Xildhibaanno Ka Tirsan Golaha Wakiillada Oo Ka Digay In Naxli Lagu Ladho Qaddiyada Waqooyiga Hargeysa

0
5

“Annagu Ma Cuskanayno Qabiil Iyo reer Gaar Ah Laakiin Maaha In Dhibaato Iyo Naxli La Abuuro”

 

“Dadku Xuduudo Ha Kala Lahaadaane Haddana Waqtiga Ay Xaaladduhu Adag Yihiin Biyaha Iyo Daaqa Waa La Wada Lahaa Laakiin…”

xildhibaanno golaha deegaanka hargeysa ka tirsanHargaysa (Hubaal): Qaar ka mid ah mudaneyaasha golaha Wakiiladda Somaliland  ee ka soo jeedda woqooyiga gobolka Maroodijeex   ayaa si adag uga jawaabay hadallo maalmahan ka soo yeedhayay qaar ka mid ah xildhibaanadda ay isku golaha yihiin ee k a soo jeedda gobolka Awdal iyo sidoo kale salaadiinta gobolkaasi. Arrintaasi oo ku saabsan lixda goobood ee ku yaalla woqooyiga gobolka Maroodijeex ee hore muranku uga taagnaa, oo ay dhawaan shaacisay xukuumadu in laga qabanayo diiwaangelinta codbixiyeyaasha. Xildhibaanadani  oo  shalay warbaahnta kula hadlay magaaladda Hargaysa, waxay kala ahaayeen xildhibaan  C/kariin Aw Cali Shabeel, xildhibaan Maxamed Xaaji Maxamuud Cumar Xaashi,   iyo C/laahi Xuseen Cige (Blacki),  waxaanay  ugu baaqeen  in dadka siyaasiyiinta ah ee arrintaasi ka hadlay ee ku baaqaya colaadda iyo dhibaatadda in ay joojiyaan   hadaladda cunsuriyadaysan. C/kariin Aw Cali Shabeel, oo ugu horayn shirkaasi jaraa’id ka hadlay ayaa sheegay  in  xubnaha reer Awdal ee sida xun uga hadlay arrintaasi ay meel kaga dhaceen dastuurka qaranka Somaliland iyo xuquuqda  dadka degaankaasi. Waxaanu yidhi “Sida aan la wada socono awaamiir ayay dawladu  ka bixisay goobaha woqooyiga ee lagu mursan yahay,  oo ah in la geeyo sanduuqyadii diiwaangelinta codbixiyeyaasha  goobahaasi oo ka tirsanaan jiray degmadda Hargaysa,  ilaa imikana ka mid  ah.  Iyadoo aanu cuskanayno xeerka Lanbar 23/2002  ee xeerka is-maamulka goboladda iyo degmooyinka  sida ku cad  isagoo ka soo dheegtay  qodobadda dastuurka ee arrintaasi ka hadlaya, kaasi oo dhigaya in lixdii degmo ee hore sidoodii lagu daayo  ilaa inta la kala xadaynayo”. Mar uu ka jawaabayay dhawaaqyadda ka soo yeedhaya siyasiyiinta, madax dhaqameedka iyo xildhibaanadda reer Awdal, waxa uu yidhi “Waxaanu maqlaynay  oo maalmahanba warbaahinta laga sii daayay  dad arrintaasi deedifaynayay, taasina waxaanu u aragnaa  in ay leeyihiin dawladi ma jirto,  kooxi wax ma kala xadayn karto, qabiil-na wax ma kala xadayn karro,  xukuumadda ayaa arrintaasi u igman.  Waxaanan u aragnaa in arrintaasi ay meel ka dhac ku tahay qaranimadda. Ma cuskanayo anigu qabiil baa dega ama reer gaar ah ayaa dega,  Somaliland wakhtiyadda ay  xaaladuhu  adag yihiin cid waliba way ku baxdaa, oo way degaan  dadkuna  xuduudo ha kala lahaadee, hadana dhulka waa la wada deganaa,  oo biyaha iyo daaqa intaba waa la wada lahaa,  laakiin wax laga sameeyo naxli iyo dhibaato laga abuurro  arrintaasi ma aha”.

