Wadaadkaagaa Danlaawe Ah

0
19

.W/Q: Maxamed Cali Bile

maxamed cali bile
Nin an saaxiibnahay oo ka tirsan madaxda hoggaamisa dawladda Soomaliya oo an qiyaastii 5 bilood ka hor iswareysaney, ayaa igu yidhi, “Soomaaliya iyo Muqdisho waxa ay ka degi laadahay dad ad Soomaaliland nooga soo dirteen oo qas ka wada”. Wuxu soo qaatey dhowr qof oo qaraxyo ka fuliyey Muqdisho. Waxa an ku idhi, sowta boqolaalka kale ee qarax ka dhacaan ee ay meeshu degi laadahay, maxaad dhowrkan tusaale uun u soo qaadatey. Kuyee, kuwan anaga dhexdayada ah waanu garaneynaa waxa la isku heysto iyo cidda ka danbeysa. Balse, dadka xagiina ka yimid ee Muqdisho ka dagaalamayaa, waxey rabaan ma fahmeyno? Waxan ku idhi, kuwan kale ayey la mabda’yihiin oo ay isku koox yihiin. Ninkii isaga oo ila yaaban, oo hadana ila kaftamaya ayuu yidhi “illeyn qaldaanimadu waa idin ka wada dhab”

Iyada oo sheekadaasi maskaxdeyda ku wareegeysa, ayey laba bilood ka hor war soo saareen magacaabey Golaha Culimada Soomaaliyeed, waxaaney sheegeen in dsitoorka lagaga doodayey baarlamaanka Soomaaliya uu diinta islaamka ka soo horjeeda, waayo waxa uu ogolaanayaa in dadka isku jinsiga ihi ay isguursan karaan. Dabcan, qof kasta oo 10 garaam oo maskax ihi ku jirtaa uu garan karaa inaan 500 oo mas’uul oo Soomaali ihi inta ay meel fadhiistaan taageereyn distoor odhanaya raggu ha isguursado. Iska dhaaf Soomaaliye, xataa dalalka gaalada ah ayaa intoodii badneyd diideen barnaamijkaa noocaas ah iney sharciyeeyaan.  Sidaasooy tahay, culimo badan oo Soomaaliland joogta ayaa ka hadashey arinkaasi oo yidhi halaga hortago. Dad badan oo kale ayaa iyana hadalkii culimadooda maqley oo ku taliyey in laga dagaalamo arinkaa meel marintiisa. Culimadaas iyo dadkaasi waxa ay u badanyihiin dad aan arag distoorka laga doodayo. Waxa keli ah ee wadaa waa dhaqan cusub oo 20kii sanadood ee ina soo dhaafey soo kordhey oo diinta loo adeegsanayo xasarad. Arintii lalahaa jihaad halaga galo, dhowr maalmood dabadeed waaba laga doodey iyada oo aan waxba laga bedelin, Golihii Culimada ee Muqdisho ka hadlayeyna wey taageereen distoorkii. Wadaadkii shanqadha xamar ka baxda dhageysanayey ee Hargeysa joogey uu iska aamusey sidii oo aaney waxba dhicin.

Maqaalkeygii kan ka horeeyey oo cinwaankiisu ahaa “Siyaasigeyga ayaa Danlaawe Ah _ Muqdisho Danbi Malaha”, waxa an kaga Hadley sida siyaasiga Soomaaliland u dhashey ay taladu uuga kala daadatey laga soo bilaabo 1960-gii ilaa iminka, markasta oo ay timaado in ama wax la wada qeybsado Soomaaliya ama la gorgortamo. Maqaalkeygan waxa an ku eegayaa, sida culimada qaarkood ay danlaawayaal u yihiin marka la barbardhigo wadaadada Soomaaliya jooga. Taa macneheedu maaha in wadaadka Muqdisho joogaa ka aqoon badan yahay ka Hargeysa ama Boorama Burco jooga. Balse, waa xaqiiqda ah in wadaadka Soomaaliya jooga iyo siyaasiga Soomaaliya jooga uu markasta leeyahay dan uu kala mideysanyahay bulshadiisa iyo qabiilooyinkiisa. Halka Wadaadada Soomaaliland joogaa aaney hoosta uuga xariiqneyn wax dan ah oo dadkooda iyo dalkooda khuseeya. Waxa dhici karta inad doodeyda meelaha qaarkood wax ka diido. Balse hadana waxa muhiim inad bal horta marka hore dhuuxdo oo ad fahanto.

