Somaliland Oo Laga Xusay Sanad-Guurada 50aad Ee Maalinta Akhriska Iyo Qoraalka Caalamka

0
22

Hargeysa (Hubaal) Munaasibad Balaadhan oo lagu maamuusayay Xuska Maalinta Akhriska iyo Qoraalka adduunka, isla markaana ay soo agaasintay Wasaaradda Waxbarashada iyo tacliinta sare ee Somaliland ayaa shalay lagu qabtay xarunta dhaqanka ee Hargeysa.

img_9187Munaasibadan ay  soo qabanqaabisay Wasaaradda Waxbarashada Somaliland oo  Kaashanaysa Hay’ada UNESCO iyo hay’adaha kale ee wadashaqaynta leeyihiin ayaa lagu  xusay sanadguuradii 50aad ee kasoo wareegta maalinta akhriska iyo qoraalka adduunka ayaa waxaa kasoo qaybgalay masuuliyiin xukuumadda ka tirsan, madax ka socota hay’adda UNESCO, macalimiin iyo marti sharaf kale, waxaana halkaasi khudbado ka jeediyay agaasimaha Guud ee wasaarada Waxbarashada, Prof. Abdi Ali Agaasimaha Tacliinta Sare Dr. Yusuf Ahmed , Wasiirru Dowlaha Wasaaradda WAxbarashada, Wasiirka Caddaaladda, Wasiirku Kuxigeenka Qorshaynta, guddoomiyaha xarunta dhaqanka Prof. Jama Muse iyo Masuuliyiinta Hayda’ada qaramada midooybay ee UNESCO. Waxaa isla gelinkii dambe ee shalayna xarunta dhaqanka ee Hargeysa lagu qabtay dood ku aadan akhriska iyo qoraalka, doodaasi oo qayb ka ahayd xuskaasi loo sameeyay maalintan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here