“ [Dagaalka Ceel-Afweyn) Wuxuu Ka Bilaabmay TELESOM Oo Ninka Ina Maxamed/Iid Oo Garxajis Ahi Madax Ka Yahay Iyo DAHABSHIIL Oo Nin Habarjeclo Ahi Leeyahay”

0
16

Boqor Buur-Madoow oo Si Kal-furan U Sababeeyey Dagaalka Ceel-afweyn oo Isaga iyo Mas’uuliyiin Kale lagu eedeeyey

“Socon Meyso Inaynu Axaadiis Yaryar Halkan Ka Akhrino Iyadoo Ay Habar-Jeclo Colaad Ku Jirto’e Aynu Diinta La Tagno Halkeeda Ay Wax Ka Tarayso, Tolnimadana Aynu Halkeeda La Tagno”

 “Mareegaha Beellaha [Bariga Burco] Wax Buunbuunin Iyo Colaad Ah Kamay Hadal [Laakiin] Waad Arkaysaa Ninka Ugu Weyn Ee Ay Mareegaha [Galbeedka Burco] Eedaynayaan Waa…”

“Birihii [Taawerradii] Shirkadda DAHABSHIIL Ee Laga Taagayay Dhulkii Aanu Wada Degi Jirnay, Ayay Nimankaas Aanu Tolka Nahay Yidhaahdeen Lagama Taagi Karo Oo Ay Rasaas Kala Daaleen, Markii Dembenna…..”

buurmadowDubai (Hubaal/Mareegaha Wararka) –  Boqor Cismaan aw Maxamuud Buur-madow oo kamid ah madax-dhaqameedka miisaanka weyn ee reer Somaliland, ayaa markii ugu horraysay si furan uga hadlay  dirirtii dhawaan beelaha walaalaha ah ku dhexmartay deegaanka Darar-weyne ee gobolka Sanaag. Boqor Buur-madow oo cod u muuqda mid aan saxaafadda loogu talogelin, isla-markaana gaar u ahaa marin-doodeedyo beeshiisu leedahay oo  la helay, ayaa si mug leh beeshiisa u cannaantay, isagoo dhaliilay shakhsiyaad aanu magacaabin oo uu sheegay inaanu doodooda ku saabsan daminta colaadaas u bogin. Boqorku waxa ugu horrayn cannaan u jeediyey mareegaha wararka faafiya ee ay leeyihiin mid kamid ah beelaha deegaanka Ceel-afweyn ku dagaallamay uu sheegay inay colaadaas hurinayaan,  “Mareegaha beelaha habar-jeclo wax buun buunin oo colaad ah midna kagamay hadal, laakiin waad arkaysaa Mareegaha Habar-yoonis waxa ay eedaynayaa rag aan waxba ku lahayn, xukuumad aan arrinta waxba kaga jirin, ninka ugu weyn ee la eedaynayaana waa aniga.” Ayuu yidhi Boqor Muur-madow. Buur-madow oo hadalkiisa sii wata, ayaa sharraxay sababta rasmiga ah ee keentay iskudhaca labada beelood, waxana uu yidhi,“arrinkani waxa uu ka bilaabmay sanadkii hore shirkadda TELESOM oo ninka Ina Maxamed-iid oo garxajis ahi madax ka yahay iyo DAHABSHIIL oo nin habarjeclo ahi leeyahay, ayaa dhulkii aanu wada degi jirney birihii buuraha laga taagayey ee shirkadda DAHABSHIIL ayaa buuro ay beeshu aad iskugu tirinaysay ay rasaas kala daaleen oo ay yidhaahdeen lagama taagi karo, markii dambena ceelashii iyo biyihii bay yidhaahdeen annaa leh, nimankaas aanu tolka nahay oo annagaa xataa nidhi ha taagnaato birta Ina Maxamed-iide iska daaya.” Cismaan Aw Maxamuud Buur-madow, waxa uu hoosta ka xarriiqay in dhaqankii beeshiisa ee xagga xamaasadda iyo midnimadu is-beddelay, isagoo tusaale usoo qaatay raas beeshiisa kamid ah oo uu tilmaamay inaan loogu gurman colaad ay hore u galaan,“labada weerar ee ugu dambeeyey xagga tolkeena kale ayey ka yimaadeen, culimada wax wacdiyeysa waxan aad ula yaabay Habar-jeclo dhaqan aanay lahaan jirin baa beryahan dambe kusoo baxay, markii beesha SOLO-MADOW iyo dhulbahante isku dhaceen oo Dhulbahante oo dhami isku dhaceen markii la yidhi halla dhexgalo  anigu waan diiday oo kama aan qaybgelin waxana aan ku diiday waxan lahaa looma sinna oo ma dhacayso in Dhulbahante iyo Habarjeclo ay siman yihiin.” Ayuu yidhi boqor Buur-madow. Waxa uu boqorku tilmaamay in dhinac kamid ah beelaha ku dagaallamay deegaanka Ceel-afweyn ay heleen gurmad badan, isagoo saluugay gurmadka dhinaca beeshiisa, waxana uu yidhi,“Habarjeclo dawladda ay qabatay baa colaad, cadaawad badan iyo ficiltan badan u keentay, niman yahow waxan idiin sheegayaa inaanu jirin reer qudha oo habarjeclo ah oo dagaalkaas ku weheliyaa inaanu jirin, laakiin Sacad-yoonis dhammaan HABAR-YOONIS cid walba way abaabushay oo way galeen.” Boqorku waxa uu intaas ku daray,“Waxanu u gurmanay Darroor oo ay GARXAJIS isku laayeen, HABAR-JECLO oo colaad ku jirta oo aanay ceebta iyo nusqaantu meel kaa tegayn inaynu halkan axaadiis yar yar ka akhrino ma soconaysee waxan leeyahay Diintana aynu halkeeda la tagno ay wax ka tayso, tolnimadana aynu halkeeda la tagno.” Dhinaca kalena waxa uu boqorku hadalkiisan oo ahaa mid aad u dheer mar walba ku muujinayaa in nabadda iyo wada-noolaanshuhu ka go’an tahay, isla markaana aanu wax colaad iyo nacayb ah cindigiisa ku haynin, balse dadka badankiisa ayaa hadalka boqorka dhaliilo badan u jeediyey, kuwaas oo sheegay inaanu  lahayn miisaankii looga baahnaa nin madax-dhaqameed ah oo meeqaamkiisa oo kale taagan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here