Markii dawladnimaddii Soomaaliya meesha ka baxdey 1991-kii, culimada diintu waxa ay buuxiyeen doorkii dawladnimada iyaga oo bulshadii isu keenaya, diintana tiir uuga dhigaya. Shaki kuma jiro in la’aantood dhibaato badan lala kulmi lahaa. Sidaasooy tahay, wadaadada qaarkood waxa ay marar badan qeyb ka ahaayeen dhibaatada Soomaaliland ka jirta. Sanadadii sagaashanaankii waxa jirey abaabul xoog leh oo ka socda Soomaaliland oo ay qaar ka mid ah wadaadadu taagero uugu wadeen dagaalada ka socda Soomaaliya. Abaabulkaas xooggiisu waxa uu ka jirey magaalooyinka Yiroowe, Burco, Hargeysa iyo Boorama. Waxa la ururin jirey lacag. Wadaado ganacsato u badan ayaa abaabuli jirey taageeradaasi. Waxa dalka ka tegi jirey dhalinyaro la sii ambabixiyo oo loo diro dagaalada koonfurta Soomaaliya ka socda si loo jabiyo gaalada iyo soo raacooda. Taagerada loo hayo gaalo la dagaalanku waxa uu bilowdey 1992-gii markii Janaraal Caydiid iyo ciidamada Mareykanku ku dagaalamayeen magaalada Muqdisho. Soomaaliland iyo umadaha kale ee Islaamka ah iyo kuwa Afrikaanka ah iyo xataa dawladaha kale ee soo koraya oo dhan ayaa laga taageersanaa Janaraal Caydiid. Waxa loo arkayey inu ahaa muwaadin iska celinaya Mareykan kibirsan.

Sideedaba haddaad maqasho dagaal ama siyaasad la isku hayo Soomaaliya, saddex arimood midkood ayaa u sal ah oo kala ah: XUKUN, DHAQAALE iyo DHUL BALLAADHSI. Shey saddexaad ma soo raaco. Balse si dhinac kastaa hadafkiisa u gaadho, waxa uu u maraa dariiq kasta oo u suuro gal ah. Mar waxa abuurmey qabablayaal dagaal oo mid walbaa inta uu sameystey maleeshiyo reerkooda ah ay qabsadeen dhul iyo dad. Xamar oo keli ah waxa ka sameysmey ugu yaraan 10 qabqableh dagaal oo ay ka mid ahaayeen Cali Mahdi, Caydiid (AHUN), Cismaan Caato (AHUN), Muse Suudi Yalaxow, Cumar Finish, Maxamed Dheere (AHUN), Qanyare iyo qaar kale. Dadkani qabiil ahaan waa isku wada qabiil, balse waxa ay isku hayeen dhul ballaadhsi iyo is xukun. Mid gaalo la dagaalamayey muu jirin ee mid kastaa waxa uu dilayey inaadeerkii oo Muslim ah. Tiro ahaan dadkani waxa lagu qiyaasey iney heysteen 1,200 oo baabuurta tignikada ah iyo ilaa 30,000 oo ciidan ah.

