Maayirka Gabiley: Tiriig U Baxaya Bulsho Tebaysa..!Q. SCC. Kalshaale

0
9

“Shan dabeecaddood oo  aanu la wadaagin Maayirrada dalka iyo saddex mushkiladdood oo ay reer Gabiley ka sugayaan xalkooda Maxamed-amiin Cumar Cabdi..”?  Faallo ka fog, Dan shakhsi ah iyo danni siyaasaddeed.

Maayir M. Amiin Cumar Cabdi

Magaalada Gabiley waxa soo maray Maayirro kala duwan tan iyo markii dalka lagu soo noqday, kuwaasoo mid waliba xilka kaga tegay mustawe la yaqaano iyo wax-qabad lagu xasuusto oo ugu jira diwaan-gelinta xusuusta Bulshada ku dhaqan magaaladaas, iyadoo qaar kamid ah Maayirraddii soo maray Magaalada loogu magac-daray goobo muhiim ah si loo xusuusnaado. Waxaana kamid ah Dugsiga Sh. Muxumed Warsame oo loo bixiyey magacii Sh. Muxumed  Warsame oo ahaa Maayirkii dhagax-dhigay sanadkii 1953-kii xilli ku beegan.

Maayirka Maanta iyo Dhalinyarada

Maxamed-amiin Cumar Cabdi, waa Maayirka iminka ee Magaalada Gabiley. Waa  masuul aad u da’ yar oo aan filayo inuu yahay duqii ugu yaraa da’ ahaan ee soo mara Magaaladan.  Waa masuul haba gu’ yaraadee ee ay hogaamin, hufnaan maamul iyo hayal-samaan badani ka muuqato, taasoo sababtay inuu taageero balaadhan ka heysto bulshada ku dhaqan magaalada iyo guud ahaan Gobolka.

Maayirkan oo xilka hayey muddo ka yar laba sannadood, intii uu hogaaminayey Golaha Deegaanka  waxa Magaalada ka socda mashaariic badan oo horumarineed, waxaana jira kuwo kale oo aan filaayo inaanu hilmaami doonin.

Waxyaabaha horumarka fiican muujinaya ee bilowga u ah Maayirnimada Maxamed-amiin waxa kamid ah;- bilicda Magaalada  oo aad kor loo qaaday, shaaracyada waaweyn ama waddooyinka  oo lagu xidhay Nalka nabad-gelyada ee habeenkii (Security light) iyo dabcan dhismeyaal qurux badan oo ku soo kordhay intii uu xilka hayey.

Dhinaca kale, isku-xidhnaanta iyo wada-shaqeynta Hay’addaha dawladda ee heer Gobol iyo mid degmo, ayaa aad u wanaagsan , iyadoo la odhan karo Maayirku wuxuu udub-dhexaad u yahay hufnaanta iyo howl wada-jirka laamaha dawladda.

Shan arrimood oo aanu la wadaagin Maayirrada dalka

Muddo dhowr jeer ah oo aan ku noqnoqday Magaalada Gabiley sanadkan, isla markaana aan mar walba maalmo joogay, waxaan aad ugu kuur-galay sida ay Shacbiga Magaalada iyo gobolkuba ugu qanacsanyihiin adeegyada Dawladda hoose, taasoo natiijada ii soo baxday ay noqotay inay boqolkiiba siddeetan (80%) la dhacsanyihiin, kuna qanacsanyihiin Bulshaddu hab-maamulka iyo hogaaminta Maayirka iyo mudaneyaasha golaha Deegaanka ee uu guddoomiyaha u yahay.

Waxa xaqiiqo ah inaanu ahayn masuul ka war la’ wacyiga iyo waayaha shacbiga uu Masuulka u yahay oo ay sababtu tahay waa Nin da’ yar, kuna xidhan mujtamacii uu hore u dhex joogay intaanu maamulka noqon, taasoo aad ka dhadhaminayso dareen-celinta dhalinyarada markaad kala sheekaysato ama aad dhaliilsho dawladda hoose iyo Madaxdeeda.

Ma odhan karno waa ma khaldame, ama malaha wax dhaliil ah Masuul xil-hayaa, waana igu dambi haddaan ka maydho mushkilad uu u geystay Dadka iyo Deegaanka Gabiley, hase ahaatee waxaan markhaatiyaal badan ka heystaa Bulshada qaybaheeda oo aan aad u dersay dareenkooda.

 Maayir Amiin, Maaha Nin lagu xanto musuqmaasuq, Macaash-urursi, macan-gagnimo, maamul-liidta iyo war-moogganaan, halka Maayirada Magaallooyinka dalka qaarkood lagu eeddeeyo inay shantaa qodob ee dulleeya Dawladnimada ka ugu yari laba kamid ah ku kaco.

Saddex Mushkiladdood xalkooda Marti looga yahay

Si kastaba ha ahaatee, markaa dhinac walba ka eegay Magaalada gabiley iyo guud ahaan Gobolkaba, dhowr Mushkiladdood ayaa u baahan in la xaliyo si Gobolku uga maarmo ku-tiirsanaanta Caasimada iyo Dhaqaalaha kooban ee lagaga celiyo Cashuurta.

1-Shaqo Abuuris:

Magaalada Gabiley xilligan waxa ka jirta shaqo yaraan badan. Ma jiro dhaqdhaqaaq Ganacsi oo xawli uga socda magaalada. Dalaga beeruhu si fiican umuu soo go’in waxaana ku yaraa deegaamada nawaaxiga Magaalada Roobka xilligii xagaaga.

