“Annaga Ayaa Ka Xun In Suxufigu Ku Kaco Qabyaallad [Laakiin] Mar Kasta Oo ISSUE Yimaado, Xukuumaddu Waxa Ay Abaabushaa Beello”

0
7

Guddoomiyaha SOLJA Oo Ka Jawaabay Hadallo Uu Wasiirka Warfaafintu Ugu Goodiyey Bahda Saxaafadda Somaliland

“Warbaahintu Iyada Ayaa Jecel Inay Dhulka Dhigto Wararka Xajiinta Leh Laakiin Waxa Aad Moodaa In Mar  Kasta Oo Arrimahaas Laga Wada Hadlo Ay Dhinaca Xukuumadda Ka Murkacato”

guddoomiyaha soljaHargeysa (Hubaal)- Guddoomiyaha ururka suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA ayaa wasaaradda Warfaafinta ku tilmaamay in ay ka mid tahay hay’adaha dawladda ee ugu ayaanka daran, maadaama oo aan inta badan la keenin masuuliyiin ku habboon xirfadeed iyada oo markasta oo isku shaandhayni timaadaa saamayso wasiirkeeda. Guddoomiye Xuuto oo daba socday hadal ka soo yeedhay shalay wasiirka warfaafinta Cismaan Cabdillaahi Saxardiid Caddaani oo uu warbaahinta Somaliland ugu hanjabayo waxaa uu Guddooomiyuhu sheegay in mar kasta oo dhacdo timaado saxaafadda dusha laga saaro eedo aanay xaq u lahayn oo aanay samaynin, isaga oo dhinaca kalena xukuumadda Somaliland ku tilmaamay in shuruuc badan iyo xeerar badan oo ay saxaafadda iyo wasaaraddu wada saxeexdeen meesha ka baxeen kadib markii uu dhinaca xukuumadda ka fuli waayay wixii lagu heshiiyey. Guddoomiyaha SoLJA  Maxamuud Cabdi Jaamac oo ugu horeyn ka hadlaya hanjabaada wasiirka kas oo yeedhay waxaa uu yidhi “Runtii WAxaa Muuqata inaanu wasiirka warfaafintu ku wacyi gashanayn ama aanu ka war hayn ama aanu is lahayn  masuuliyad baa idinka saaran dunuubta iyo dhibaatooyinka ay iyagu samaynayaan ee ah in wixii lagu heshiiyey ay ka baxayaan”. Sidaa ayuu yidhi guddoomiyaha ururka suxufiyiinta Somalialnd ee SOLJa Maxamuud Cabdi Jaamac (Xuuto) oo WAraysi kooban Siiyey Weriye Bedri Koosaar Maxamed Oo ka tirsan STAR TV, kadib shir jaraa’id oo wasiir Caddaani farriin taban ugu diray warbaahinta, waxaana uu guddoomiyuhu intaa ku daray “Runtii waxaa aynu ognahay illaa maanta in arrimaha beellaha ee mar walba la leeyahay yaan la sii deyn in aanay warbaahintu diyaar u ahayn oo ay mar kasta jeceshahay wixii dan u ah dadka iyo dalka in ay ku dhaqanto. Warbaahintu runtii inay dhulka dhigto  waxyaabaha xajiinta leh iyadaa diyaar u ah laakiin waxaad moodaa mar wal ooo lagu wada hadlo in arrimahaasi [wararka qabyaalladaysan] dhulka la dhigo in ay dhinaca xukuumadda ka murkacato. Waxaynu ognahay in mar kasta oo qaddiyadi [Issue] Yimaado in ay xukuumaddu beello abaabusho oo ay dad aan ehel u ahayn [qoddobka laga hadlayo] ay tidhaahdo difaaca. Arrintaasi waxaan u arkaa in ay tahay arrinta nasiib darrada ah ee keenaysa mar walba in wasiirku ka dul dhaco  mar kay dhacdo timaado”. Ayuu yidhi Guddoomiye Xuuto. Waxaanu intaa ku daray isaga oo farriin u diraya wasiir Caddaani “Wasiir Ururka Solja iyo warbaahinta Somalilandba heegan waxa ay u yihiin inay qarannimada ilaaliyaan, annaga ayaana ka xun in qofka suxufiga ahi ku kaco arrimo dhibaato ku a ah qarankan, laakiin waxaa iyaduna ayaan darro ah in mar walba saxaafadda eedda la saaro  iyadoo ay eedda leeyihiin masuuliyiin xukuumadda ka tirsan qaarkood”. Guddoomiye Xuuto waxaa uu tusaale u soo qaatay hanjabaad uu sheegay in WAsiirka warfaafintu ugu hanjabayay warbaahin caalami ah oo dalka timi, “waad arkayseen in wasiirka warfaafintu uu dhawaan   warbaahin caalami ah ugu hanjabayay warbaahinta Somaliland iyo hay’adihii dawladda ee uu isagu ka tirsanaa inaanay suxufiyiin keenin. Maantana Ma jirto cid Saxaafadda Somaliland uga baahi badan in saxaafadda caalamku u timaado”. Ayuu yidhi Guddoomiyaha SOLJA. Waxaanu hadalkiisa ku ladhay mar wax laga weydiiyey xidhiidhka urur ahaaan ka dhexeeya wasiirka warfaafinta “ Wasiir Caddaani Waa WAsiir Shanaad ama lixaad ee xukuumadda KULMIYE intay talada haysay xilka wasaaradda warfaafinta qabta, run ahaanna waxaa ay wasaaraddaasi ka mid tahay wasaaradaha ugu wasiir bedelka badan, waxaad moodaysaa oo ay bahda saxaafaddu ku tilmaamtaa in ay tahay wasaaradaha ugu ayaanka daran ee aan la keenin dadkii ku haboonaa. Wadashaqayntii naga dhaxaysay Saxaafad ahaan iyo isagana meesha way ka baxday immika, garanna mayno sabab uu ku qoonsaday wada shaqayntii noo dhaxaysay, sabab uu warbaahinta ugu hanjabaana ma jirto immika maadaama oo aanay wada shaqayni naga dhaxayn”. Ayuu yidhi Guddoomiyaha ururka SOLJA Maxamuud Cabdi Jaamac Xuuto.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here