Markii ay qabqablayaashii dagaalku talo keeni waayeen, waxa magaalada Muqdisho ka bilowdey maxkamado Islaami ah oo xaafad kastaa sameysatey. Sheekh Shariif iyo kooxdiisu waxa ay maxkamad ka sameysteen meel la yidhaa Wershedda Caanaha oo ku taalla koonfur galbeedka magaalada Muqdisho. Ugu yaraan 10 maxkamadood oo kalena wey ka sameysmeen Muqdisho. Maxkamadihii ayaa markii danbe isku tegey oo midoobey, lana baxay Midowga Maxakamadaha Islamka, Sheekh Shariifna madax ayaa looga dhigey. Maxkamaduhu waxa ay yeesheen ciidamo aad u xoog badan oo dagaal kala hor tagey ciidamadii itoobiyaanka iyo kuwii kale ee Ururka Midowga Afrika soo direen. Ciidamada iyo hubka ay maxkamaduhu yeesheen waa isla kii ay heysteen qabqablayaasha dagaalku. Waxa isbedeley uun madaxdii oo meeshii waxa la wareegey horjoogayaal wadaad ah. Inkasta oo ay isbedeshey asluubtii iyo dhaqankii ciidanku, oo loo yeeley disibiliin wanaagsan iyo iney diinta islaamka ku dhaqmaan, hadana hadafka guud ismuu bedelin. Waxa loo dagaalamayey waa Dhaqaale, Xukun iyo Dhul Ballaadhsi. Hadafkaasi waxa og uun inta madaxda ah. Dadka intiisa kale waxa ay u dagaalamayeeen Dar Ilaahey.

Badhtamihii sagaashanaadkii ayaan Magaalada Muqdisho tegey. Waxa an ku degey Hotel Ramadaan oo uu lahaa Wadaad aad u wanaagsan oo an saaxiib aheyn. Waxaanu ahaa dadka uugu saameynta badan magaalada Muqdisho xilligaa. Wuxu ahaa ganacsadaha siiya dhaqaalaha uugu ballaadhan kooxaha Islaamiyiinta. Markii danbena waxa uu ahaa muruqii ka danbeeyey maxkamadihii islaamiga. Waxa hotelkiisa joogay ilaa 20 baabuur oo tigniko ah oo ilaalinayey. 1991 ayaa Hotelka iyo wadaadkaba iigu danbeysey isaga oo Hotelkaas oo keli ah ku koobaan. Waxa an uugu soo noqdey isaga oo ah ninka iska leh dekeddii cusbeyd ee ku taalley woqooyiga Muqdisho oo aheyd meesha keli ah ee ay magaalada wax uuga soo degi jireen. Sidaasooy tahay, sheekhaasi waxa uu ahaa qof ka ganacsada hey’adaha caalimiga ah sida UN-ta. Hey’adahaasi isagaa lacagta u sarifa, baabuurtooda Huteelkiisa ayey dhigan jireen, alaabada ay soo dejistaanna isaga ayaa u soo rari jirey oo u dhigi jirey bakhaaradiisa. Sheekhii uugu weynaa ee Maxkamadaha Islaamiga ah maalgelinayey waa isla sheekha uugu weyn ee la ganacsada kuwa ay islaamiyiintu la dagaalamayaan iyo kuwa soo raaca. Waa farsamo laga simanyahay Muqdisho. Wixii lacag sita waa lala shaqeynayaa oo lacagtaa waa laga reebayaa. Wixii lala dagaalamayana waa lala dagaalamayaa. Labada diimoodba waa la is barbar wadaa. Wadaadka Soomaaliland taageerada ka abaabulayey iyo inanka yar ee Soomaaliland laga kexeeyey ee xaafadda Dayniile ee magaalada Muqdisho  ka dagaalamayey, ma garan karaan arimahan oo kale waayo maba soo gaadhaan meelaha lagu tashanayo.

