Marka Horeba UK Way U Madax-bannaanayd Go’aankeeda Ku Saabsan Somaliland [Laakiin] Aqoonsiga Haddii Ay Ku Dhawaaqdo Waxaa…”

0
13

“Waxa La Isku Raacsan Yahay In La Qaban Karo Doorashooyinka, Hase-Ahaatee, Haddii Ay Si Kale Wax U Dhacaan Waxay Sababaysaa Sumcad-Darro  & Hoos U Dhac Ku Yimaada Magaca Ay Somaliland Ku Leedahay Caalamka”

Safiirka-Ingiriiska-ee-Soomaaliya-Ms-Harriet-Mathews

Hargeysa(Hubaal):- Dowladda Britain, ayaa shaaca ka qaadday inay u madax-bannaan tahay go’aankeeda ay ku aqoonsan karto Madax-bannaanida Somaliland, hase-yeeshee ay jiraan tallaabooyin aan la’aantood lagu tallaabsan Karin, isla markaana haddii uu wakhtigan Ingiriisku ku dhawaaqo inuu Somaliland aqoonsaday ay ka cadhoonayso Soomaaliya, taasina dhibaatooyin cusub keeni karto.

Waxay dowladda Ingiriisku ku doodday in ka bixitaankii ay ka baxday Midawga Yurub saamayn ku yeelan karo inay Britain aqoonsato Somaliland, balse ay marka horeba u madax-bannaanayd go’aankeeda gaarka ah, balse ay waxyaabo kale tixgelinayso wakhtigan. Sidaa awgeedna ay dhiirrigelinayso in waxyaabo baddan la iskula meel-dhigo wadahadallada u socda Somaliland iyo Soomaaliya oo laba dhinac ah, inkastoo ay Somaliland ku doodayso in dowlado kale oo caalamka ahi oo Britian ka mid tahay ka qaybgalaan dhex-dhexaadintaas, haddana aanay geli Karin iyagoon dowladda Muqdisho oggolaansho buuxa ka helin. Safiirka dowladda Ingiriiska u qaabbilsan Soomaaliya ee fadhigeedu yahay magaalada Muqdisho Ms Harriet Mathews oo toddobaadkii hore Booqasho ku timi magaalada Hargeysa, waxa ay sidaa ku sheegtay waraysi dheer oo dhinacyo badan taabanaya oo uu la yeeshay Weriye Maxamuud Cabdi Ducaale oo ka tirsan Horn Cable TV, isla markaana su’aalo badan oo kulul weydiiyey, iyaduna jawaabo kala duwan ka bixisay. Waxaana Waraysigaas oo aad u dheeraa ugu horreyn Weriyuhu ku weydiiyey Safiirka Socdaalkeeda Somaliland, waxaanay ku jawaabtay; “Waxaannu si gaar ah u eegnay is-beddelka soo socda iyo xidhiidhka dhinaca ammaanka, gaar ahaanna Wasiirka arrimaha gudaha ee immika la magacaabay, ujeeeddada gaarka ah ee socdaalkaygani waxa weeye hawlaha doorashooyinka iyo doorka aannu ka qaadan karno meel-marintooda iyo inaannu kormeerno kaalmada ay dowladda Britian ka geysato hawlaha doorashooyinka Somaliland ee aadka u fiican oo aannu jecelnahay in doorashadoodu ay hirgesho.”

Su’aal: Waxaad tahay Danjira Britain u fadhiya Soomaaliya, immika waxaad joogtaa Hargeysa oo aad kaga hadlayso arrimo ku saabsan Somaliland, intaan ka war-qabana Ku-xigeenka Danjiraha Britain u fadhiya magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya ayaa Xafiiska arrimaha dibeddu u xil-saaray arrimaha ku saabsan Somaliland, taa ma wax baa iska beddelay?.

Jawaab: Maya, waxba iskamay beddelin, anigaa ah Danjiraha qaabbilsan arrimahaas, Xafiiska ku yaalla Addis Ababa-na aniga ayuu I hoos-yimaaddaa. Anigu immika in ka badan sannad ayaan joogaa, Danjirihii iga horreeyeyna sidaas oo kale ayuu ahaa.”

Su’aal: Waxaan xasuustaa bishii Febraayo ee 2012-kii, ayaa Aqalka hoose ee Baarlamaanka Britain lagu weydiiyey Xoghayihii hore ee arrimaha dibedda Britain su’aashan oo kale oo lagu yidhi; ‘Soomaaliya waa koonfurtii, Somaliland-na waa dalkii Ingiriisku xukumi jiray, sidee baa meel looga wada maamulayaa, waxaanu sheegay in Ku-xigeenka Danjiraha Addis Ababa uu si gaar ah u xidhiidhiyo Somaliland, hadda maxaa is-beddelay?.

Jawaab: Waa run Dan-jire ku-xigeenka Safaaradda Itoobiya ee Addis Ababa joogaa, door weyn buu ku leeyahay xidhiidhka lala samaynayo Somaliland. Hase-ahaatee, anuu I hoos-yimaaddaa hadda oo uu ila shaqeeyaa, siyaasaddii horena waxba iskama beddelin. Danjiraha Itoobiya ee Britain wax door ah kuma laha Somaliland, balse wuxuun buu ka shaqeeyaa Itoobiya.

