Maraykanka Oo Ka Hadlay Weerarro Cirka & Dhulka Ah Oo Uu Sheegay Inay Ku Dileen Saraakiil Al-Shabaab Ah

0
9

diyaarado-duqeeyey-buuraha-galgala-ee-al-shabaab-saldhigga-u-ahSomalia (Hubaal):- Dowladda Maraykanka, ayaa ka hadashay weerar Cirka iyo Dhulka ah oo ay Ciidammo Maraykan iyo Soomaali isugu jira oo kaashanaya Diyaaradaha Dagaalka ee dawladda Maraykanku ka fuliyeen deegaan lagu magacaabo Tooratoorow oo ka tirsan gobolka Shabeellada hoose ee dalka Soomaaliya, halkaasoo ay sheegtay inay ku dileen dagaalyahaniin iyo Saraakiil sarsare oo Al-Shabaab ka mid ahaa.  Al-Shabaab, sheegtay inay dagaalyahannadeedu iska difaaceen weerarka ay Ciidammada Maraykanku ku soo qaadeen saqdii-dhexe ee habeenkii Isniinta ee toddobaadkan, kuwaasoo ay sheegtay inay taageerayeen Diyaaradaha dagaalka oo deegaankaas Gantaallo ku garaacay.  Hase-yeeshee, Afhayeen u hadashay Waaxda Gaashaandhigga Maraykanka ee Hawlgallada Afrika, ayaa sheegtay inay Ciidammo Maraykankan ah iyo Ciidammada Soomaaliye ee sida gaarka ah u tabobbaran ee loo yaqaanno Danam ay weerar qorshaysnaa habeennimadii Isniintu soo galaysay ka fuliyeen deegaanka Tooratoorow ee gobolka Shabeellada Hoose ee dalka Soomaaliya. Waxay Afhayeenku intaas ku daray inkastoo ay Al-Shabaab weerarro dhabar-jebin ah ku soo qaadday Cidiammada iskaashanaya ee weeraray, haddana ay iska difaaceen huwantu, isla markaana Diyaaradaha Dagaalku Duqaymo difaac ah dhinaca Cirka kaga rideen, isla markaana dileen illaa Afar Sarkaal oo Al-Shabaab ka tirsanaa.diyaaradaha-maraykanka-oo-dilay-saraakiil-ka-tirsan-al-shabaab-iyo-daacish

Hawl-galo Ciidan oo kala duwan iyo weerarro kan la mid ah, ayay dhawr jeer Ciidammada gaarka u tabobbaran ee Maraykanka iyo Soomaaliya oo ay taageerayaan Diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Maraykanku ka fuliyeen deegaanno ka tirsan Soomaaliya oo ay Saldhigyo ama fadhiisimmo ku lahayd Al-Shabaab, kuwaasoo qaarkood lagu bartilmaameedsaday Saraakiil sare oo Al-Shabaab ka tirsanaa oo uu ka mid ahaa Hoggaamiyihii Kooxdaas Axmed Cabdi Godane iyo kuwo kale.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here