Markii Sheekh Shariif loo doortey Madaxweynihii Soomaaliya, waxa la filayey in ay kooxihii ku midoobey Maxakamadaha Islaamka iyo kooxihii kale ee magaca Diinta ku dagaalamayey iney taageeraan oo ay dawladda ka mid noqdaan. Taasi mey dhicin. Wadaadada badankoodii wey ka soo horjeesteen. Tolow ma wadaadkii Sheekh Shariif ayaa markii madaxweynaha loo doortey Diinta ka baxey, mise marka hore ayaanu hadafku Diin aheyn? Sheekhu weli Sheekh ayuu ahaa ee ismuu bedelin. Waxa jirey dad aqoon ahaan iyo da’ ahaan ka weyn Sheekh Shariif oo rumeysnaa iney kursiga xaq uuga leeyihiin. Qaar waxa ay rumeysnaayeen inaaney weli gaadhin hadafkii reerkooda oo aaney qabsan dhulkii ay rabeen sidaa darteedna aaney joojineyn dagaalka. Waxa lagu kala beydhey waa hadafkii xukunka, dhaqaalaha iyo Dhul-Balaadhsiga oo qabiil ku saleysan. Sheekh Shariif si uu iskaga celiyo wadaadadii kale iyo ururadii Islaamka eek a soo horjeestey dawladiisa, waxa uu adeegsadey ciidamadii Xabashida iyo ciidamadii kale ee gaalada ahaa.  Waxan oo dagaal ah marka ad isku soo ururiso, waxa loo dagaalamayey 5 qeybood oo dhulka Soomaaliya ah oo ay qabiilooyin rabeen iney kala qeybsadaan. Dhulkaasi ayuu midi magac dawladeed ku dagaalamayey, mid kalena xoog iyo maleeshiyaad adeegsanayey, mid kalena Kitaab u soo qaatey sidii uu hadafkiisa ku gaadhi lahaa. Dan laawaha iyo laangaabka la isu soo ururiyeyna waxa loogu waramey in dar Ilaahey loo dagaalamayo. Dhulka ku aaddan Mudug iyo Galguduud waxa qoondeystey ururka Ahlu Sunnah Wal Jamaaca. Waa sababta aanad weligaa u maqal dagaal ama dhaqdhaqaaq ay kooxdaasi ka waddo meel kale oo Soomaaliya ka mid ah. Ururkii Xisbul islaam ee uu hoggaaminayey Sheekh Xasan Daahir Aweys oo ahaa urur ay sameysteen qabaa’ilka Galguduud degaa, waxa ay qoondeysteen Gobolka Shabeelada Hoose oo ah gobolka uugu kheyraadka badan Soomaaliya oo dhan. Waxa lagu heshiiyey in dad ka soo jeeda beesha uu ka dhashay Sheekh Xasan Daahir ay ka soo guuraan gobolada Mudug iyo Galguduud oo ay soo degaan Shabeelada Hoose. Kooxdii uu hoggaamin jirey Sheekh Xasan Turki (AHUN) ee uu markii danbena hoggaanka u qabtey Sheekh Axmed Madoobe, waxa ay qaateen Jubbooyinka. Sheekh Muktaar Roobow oo awood badan ku laha ururkii Alshabaab waxa uu amar ku bixiyey inaan ururkaasi marna dagaal ku qaadin dhulka uu ka soo jeedo ee Bay iyo Bakool oo dhulkaasi faraha looga qaado qabaa’ilka Raxanweyn. Sheekh Shariif iyo beeshiisana waxa loo qoondeeyey inaan Muqdisho iyo Balcad iyo Jawhar loogu iman. Kooxahaas oo dhami waxa ay heshiis ku yihiin inaan qolana meeshooda loogu iman iyo dhulkaa ay qabsatey. Wax dhul ah oo aan la qeybsan waxa hadhsanaa gobolka Hiiraan, isagana iminka ayaa loo taliyey oo lagu darey gobolka Shabeelada Dhexe oo caasimadna looga dhigayaa magaalada Jawhar.

