“Kadib Markaan La Kulmay in Ka Badan 12 Kun Oo Codbixiye Oo Taageero Igu Siiyey Inaan Noqdo Musharraxooda, Waxaan Go’aansaday Inaan Iska Casilo Xisbiga….”

0
8

WARSAXAAFADEED: Siyaasi Eng. Axmed Cali Ubaxle Oo  Ku Dhawaaqay Istiqaalladii Xubnimadii/Xilalkii Xisbiga WADDANI

Aninga Oo Ah    Eng. Axmed Cali Ubaxle (Ex. Wasiir),  Waxaan Halkan Kusoo Gudbinayaa Warsaxaafadeed Ku Saabsan:

unnamed7

1- Hambalyo Iyo Aqbilaad Codsigii Taageerayaashayda

2- Xidhiidhka Aniga Iyo Xusbiga Waddani

  • Kadib markii aan ka soo qaybgalay diiwaan galinta cod-bixiya-yaasha Gobolada Sool (Degamada Caynaba, Wadaamagoo Iyo Waridaad ) iyo Buuhoodle ee ka bilaabatay 23 iyo 24 bishii august 2016, isla markaana soo dersay sida degaanku uga qayb qaatay uguna hagar baxay diwaan galintaas.

  • kadib markii aan la kulmay in ka badan 12,000.00 oo qof oo ka mid ah cod-bixiya-yaasha degaankaas is ka diiwaan galiyay oo dhamaantood taageero aan xad lahayn igu siiyay in aan noqdo musharaxa golaha xeer dejinta (Barlamanka Somaliland) ee sanadkan soo socda dalka ka dhici doonta.

  • kadib markii aan arkay shucuurka dadka iyo sida ay ugu heelan yahiin in dalka ay ka dhacdo doorasho xaq ah oo xalaal ah, umadduna si isku kalsooni ah ugu doorato hogaamiyaha mustaqbalka iyo xildhibaanada iyaga matalay ee ay hargeisa u dirsanayaan.

  • kadib markii aan arkay, islamarkaana la iiga warramay kaalamada iyo dhiirigalinta ay xisbiyada qaranku ka geysteen dar-dar-galinta iyo wacyigalinta arimaha la xidhiidha diiwaangalinta ee degaankaas iyo goobahaas taas oo sida warka aan ku helay aanay xusbiyadu u dhamayn oo qaarkood aanay wax gacana ka gaysan.

  • kadib markii aan taagerayaashayda ka dhegaystay talooyin badan, isla-markaana ay i tuseen kalsoonida dheeraadka ah ee ay ku qabaan, aqoontayda, waaya ragnimadayda iyo dadaalka aan ugu jiro inaan horumarka, isku duubnida, danabad-galyada iyo baraarujinta umadda ka qaybqaato, sidaas darteedna aan isuna soo taago xil-dhibaanka degaanka gobolka sool (degmada caynaba-wadaamagoo iyo nawaaxigeeda) ee iyaga u matalaya barlamanka qaranka.
  • kadib markii aan arkay heerka horumarka xagga adeegga bulshada iyo arimaha dhaqan-dhaqaale ee degaanka iyo sida uu dib ugu dhacsanyaha, lana tashaday dhamaan asxaabtayda iyo la taliyayaashayda xagga siyaasadda.

waxaan go’aan saday sidan:

  1. inaan marka hore hambalyo, iyo mahadnaq balaadhan u diro dhamaan umadda degaamadaas ku dhaqan iyo reer somalilandba gaar ahaan taageerayaashayda iyo lataliyaashaydaba, meel kasta oo ay joogan.
    1. waxanna leeyahay waxaad guul lama ilaawaan ah oo taariikhi ah kasoo hoyseen diiwaan galintii dalka, idinka oo magaciinna iyo taariikhdiinaba kor u qaaday muujiyayna sida aad ugu heelan tahiniin inaad fartiinna ku doorataan ciddii dalkan hogaamin lahayd iyo ciddii idinka idin matali lahayd labadaba.

  1. waxaan shuruud la’aan aqbilay codsigiinnii iyo taladiinii wax ku oolka ahayd ee ahayd inaan isu soo taago doorashada golaha barlamaanka isla markaana aan noqdo shaqsiga aad isku raacsantahiin in aan degaanka ku metalo barlamaanka somaliland ee inshaallah dhici doona horaanta sanadka 2017.

  1. in laga bilaabo maanta oo taariikhdu tahay 3 september 2016 aan si buuxda isaga casilay dhamaan xilalkii iyo xubin nimadii xusbiga waddani, sida
    1. xilkii la-taliya gudoomiyaha xusbiga ee dhinaca ganacsiga
    2. xilkii xubinnimada guddida fulinta
  • iyo xubin nimadii xusbiga guud

ma jirto xusbi aan iminka diyaar u ahay inaan ku biiro oo aan halkan ka sheegayaa, hase yeeshee waxan  marwalba la tashanayaa, siyaasiyiinta degaanka,  taageerayaashayda iyo hogaamiyayaasha beesha, si aannu isu waafajino danaha iyo heshiishyada aannu la galaynno xusbiga aannu u aragno in uu ka tarjumayo doonista degaanka, kan umadda iyo guud ahaan kan umadda somaliland horumarkeeda iyo isku duubnideeda.

  • ma dhacayso inaannu wax la gallo xusbi aan danaynayn baaxadda iyo isku duubnida umadda degaamadaas aan kor kusoo sheegay ku dhaqan.
  • ma dhacayso in aan ku dirqiyo taageerayaashayda meel ay u arkaan inaanay tix galin buuxda ku haysan.
  • ma dhacayso in aan dadkayga, dalkayga ka hor mariyo kaliya waxay naftaydu anigu jecelahay.
  • waan hubaa haddii ilaahay yidhaahdo oo naftu gaadho inay imanayso maalin aan halkan ka muujiyo go’aankayaga ku saabsan xusbiga buuxiyay arimaha dalka iyo degaanka danta u ah ee aannu wax la galaynno.
  • waa xusbiga aannu u aragno inuu waxqabad iyo horumar ula diyaar yahay dadka  iyo dalkan somaliland, islamarkaana ay ka go’antahay inay tixgalin buuxda siinayso dhawaaqa iyo rabitaanka umadda dhamaanteed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here