Sidaas-darteed, Dhibaatooyinka u baahan in wax laga qabto waxa ugu weyn Shaqo la’aanta Dhalinyarada oo lagu daweyn karo Maal-gelin iyo horiumarin lagu sameeyo wax soosaarka Gobolka, gaar ahaan dhinaca Beeraha oo uu caan ku yahay.

Haddii Saddex illaa afar Mashruuc oo waaweyn oo horumarinta Beeraha ku saabsan laga Degmada Gabiley iyo degmooyinka kale ee Gobolka laga bilaabo, lana qaado Olole balaadhan oo marka hore Bulshada lagu wacyi-gelinayo inay dhulka beeraan, kaddibna lagu maal-geliyo tacabka ay beerayaan, waxa hubaal ah in wax-soo-saarka Gobolka iyo ka degmaduba kor u kacayaan, gaadhina doonnaan isku-filnaansho iyo dabar go’ saboolnimo.

Sidoo kale, si mushkilada ka faa’idaysi la’aanta Dalaga Beeraha loo soo afjaro, waa in Ganacsatada dalka ee dhaqaalaha haysta lagu marti-qaadaa Gabiley, loona bandhigaa inay Maal-gashadaan Dhul-beereedka Gobolka  iyo Dhismaha Magaalada Gabiley, iyadoo la tusayo illaha dihin ee u baahan Maal-gelinta Dhaqaalaha.

Shaqo la’aanta haysata dhalinyarada reer Gabiley oo marka ay Jaamacadda dhamaystaan u soo shaqo taga Hargeysa iyo Magaallooyinka kale ee waaweyni waa Qodobka labaad ee u baahan wax ka qabashada deg deg ah, taasoo iyadana lagu xalin karo siyaasad maamul oo lagu abuurayo kaabeyaal dhaqaale iyo  Mashariic horumarineed.

2-Maal-gelinta Khayraadka Gobolka

Illaha ugu muhiimsan ee lagu yarayn karo shaqo la’aanta waxa kamid ah Maal-gelinta khayraadka dabeeciga ah ee Gobolka , hase ahaatee inta taas la helayo, waxa muhiima in la abuuro Ururro bulsho Degmo ama Gobol oo ka shaqeeya horumarinta aasaasiga ah, kuwaasoo lagu xidhayo hay’addaha Caalamiga ah iyo Barmaamujyada dawladda dhexe ee horumarinta danta Guud.

Arrinta shaqo la’aanta waxa kale oo wax lagaga qaban karaa, in la badiyo dooddaha iyo kulamada heer degmo iyo mid gobol ee mushkiladaha Bulsahdu la nooshahay, kuwaasoo marka ay  isweydiintoodu baddato la heli doono xal lagu yarayn karo.

3-Maamul-daadejin Dawli ah oo  ay Bulshaddu ka wada muuqato;

Maamul-daadejinta iyo middeynta Mujtamaca Gobolku waa mid aan tebayo inay iminka aad u yartahay, aanad mooddid inaan maamul iyo shacab toona si fiican loo dareensanayn.

Gobolka Gabiley, waxa degan Bulshooyin kala abtirsiin ah, balse magaca reer Gabiley wadaaga. Haba ku kala badnaadeene deegaamada hoos-yimaada Degmada Gabiley iyo degmooyinka kale waxa loo degaa hab isdhex gal wanaagsani ka muuqdo. Hase ahaatee waxa muuqata inaan loo sinayn ama aanay deegaamaddu si cadaalad ah u wadaagin awoodda maamul, mida dhaqaale iyo khayraadka kooban ee Dawliga ah.

Waxa jira deegaamo cashuur bixiyeyaal ah oo aan helin xuquuqda ay ku leeyihiin Dawladda heer degmo iyo mid gobol-ba. Waxa kale oo jira kuwo kale oo iyagu kala boobaya Maamulka iyo helida khayraadka oo aan uga jeedo fursadaha shaqo, mashaariicda horumarinta iyo maamulka Hay’addaha dawladda ee Gobolka ka howl-gala.

Deegaamada (Beelaha) ay Ood-wadaagta iyo aqal wadaagta yihiin Deegaanka ama qoyska  talada Gabiley loo daba  fadhiistaa “waa Deeqsiyiin dulman”, taasna waxa sabab u ah hanaanka dawladnimo oo aan daadeg-sanayn iyo deegaan-wadaagta Gobolka Gabiley oo aan isu dirnayn, wallow ay yihiin dad is-jecel oo isu-kal furan.

Dhamaan dhibaatooyinkan aan kor ku xusay wallow  dhici karto inaan  si layla arag ama hore loo dhaadanaaba, waxaan Maayirka firin-fircoon ee Magaalada Gabiley iyo Golaha Deegaanka ee uu madaxda u yahayba ku boorinayaa inay sidii wax looga qaban lahaa dhibaatooyinkaas xoogga saaraan,  noqdaana UNUG isku xidhan oo DAB cusub u shida Gobolka Gabiley.

 Daadejinta Maamulka Dawliga ah, dejinta istaraatiijiyad shaqo abuuriseed iyo daaweynta tabashooyinka Bulsho waa saddex qodob oo ay Shacbiga reer Gabiley uga marti-yihiin Maayir Amiin iyo Madaxda howsha la wadaagta, mana odhan karno wuu moogyahaye waxa laga yabaa inuu ku maqanyahay.

Allaa mahad leh

Milgona qofkii muteystay

Saleban Abdi Ali / Chief Editor

+252 63 634229772 | +252 63 4475736

editor@gobanimonews.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here