Kooxaha Islaamiyiinta ah ee dagaalka kula jirey gaalada iyo Xabashida mid walbaa dantiisii uu gaadhey, Xabashidana waaba la wada saaxiib oo si joogto ah ayey u wada shiraan. Bal adigu ka warran Amiir Axmed Godane (AHUN) iyo reerkiisa oo maanta ku nool aqal ku dhegsen Madaxtooyada Hargeysa? Waa wax aan dhici kareyn inaga. XAMAR ARRINTAASI WEY KA DHACDAA. Sheekh Xasan Daahir Aweys oo la yidhi qofkii soo qabta ama soo dila waxa la siinayaa Malaayiin Doolar, waxa uu maanta ku noolyahay guri weyn oo Muqdisho ku yaala. Waxa ilaaliya boqolaal ciidamo ah waxaana uu qaataa mushahar ballaadhan oo dawladda Soomaaliya bixiso, labadiisii xaasna wey la joogaan. Sheekhu shaqadiisii uu gutey gobolkii shabeelada Hoosena waxa uu ku wareejiyey gacanta beeshiisa. Sheekh indho Cadde oo gobolka Shabeelada Hoose horjooge ka ahaa, kana mid ahaa dadka la raadinayey, wuxu noqdey Janaaraal wax ka hoggaamiya ciidama Federaalka Soomaaliya. Ciidamadii beesha iyo kuwii Xisbul islaam ee qabsadey Shabeelada Hoose waa la qarameeyey oo direys dawladeed ayaa loo geleyey oo sidaas ayey ku heystaan dhulkii. Waxaa ciidan iyo wadaad lagu wareejiyey dawladda ee xilka loo kala dhiibey, wadaad keli ah oo Soomaaliland ka soo jeeda xil looma dhiibin, inan keli ahna askari lagama dhigin. Badankoodii waxa lagu wada aasey, Marka, Baraawe iyo Eriile. Sheekh Shariifkii hoggaamiyaha u ahaa xarakada iyo maxkamadaha dagaalamaya oo dhan, waxaabu noqdey Madaxweyne, waxaanu jeexay dariiq ah in beeshiisu ay madaxweynanimada Soomaaliya markasta heysato ama uu hayo qof beeshiisu raali ka tahay maadaama caasimaddii faraha looga qaadey. Axmed Madoobe oo ah ninka dhaxley hoggaankii Sheekh Xasan Turki (AHUN) waxa looga hadhey inu ahaaddo madaxweynaha dawlad goboleedka Jubbooyinka. Sheekh Mukhtaar Roobow iyo Ciidankiisii iyo saddexdiisii xaasba uu kala goostey Xarakadii, waxana lagu soo dhaweeyey Goboladiisii oo looga goleeyey dhul dhan oo uu ku noolaado. Waxa uu tolkii ka qoranyahay halyey. Wuxu ku guuleeystey inaan dawlad Goboleedkiisii aaney Alshabaab iyo koox kale toona soo faragelin. Waxa loo qoondeeyey ciidan ka tirsan “Rahanweyn Resistance Army” oo isaga iyo reerihiisaba ilaalisa. Ururkii Ahlu Sunnah Wal Jamaaca waxa ay heshiis la galeen dawlad goboleedka GalMudug oo ay dawladda dhinacooda kala maamulaan. Waxaa duni la qeybsadey, wadaad Soomaaliland joogaa jawaab kaama siin karo halka ay ku danbeeyeen dhalinyaradii dagaalka loo direy. Jawaab kaama siin karo hadafka uu ka lahaa taageerada dagaalkan.

