Madaxweyne Obama Oo Nin Muslim Ah U Magacaabay Garsoore

0
10

obamaMadaxweynaha dalka Maraykanka Barrack Obama waxa uu magacaabay qofkii ugu horeeyay ee Muslim ah oo noqonaya garsoore maxkamad federal oo Mareykanka ku taalla. Waxa uu sheegay inuu ku kalsoon yahay in Cabid Qureeshi uu dadka Mareykanka si wanaagsan ugu shaqeyn doono.

Wuxuu intaa raaciyay in Cabid Qureeshi uu noqon doono qof shaqadiisa dhanka cadaaladda ay ku dhisan tahay daacadnimo iyo Sabar. Sikastaba, magacaabistan waxay u baahan tahay in aqalka sare ee senate-ka uu meel mariyo.

Laakiin Senate ka ayaa u shaqeeyo xaqiijinta joojinta dookhyada Obama ee dhanka waaxda cadaaladda.

Aqalka oo aqlabiyadiisu ay haystaan xisbiga Jamhuuriga waxa uu ku murmayaa in madaxweynahu aanu isbedel ku sameyn karin waaxda cadaaladda iyadoo xilligiisu uu sii dhammaanaayo.

Balse, Madaxweyne Obama wuxuu sheegay inaysan jirin wakhti arrintaasi xadadaya oo ku qoran dastuurka Mareykanka.

xigasho: bbcsomali

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here