“Caagadaha Miyoo-saxuhu Ma Dhacaan!!! Inay Dhanaannaadeenna War Iyo wacaal Looma Hayo ee Ma Iska Hubinaa”

0
22

W/Q: Deeqsi Asad Xamaal

ABVWaa la cab-baa, marfashka dukaankana  lagu raseeyaa ilaa inta cid illahey uga soo dirayo, haddii kalena halkaasey ku abaadaan oo sanad iyo in ka badanba ku qaataan iney dhaceen iyo dhanaaneen toona war iyo wacaal  looma hayo.

Haddaba dalkeenan Jamhuuriyada Soomaalilaad ee aan ku nool nahay waa dal sameeyey horumar badan oo dhinacyo kala duwan ah, waxaana ka mid ah dhinaca warshadaha, gaar ahaan kuwa Biyaha sifeeya, Tirada warshadahaa dalka laga hir galiyey waa laba & toban warshadood.  Saddex ka mid ahi waxay ka soo baxaan gobolka Awdal. Waxaanay kala yihiin Shifo, Biyo Sixo iyo  Xayaat. Halka afar  kamid ahina kasoo baxaan gobolka Maroodi jeex, waana Durdur, Golis, Dhamal, Xays. Gabileyna  Mina & Tayo. Hal xabo oo kamid ahna waxa laga soo saaraa gobolka Saaxil taasi oo ah biyaha Zamzam. Labada soo hadhayna waxa laga soo saaraa gobolka Togdheer  waana Saxansaxo iyo Maax. Biyahani  waxay dalka ka soo baxayeen ilaa lix & tobankii sanno ee u danbeeyay.

Wax waliba dhib iyo dheef is huwan ayey leeyihiin, biyuhuna waa lagama maarmaan, faa,iidada ay inoo leeyihiina waa tu aan layska indho tiri Karin, balse aan farta ku fiiq:-

  1. Qiimo jaban
  2. Culeys la,aan
  3. Caagadaha oo dib loo sii isticmaali karo

Intaasoo jirta haddana waxey jac iyo jaba ku dhigeen horta ma jirto cid tayadooda tijaabisay, mar labaad waxey leeyihiin ceeb kale oo ah markaad iibsatid eed dushooda daalacato waxa kaaga soo mudh odhanaysa (Best before 12 months from the date of production) oo macnaheedu yahey “waxay wanaagsan yihiin laba & toban bilood ka hor xiligii la soo saarey. Haddaba taasaa lafteedu calaamad su,aal dhakada kaaga dhigeysa oo xilimaa lasoo saarey? Cajab, waadigaa caagadii ku waashay, gab oo haddana gab ma jirto, Wallay ka tahey soo heli maysid taariikh meel ku taal. Illahey wax na tus. Haddaba wuxu waa ma Dhacaan dee, aminta aad gacantaada ku dhigtid ayuunbay ka bilaabmeysaa laba & tobankii bilood ee la sheegayey.

Haddaba dadoow, dadkaygiiyoow waxaa I wareeriyey ee iga yaabiyey aynu iska daaweyno. Waa in aynu u yeelnaa taariikh iyo tilmaan saxa oo aan ku xariiqsano si ay xeegana xeego u noqoto caafimaadna inoogu nabad galo.

Waad Mahadsanithiin

 W/Q: Deeqsi Asad Xamaal

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here