Waxa weli halgankii muslimiinta ku jira, dadkii dagaalka daacadda ka ahaa ee rumeysnaa in Muslimnimo loo dagaalamayo ee ka tegey Burco iyo Borama iyo Hargeysa iyo Laascanood iyo kuwii aan laheyn meel adag oo ay ku noqdaan. Bil ka hor ayaan la sheekeystey wadaad an saaxiib nahay oo ah dadka rumeysan in dagaalka Soomaaliya ka socda uu yahay mid diinta Islaamka loo dagaalamayo. Waxan ku idhi, wixii oo wadaad ahaa ee horjooge lahaa, ee ganacsade dagaal lahaa ee ka tirsanaa ururada Islaamiga ah, weli miyaad maqashey qof la soo qabtey oo jeel Soomaaliya ah ku xidhan? Weli miyaad maqashey qof Xabashi ama mareykan loo dhiibey? Qaarkood waxa lagu baayacey in cidii soo disha ama soo sheegta meesha ay joogaan malaayiin doolar la siinayo. Iyagii oo nool oo la karaameeyey ayaa guryahoodii oo xamar ah jooga oo aanu qofna ku dhicin inu farta ku fiiqo. Waxad isweydiisaa dadkii ka tegey Hargeysa iyo laascanood iyo Boorama iyo Yiroowe iyo Burco ee ka qeyb galey dagaalada ka socda Soomaaliya mid keli ah oo mansab ka haya ama dawladda Soomaaliya ama kooxohooda gudahooda looga dhiibey.

Halka wadaadka Muqdisho iyo Beydhabo iyo Marka iyo Kismaayo joogaa hadafka ka lahaa dagaalka, wadaadka Hargeysa Muxaadarooyinka ka akhriyayaa wax dan ah kama laheyn, dar Ilaahey mooyee. Kuwii la darajada ahaa Axmed Godane (AHUN) laga bilaabo Gaalkacayo ilaa Kismaayo mid walbaa Gurigiisii ayuu joogaa oo lagu ilaaliyaa waayo mid walbaa uu soo fuliyey hadakii beeshiisa. Sheekh Shariif, Xasan Daahir Aweys, Sheekh Indho Cadde, Sheekh Axmed Madoobe, dhowr iyo toban sanadood ka hor waxa ay ahaayeen shayaadiin gaalada iyo dawladda Soomaaliya raadineyso. Maanta kuligood waa wada halyeyo, qaarkoodna waa madaxweynayaal.

Iyada oo ay sidaa tahay, ayaa weli wadaadkeygii aanu miyirsan. Marka nin 15 sanadood ka hor KAARI ka ahaa suuqa Bakaaraha oo basaska caasiga ah kireyn jirey iminka sheegtey Golaha Culimada Soomaaliyeed hadal soo saaro, ayuu wadaadkeygii dar Ilaahey u dagaalamayey durbaanka u tumayaa oo uu leeyahay distoorka Xamar laga wado halaga hor tago. Inta uu taageerayo nin Xamar ka Hadley, wadaadkan Hargeysa joogaa muu isagu sheegto Golaha Culimada Soomaaliyeed ee addunka ku nool. Isagaa kaarigan ka aqoon badan, isagaa joogaa dhul 26 sanadood nabad ahaa. Maxaa u diidey inu isagu sheegto mansabkan. Waa kalsooni darro. Waxa uu taasi ka jecelyahay inu isagu ku xigeen u noqdo nin Kaari ahaan jirey oo Golaha Culimada Sheegtey. Cid danbe oo Muqdisho ka hadal heysa distoorkii miyaad maqashey? Waa maya. Reer xamarku marka ay arin dhameeyaan waxa ay yidhaahdaan “Arinkaa waa la kala tuurey”. Marka horeba wadaad iyo waran leh iyo haddii uu dawlad yahay, meesha waxa ku tashanaya kooxo isku hadaf ah. Waxa la isku hayaa waa XUKUN, DHAQAALE iyo DHUL BALLAADHSI. Wadaadkeygu dar Ilaahey ayuu u dagaalamaayaa oo uu u kala hiilinayaa dad wada muslim ah oo dano gaar ah isku haya.

