“Somaliland Waa Qaran Maanta  U Baahan Hoggaaminta Jiil Ka Midho Dhaliya Hiigsiga Himilooyinkiisa Cusub”  W/Q: Maxamed Jaamac Ciise (Buraalle)

0
13

Waxay Shacabka Somaliland tabayaan in ay gaadhaan himilooyinkoodii oo ay ugu horayso dalkani in uu noqdo Qaran dhamaystiran oo isku dheeli tiran oo ay shaqaynayaan Shuruucdiisu iyadoo Madaxdiisu Shacabka ku hogaamiso Sharciga iyo Xeerarka Dalka taasi oo meesha ka saari karta duruufaha qalafsan ee caqabada ku ah ku dhaqanka Xeerarka iyo Shuruucda Dalka oo fure u noqon Cadaalad dhanka gorsoorka ah oo Dadwaynuhu helaan iyadoo dhamaan arimahaasi aan kor ku soo xusnay ay yihiin kuwo ka dhex guuxaya Maskaxda Qof kasta oo Bulshada Somaliland ah.

iyadoo ay Dadka Siyaasada odorasaa caqabadaha hortaagan Somaliland ay la xidhiidhiyaan dhanka siyaasiyiinta iyo xubnaha safka hore ugu jira Hogaaminta Dalka Somaliland oo dhamaantood ah kooxo la soo shaqeeyay Kalidii Taliyihii siyaad Bare ilaa Gumaysigii Ingiriiska waxayna dhamaan ka siman yihiin Curin la”aan dhanka Siyaasada iyo Hogaaminta ah sidoo kale waxay ka siman heshiisna ku yihiin in aan saaxada Siyaasada soo gali Karin Qof han leh iyagoo si wada jira ula Dagaalaman in ay Safka hore soo galaan xubno Aqoonyahan iyo Jiil Cusub oo u heelan dhamaystirka shuruucda uu dalkani u baahan yahay si Bulshada Somaliland u gaadho wixii ay u soo halgameen

Waxaana hubaala in Jiil Cusub oo Saaxada Siyaasada soo gala oo Dalka Somaliland u horseedi kara in uu noqdo Qaran Beesha Caalamka Aqoonsato iyadoo aan hoosta ka xariiqi doono dhawr qodob oo muhiima oo tilmaamaya in Hoggaamiyayaasha siyaasada somaliland ee waqtigan ay yihiin Siyaasiyiin hore loo soo Tijaabiyay iyagoo hadba Shaadh soo xidha.

buraalle✔Siyaasiyiin aan Curin lahayn oo Damaca Kursiga iyo Dookha wadaaga

✔Xisbiyo aan isku qabsan Danta Qaranka iyo Danta Bulshada balse isku khilaafa Wakhtiga Doorashada ama Arimaha Doorashooyinka.

✔Siyaasiyiin ka siman oo ku heshiisa la Dagaalanka iyo Diidmada in siyaasada somaliland ay hogaaminyaan Jiil Cusub oo Aqoonyahan oo Jidka guusha ku hogaamiya Bulshada Somaliland.

✔Hoggaamiyayaasha Siyaasada ee maantu waxay ka siman yihiin Guurguurka Xisbiyada Somaliland iyagoo kolba ka dantiisu ku jirtu ka mid noqda.mar hadayna lahayna fikir Siyaasiya oo ay ku kala duwan yihiin.

✔Hogaamiyayaasha Siyaasada ee maantu waxay ka siman yihiin in ayna hoos u eegin isku dheeli tirnaan la”aanta Bulshada Somaliland sida nolosha Bulshada Miyiga iyo nolosha Bulshada Magaalooyinka oo aad u kala saraysa.

✔Hogaamiyayaasha Siyaasadu ee maantu waxay ka siman yihiin ka Raali ahaanshaha Jiritaanka ku shaqaynta Musuqmaasuqa iyagoo aan hoos u eegin nolosha Qoysaska Milatariga

 HADABA

Qoddobada aan kor ku soo xusnay iyo qaar kale oo badan waxay gabi ahaanba Caqabad ku noqdeen hore u socod dhanka Maamul Wanaaga ah oo Dalka Somaliland laga hirgaliyo taasi oo xiligan ay Shacabka Somaliland keentay in ay aad u daneeyaan in ay helaan Hogaan Siyaasiya oo ka aragti duwan Siyaasiyiinta Maanta iyo Jiil Cusub oo isku xilsaara ka shaqaynta danta guud oo ah meesha kaliya e xiligan u banaan Muwaadinka ka Damqanaya waxaana Tusaale inoogu Filan kala duwanaansho la”aanta Murashaxiinta xiligan doonaya in loo doorto Kursiga Dalka ugu sareeya iyadoo ay muuqato in aanay keenayn Mustaqbalka dhow Himilooyinkii loo soo Halgamay iyadoo dhacdooyinkani ka Marag kacayaan in la gaadhay Waqtigii laga doodi lahaa ee la gorfayn lahaa sidii la isku waafajin lahaa Hiigsiga Shacabka S/land Iyo siyaasiyiinta hore loo soo Tijaabiyay ee Damaca Kursigu Wado.

W/Q: Maxamed Jaamac Ciise (Buraalle)

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here