Xildhibaano reer Seylac Ah Oo Raalli-gelin Ka Bixiyey Hadallo Kasoo Yeedhay Md. Cali Aareeye Oo Gobolka Selel Laga Soo Doortay

0
9

Xildhibaannada Iyo Madax-dhaqameed Wehelinayayba WAxay Bulshada Waqooyiga Maroodi-jeex Ka Xaal-mariyeen Hadallo Uu Xil. Aareeye Ku Duray

xildhibaannada seylacSaylac (Hubaal): Xubno isugu jira cuqaal, Salaadiin, Waayeel iyo xildhibaano ka soo jeedda gobolka  Selel ayaa raali gelin ka bixiyay hadallo  dhawaan ka soo yeedhay xildhibaan  Cali Sheekh Ibraahim Aareeye,  oo ka tirsan golaha  Wakiiladda, isla markaana  laga soo doortay gobolka Selel. Kaasi  oo  dhawaan mar uu magaaladda Boorama warbaahinta kula hadlay  si xun   dhaleecayn ugu  jeediyay beesha degta woqooyiga gobolka Maroodijeex, oo uu ku tilmaamay beel aad u deris xun, isla markaana ay beeshaasi doonayso in ay xoog kaga qaadato dhul aanay lahayn beesha Saylac. Hase yeeshee   xubnahan  isugu jiray  cuqaasha,  Salaadiinta iyo  xildhibaanadda  ee ka soo jeedda  gobolka Selel oo shalay shir jaraa’id ku qabtay magaaladda  Hargaysa, ayaa sheegay  in ay  ka raali gelinayaan beesha woqooyiga gobolka Maroodijeex hadaladii deel-qaafka ahaa uu kula dul kufay xildhibaan Aareeye. Chief caaqil Cali Wabar Cawaale (Cali-furre), oo arrimahaasi ka hadlayay-na waxa uu yidhi  “Raali gelin ayaan ka bixinaynaa  hadalkaa ka soo yeedhay xildhibaan Aaareeye, haddii ay Sacad Muuse tahay.  Waa  khalad arrintaasi uu  ku hadlay xildhibaanku,  cayduna waxba ma dawayso  ee nabada  ayaa wax daawaysa.   Walaalahayo,   wax  na dhexyaalaa ma jiraan,   hore-na  waxba nooma   dhex  oolin,  raali-na ha ka ahaadaan walaalahayo. Ta  labaad,  Muuse Biixi Cabdi,  waa madaxweyne  ILAAHAY  ayaa  doortay,  oo Samadda   ayaa laga dooray,   af-lagaado  nagama  geyo,   ka af-lagaadaynayaana  nagama mid ah anaga”.

Xildhibaan Axmed Yaasiin  Barkhadle Bulaale, oo ka tirsan golaha degaanka Saylac, oo isna halkaasi ka hadlay waxa uu yidhi  “Waxaan ka  jawaabay-naa   af-lagaadadii  iyo caydii uu u gaystay  xildhibaan Aareeye,   dadka walaalahayo  ee aanu isku degaanka nahay  ee ul iyo diirkeed nahay,  ayaan raali gelin ka bixinaynaa.    Beesha Sacad Muuse,  ayaan raaligelin ka siinaynaa.   Waa  dad aanu  walaalo nahay,  dad ay wax  na dhexyaalaana  ma aha.  Waxa  uu yidhi  Aareeye  waxaa  nasiib daran Ciisaha  iyo Gadabuursiga    jaarka  la noqday Sacad  Muuse,    waxaana nasiib daran beesha Cali Aareeye xildhibaanka   iyo siyaasiga  u yahay”.

 “Waxaanan  leeyahay  kii dadka isku soo dhawayn   lahaa ayaad tahay,   xildhibaan  ayaad  tahay   hadalka  xumina  dadka wuu kala kaxeeyaa,  beesha   Ciise-na  ninkii  jabin jiray  adiga  ayuu ahaa  doorashadii   golaha Wakiilada-na adiga ayaa jabiyay  beesha Ciise,  doorashadii  golihii  degaanka  dhibtii  ka dhacday  Saylac,  adiga ayaa  shiday   maanta-na   in aad dab shiddo  waad ku tallo gashay,   waanu ku baranay  magaca Ciise  ee aad dadka ku caayaysid-na  kaa yeeli mayno” ayuu yidhi  xildhibaan Bulaale.

Sidoo kale waxaa isna halkaasi ka hadlay aqoon yahan  Yuusuf Cawaale Daahir,  oo ka mid ah aqoon yahanadda ka soo jeedda gobolka Selel, waxaanu sheegay in aanau xildhibaan Aareeye metelin, isla markaana ku hadli Karin af-ka beesha Ciise.

Isagoo xusay in ay xaal iyo raaligelin ka siinayaan beesha Sacad Muuse, hadaladdii xajiinta lahaa ee uu  todobaadkii hore  kula dul dhacay, isagoo tilmaamay in beesha woqooyiga gobolka Maroodijeex iyo  beesha Selel ay yihiin dad walaalo ah, isla markaana wax dhibaato ah oo dhextaalaa aanay jirin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here