Su’aal: Britain waxay u codaysay inay ka baxdo Midawga Yurub, waxay iyada iyo Yurub wada ilaalin jireen arrimaha Soomaalida, miyaanay immika ahayn inay door horseed ah ka qaadato dowladda Britain sidii aqoonsi ay beesha caalamka ugaga raadin lahayd Somaliland?.

Jawaab: Way jirtaa ka bixitaanka Britain ee midawga Yurub inuu saamayn ku keeni karo. Hase-ahaatee, mawqifka Britain iyo midawga Yurub, waa mid ay wadaagaan aragtidooda ku saabsan marka hore ee ay sameeyeen Somaliland iyo dimuquraadiyadda. Marka horeba dowladda Britain way u madax-bannaanayd go’aankeeda ku saabsan Somaliland iyo aqoonsigeeda, waxaanu ku xidhan yahay iyada.

Su’aal:  Dowladda Ingiriisku waxay aqoonsatay Somaliland June 1960-kii, taasina waxay soo afjartay xukunkii Britain ee Somaliland, iyadoo ay dib ula soo noqotay magaceedii oo aanay u bixin dadka dhulkan degaa, xuduudahana aanay samayn, ee ay bixiyeen magacaa, Xuduudahana sameeyeen Madaxdii Ingiriiska ee halkan xukumayey. Markaa, dowladda Britain iyadoo ka war-qabta taariikhdaas maxay ugu dhiirran wayday in sidii oo kale ay hadda samayso iyadoo 26 sano Somaliland Madax-bannaanideeda haysata?.

Jawaab: Taas ku saabsan aqoonsiga iyo madax-bannaanida waa arrin murugsan, kumana xidhna in dowlad qudhi ay ku tallaabsato, tusaale ahaan waxa la eegayaa arrimo badan, sida Duulista Hawada, Ammaanka iyo kuwo kale. Waxaannu dhiirrigelinaynaa wadahadallada Muqdisho iyo Hargeysa ee isla meel-dhigidda waxyaabo badan. Haddii dowladda Britian iskeed ugu dhawaaqdo aqoonsiga Somaliland dhinicii kale (Soomaaliya) ayey ka cadhaysiinaysaa oo waxay keenaysaa mishkilad. Markaa, waxay ku fiican tahay inay wax isla eegaan labada dhinac, xaaladdu maaha in qof iska baxo amaba la tago oo haddana la isku noqdo, ee waxa loo baahan yahay in labada dhinac ay wada hadlaan.

Su’aal: Waxaan xasuustaa 2012-kii uu Raysal-wasaarihii hore ee Britain Daved Cameron uu qaatay tallaabo uu isugu yeedhay Soomaaliya iyo Somaliland inay laba dhinac u wadahadlaan, goob-joogna ka ahaayeen illaa 151 dowladood oo ay kuwa Qaramada Midoobay xubnaha ka mid ahi ku jireen, wixii ka dambeeyey maan arag wax horumar ah, waxaanay sheekadu u leexatay Turkiga, iyadoo ay iila muuqato in arrintu sii wiiqantay markii idinka iyo dowlado kale aqoonsateen Muqdisho?.

Jawaab: Waa run, arrintaasi aad bay sax u tahay, waxaannu dhiirrigelinaynaa in wadahadalladu u socdaan laba geesood oo ay Soomaaliya iyo Somaliland yeeshaan, waa bilaabmeen, waana lama huraan inay sii socdaan, laakiin annagu waannu suuragelinay adeeggii ay ku wadahadli lahaayeen. Hadda-se reer Somaliland waxay codsanayaan inay door ka qaataan dhexdhexaadinta Britain iyo dowlado kale, annagana way noo sheegeen, laakiin dhinaca Muqdisho kama hayno marti-qaadkaas, waana lagama maarmaan inaan labada dhinac-ba ka helno oggolaansho, weliba dhinacyo kalena soo galaan, laakiin keligayo iskama geli karno iyagoo aanay labada geesood raalli ka wada ahayn. Dowladda Muqdisho oo nagu marti-qaadna mooyaane iskama geli karno.

Su’aal: Haddii ay Somaliland dhinacyadeedu isla gartaan in doorashooyinka ay dib u dhigtaan soo dhawaynta dadweynaha reer Sool awgood, maxaa dhib ah ee ku jira, maxaase idinka idinka galay illeen waa dalkoodiiye?.

Jawaab: Dhibaatooyin badan ayaa jira, tusaale ahaan qaar ka mid ah Mucaaradka ayaa ii sheegay in dhibaato ka iman karto beesha caalamka maalgelinta ay ku bixiyaan doorashooyinka. Waxa la isku raacsan yahay in dhan walba marka laga eego la qaban karo doorashooyinka, hase-ahaatee, haddii ay si kale u dhacaan waxay keenaysaa sumcad-darro ama magaca Somaliland ku leedahay caalamka uu hoos u dhaca.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here