024

Weftiga Madaxweynaha waxa si wayn loogu soo dhaweeyey deegaannada Gobolka Gabiley, gaar ahaan magaalooyinka Abaarso, Caabudla’, Arabsiyo iyo Gabiley, kuwaas oo boqolaal dadweynaha ku dhaqani ahi isugu soo baxeen jidadka iyagoo lulayey caleemo-qoyan iyo calanka Qaranka oo ay ku qaabilayeen Madaxweynaha iyo weftigiisa.

Madaxweynaha Qaranka Md. Axmed Siilaanyo iyo Guddoomiyaha KULMIYE Md. Muuse Biixi, ayaa khudbado ka jeediyey xafladda ay hambalyo iyo bogaadin ugu direen ardayda qallinjabisay.DSC_3819.JPG014

Halkan hoose ka daawo khudbadda Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE ka jeediyey xafladda qallinjabinta

DAAWO Khudbada Madaxweynaha

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here