Waxaanu intaasi ku daray xildhibaan Shabeel. “Waxaan leeyahay dadka durbaanadda beenta ah meelahaasi ka tumaya  eek u hadaaqaya arrin aan sharci ahayn, in ay ka waantoobaan oo ay dib isugu noqdaan”. Sidoo kale xildhibaan Shabeel, ayaa xukuumadda ku hambalyeeyay go’aankaasi ay  gaynayso sanduuqyadda diiwaangelinta  lixdaasi goobood.Arrintaasi ay xukuumadu jidaysay,  waanu soo dhawaynaynaa, waananu ku hambalyaynaynaa,  madaxweynaha jamhuuriyadda Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo,  go’aankaa xalaasha  iyo cadaaladda ah  ee uu qaatay  oo in badan laalaaday,  xaq darro iyo dulmina ku laalaaday, sida xaqiiqadu tahay. Go’aankaa uu maanta gaadhay madaxweynuhu-na waa mid cadaalad  ku dhisan,  waana ILLAAHAY mahadii, xukuumadana mar labaad waanu ku hambalyaynay-naa.

Waxaanan ILLAAHAY ka rejaynayaa in arintaasi ay si nabadgeliyo ah  oo wanaagsan ay ku soo  dhamaato. Dadka degaanka ah ee halkaa degan   ama woqooyiga Hargaysa kuwa degan,  xaq bay u leeyihiin oo waa qodob dastuuri ah in ay codeeyaan, xuquuqda ay leeyihiina cid is-hortaagi kartaa ma jirto” ayuu yidhi xildhibaan C/kariin Aw Cali Shabeel.

Waxa kale oo isna halkaasi ka hadlay xildhibaan Maxamed Xaaji Maxamuud Cumar Xaashi,  waxaana hadaladiisii ka mid ahaa  “Aduunyadda seben aakhirka waxaa la arkaa dadkii salaadiinta ahaa,  masuuliyiin,  iyo  dadkii wax loo dhiibtay ee ay ahayd in ay dadka kala qabtaan oo ay kala celiyaan, oo nabadgeliyadda ILLAAHAY bixiyay, ee uu ina siiyay, ee aan ku naaloonayno ay doonayaan in ay kala daadiyaan. Marka suldaankii  afkiisu noqday dagaalama,  waxba ma hadhin. Ninka suldaanka sheeganaya iyo ninka xildhibaanka sheeganaya,  iyo ninka masuulka sheeganayaa uu yidhaahdo  dadkoow dagaalama, wax hadhay ma jiraan, waatii ugu danbaysay oo waa aakhiru-sebenkii” ayuu yidhi xildhibaan Xaashi.

Isagoo hadalkiisa sii watay-na waxa uu yidhi   “Fidnadu way ka daran tahay dagaalka oo way ka xun tahay, nimanka fidnadda la wareegaya, ee xumaanta la wareegaya. Maanta waxaynu maqalnay  dad ayaan la diiwaangelinin, ummadda  meel ku nool ayaan la diiwaangelinin  ayaan maqlaynaa,  oo dadkaa xuquudoodu ha lunto.

1960-kii,  lix degmo ayay ahayd Somaliland  waana la wada garanayaa. Waxaa inoogu taalla inaga dastuurkeenna  lixdaa degmo ee jiray 1960-kii ayaa gobollo noqonaya,  mid walaba-na xuduudkii ay lahayd ayay lahaanaysaa. Waxaanu leenahay, xuquuqda ummadda ayaan laga hor imanin,  dadka ayaan la iska hor keenin,  waxa aan jirin ayaan la samaynin, oo aan la isku deyin   humaag  aan jirin in loo sameeyo dadka”.

Waxa kale oo uu sheegay xildhibaan Maxamed Cumar Xaashi in ay xukuumadda ku hambalayaynayaan sida ay ugu dhiiratay in lixdaasi goobood laga qabto diiwaangelinta codbixiyeyaasha, taasi oo uu ku tilmaamay in ay tahay xuquuq dastuuri ah oo ay leeyihiin dadka degaankaasi in ay helaan.

“Xukuumadan maanta joogtaa, waxyaabo  badan ayay ku dhiiratay. Maantana waxay ku dhiiratay intii la laalayay goobahaasi in ay tidhaahdo waa la diiwaangelinayaa dadka, waanan ku hambalyaynay-naa. Waxaananu leenahay xukuumadda dadka waa la iska hor keenayaa, dalku isagoo lix gobol ah ayaa  qaar kale oo badan lagu daray,  iyadoo lix degmo ah ayaa kuwo kale lagu daray,  idinku ha noqonina kuwa sii kordhiya ee dadka iska hor keenna,  balse waxaad samaysaan kala xadeeya   maamul ahaan si aanay dadku isaga hor iman.  Madaxweyne sidii aad ugu dhiiratay waxyaabihii hore  laga baqayay, waxaad ugu dhiirataa  in aad xad u kala samayso lixdii gobo lee hore, wixii kale iyagu waxay sugayaan in horta la ansixiyo”ayuu yidhi xildhibaan Maxamed.