Addunka wey jiraan dagaalo badan oo Diinta islaamka lagu adkeynayo oo hore loogu marinayo. Balse maaha kuwan an maqalno. Magaalada Toronto ee dalka Canada, culimo Soomaaliyeed ayaa gaalada dhexdeedii ka dhisey ugu yaraan 13 masaajid dhowr iyo labaatankii sanadood ee u danbeeyey, lacagta intaa leegna waxa ay ka ururiyeen dadka qaxootiga ah. Culimo kale oo Yurub iyo Mareykan jooga ayaa maalin kasta Muslimiya gaalo iyaga oo caqli ku qanciya. Sheekh Siciid Raage ayaan arkey oo inta uu iibsadey meel bakhaar ah ka dhisey xarun iyo masaajid lagu soo hirto magaalada Toronto oo ugu yaraan ay dhici karto in lagu dhisey 10 malyuun oo doolar. Ka sakow salaadda, waxa xaruntaasi loo isticmaalaa meel dhalinyaradu wax ku barato ku ciyaarto, ku kulanto, fikir isku weydaarsato, lagagana fogaado dhaqamada xunxun iyo mukhaadaraadka. Sheekh Cabdillahi Muse Qaalib ayaa Jira oo 25 sanadood ee la soo dhaafey kumanaan caruur iyo dhalinyaro ah wax ku barey gacantiisa oo badankoodii ay yihiin dhalinyaro ka dhex muuqata mujtamaca iyo dawladaba. Cabdillaahi Muuse inta uu keligii umaddiisa u qabtey wey ka badantahay waxa ay qabteen wadaadada kale ee Soomaaliland degen haddii la isku daro. Kolka wadaadka jibbeysan oo shanqadha jihaadka dhageysanayaa dhalinyarada u dirayey dhimashada, Cabdillahi Muse waxa uu u dirayey nolol iyo mustaqbal rajo leh. Wadaadkii “Dir Muxaadaro”, weli shanqadh Muqdisho iyo meel kale ka baxda ayuu sugayaa. Waa xasarad u joog gaadaya wax lagu murmo iyo meel uu budhka u lulo. Hadda ninka Xamar u hiilinaya bankii Tuuyo iyo ina Afmadoobe iyo Lughayadii uu ka yimid waa lagu biyo laayahay. Halka uu doonayo in loo dagaal tagaa waa Afmadow, Yeed, Tayaglow, Xuddur, Baraawe, Eriile, Nambar Konton, Kabtan Laas, Jannaale, Jamaame Wirkooy, Buula Maseyr, Raaskaambooni, Makumaani, Shalanbood, Bariir. Wixii dhalinyaro ah ee uu hore dhulkaa uugu direyna cidi kama noola. Waa dhul ay la wareegeen Qabaa’il soo duuley oo kitaab ku gabbanaya.

Maqaalkeygan iyo kii ka horeeyey ee siyaasiyiinta ka hadlayey, hadafka an ka leeyahay maaha inaan wax ku dhaliilo. Balse waxa an u qorey inan iftiimiyo jilicsanaan iyo nabar weligiiba jirey oo aan la daweyn. Iska dhaaf wixii tegey iyo doodeheena ah Soomaaliya wey na khiyaameysey! Haddii maanta mar kale Soomaaliya iyo Soomaaliland talada la soo dhexdhigo oo si siman loogu qeybiyo oo kubbadda dhexdooda la dhigo, waxa an rumeysanahay in si sahal ah looga badinayo siyaasiga iyo wadaadka iyo guud ahaanba hormoodka bulshada ee an aniguba ku jiro. Waa maxay sababtu? Siyaasiga iyo wadaadka iyo hormoodka Bulshada ee Soomaaliland jooga maba fahamsana qaabka iyo sharciga lo ciyaaro siyaasadda Soomaaliya. Oo waa maxey sababta uu u garan laayahay siyaasadda Soomaaliya? Marka hore ayaanu kan Soomaaliland Siyaasiga ka ah iyo wadaadkiisuba aaney laheyn ama aaney u caddeyn dantoodu, bulshadoodana aaney ku xidhneyn.

 

Alla Mahad leh

 

Maxamed Cali Bile

Aqoonta U Adeega Nolosha

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here