Sidoo kale waxaa isna shirkaasi jaraa’id ka hadlay xildhibaan  C/laahi Xuseen Cige (Blacki),    waxaanu yidhi  “Waxaa maanta (shalay)    halkan isugu kaayo keentay,  oo anu ka hadlaynaa  waa arrinta beryahanba  hadal-haynteedu badnay eek u saabsan  lixda goobood ee  woqooyiga Hargaysa, lixdaa goobood oo in muddo ahba xuquuq ay lahaayeen  dadka degaankaasi  ka maqnayd. Maanta markii la isugu wada yimid-na, ee  dawladan hada xukunka dalka haysaa ay u wada yeedhay  xubnaha dadka degaankaasi degan ee goleyaasha  dawladda kaga jirra,  xisbiyadda  iyo intii metelaysay-ba, waxaa la isla qaatay  in lixdaa goobood laga qabto diiwaangelinta codbixiyeyaasha.

Diiwaangelintu-na waa xuquuq uu qofku leeyahay,  xataa dawladu may odhan  waxaanu samaynaynaa xuduudii goboladda iyo degmooyinka, iyadoon kala xadayntiiba la gaadhin  ayaa laga qaylinayaa. Taasi oo ah xuquuq ay dadkaasi lahaayeen, oo ah  in la doorto wax-na ay doortaan   oo la mid ah xaqqa kuwa ka hadlayay  ta ay leeyihiin ayay duudsiyayaan, anagu arrinta aanu ka hadlaynaa waa taas”.

Waxa kale oo uu sheegay xidhibaan C/laahi Balaaki, in xildhibaanadii doraad ka hadlay arrintaasi aanay ka soo jeedin ama aan laga soo doran degaanka woqooyiga. “Arrinta saaxiibadayadda aanu golaha kuwada jirno  ee shalay (doraad)  isku wadda  gaysay  ee ku degaanka ah iyo  mid aan ahayn-ba ay ka wada hadlayeen, ee dadkii halkaa ka hadlayay  nin keliya uu dadka degaankaa ka ahaa,  xildhibaanadii arrintaa ka hadlay ee Boorama isugu tegay  dadkii degaankan ma ahayn,  dad ay khusayso ma ahayn,  waxay la mid tahay uun iyadoo ay anaga xildhibaanadda Burco laga soo doortay nala soo fadhiistaan oo ay ka hadlaan arrinta woqooyiga Hargaysa oo kale  waayo? Marka aanay dad degaanka  aan ahayni ay ka hadlayaan in la siyaasadaynayo,  oo u jeedo kale ay ka danbayso. Anigu garan maayo u jeedadda la isugu keenay xildhibaanadaasi haddii aanay ahayn beri-na  harqadii  Buluuga ahayd ee dhinaca lagu sidan jiray ha lala soo baxo,  waxa la diidan yahay diiwaangelinta maahee,  diiwaangelinta wax ka weyn baa jirra ayaan is-leeyahay, waanay soo bixi doontaa”ayuu yidhi C/laahi Balaaki.

Isagoo hadalkiisa sii watay-na waxa uu yidhi “Diiwaangelintu sideedaba waa xuquuq  uu qofku leeyahay. Somaliland-na waxay ku dhisantay oo aynu heshiis ku wada qaadanay, xuduuduhu waa kuwii lixdankii. Lixdan goobood ee laga hadlayaana halkii ay 1960-kii ka tirsanaayeen waa la hayaa,  haddii ay cidi sad-bursiimo doonaysana ama hawl kale, waxay ahayd in aanu qofka ka hadlayaa six un wax u sheegan, balse ay ka hadlaan waxa ay ka qabaan. Laakiin xuquuq uu qof leeyahay ayaanu duudsiyaynaa, cidina idinka yeeli mayso, cid-na idinka dhegaysan mayso,  waxa aad wadaana ma aha wanaag, ee waa  wax cid danno gaar ah leh iyo siyaasado kale ay ka danbeeyaan”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here