“Dul Baanu Leennahay Oo Cayda Ka Guban Mayno, Hase Yeeshee Looma Dul-qaadan Karo Qalin-duurreyaasha”

0
9

Xukuumadda Somaliland oo Sheegtay Inaan Loo Dul-qaadaynin “Nin Qori Sita oo Budhcad Noqday”

“Qarankani Ummada Ayuu Ka Dhexeeyaa oo Maalinba Cid Baa Madax Ka Ah Ee Axmed Siilaanyo & Golihiisu Ma Laha”  

++++++++++

 “Waa Nasiib Darro Haddii Uu Qofku Mas’uuliyadda Qarankan Ku Salleeyo Garaad Yar, Ragga Noocaas U Fekerayana, Hadday Ka Waantoobi Waayaan Waxay Tagi Doontaa In…”

++++++++++

“Nin Qori Haysta Ayaa Qarankan Laga Xorreeyey, Waaba’se Mid Qalin Haysta Oo Hadallo Yaq-yaqsi Leh Qoraya Iyadoo Dunidu Magaceennii Iibinaysa, [Kaasna] Maxakamadda Ayaanu La Tiigsanaynaa”

Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyada Maxamuud Xaashi Cabdi

wasiirka-madaxtooyadda-jsl

Hargeysa (Hubaal) Wasiirka Wasaarada Madaxtooyadda JSL, Md. Maxamuud Xaashi Cabdi ayaa sheegay in hadda wixii ka dembeeya ay Xukuumadu fiiro gaar ah u yeelan doonto warbaahinta madaxa banaan ee ay u arkaan in uu lid ku yahay sumcadda iyo amniga qaranka Somaliland. Maxamuud xaashi cabdi waxaa uu ku hanjabay in aanay ka aamusi doonin wariyeyaasha wax ka qora wararka iyo warbixinnaha ay u arkayaan in uu lid ku yahay golaha fulinta qaranka [xukuumadda] iyo hoggaankeedaba. Wasiirka Madaxtooyada oo habeen hore ka hadlayay xaflad uu Maayarka Caasimadda Hargeysi u sameeyey xubnihii dawladda Somaliland ee magaallada Dubai ku soo saxeexay heshiiskii wareejinta dekedda Berbera ee ay shirkadda DP World maalgelinta ku samaynayso, waxaa uu hambalyo u diray inta badan saxaafadda madax banaan oo uu sheegay inay yihiin muwaadiniin dalkooda wax badan u huray, waxaanu xusay inay jiraan qaybo kamid ah  waxbaahinta oo iyagu sida uu ku dooday wasiir Xaashi qalad ka fahmay Xirfadda mihnadda ay ka shaqeeyaan. “Waan ku hambaleynayaa warbaahinta madax banaan ee Somaliland doorkiia ay ka qaadatay heshiiskan inteeda cafimaadka qabta, waanu ku hambalyeynayaa haldoorka qaranka waxgaradkiisa iyo dhalinyaradii sida wanaagsan u fakartay, nasiib darro qaybo ka mida warbaahinteenu iyadoo dunida sidaa inoo amaanayso oo magaceenii iibinayso ayey been iyo hadalalo yaqyaqsi leh ka qorayeen hesiiska, wuu burburay iyo waxan ayaa ku jira iyadoo la wada arkayo iyo gacan sadexaad ayaan saxeexday, waa wax aad iyo aad u fool xun oo qarankan sumcadiisa ceeb weyn ku ah, qarankan ma laha xisbiga KULMIYE Iyo xukuumadiisu, Axmed Siilaanyo iyo golaha wasiirradu kaligayo ma laha Umadda oo dhan ayuu ka dhaxeeyaa qaranku, maalinba cidbaa madax ka ah masuuliyadiisana ay tahay qofku inuu aragti dheer yeesho ayaa muhiim ah, haduu ku salleeyo garaad yar waa nasiib darro, dadkaa aan ka hadlayo waxa weeye waa rag kooban oo qalin duurreyaal saxaafadeed ah oo si khaldan u adeegsada warbaahinta madaxa-banaan, oo u qaatay mihnada saxaafaddu inay tahay meherad lagu qadhaabsado, saxaafaddu maaha mihnad lagu qadhaabsado waa mihnad Umadda u dhex ah, xogo rasmiyana siisa, warar dhab ah siisa, xaqaa’iqa jira ka turjunta, dareenka bulshada muujisa, wacyigalisa, warbaahintu xikmad balaadhan ayey leeyahay, qarankan warbaahintiisa mudakarka ah ee doorka dheer ka soo qaatay intii qarankani uu jiray waanu ku hambalyeynaynaa. Waxaanu leenahay raga noocaa u fakaraya waanu u caqli celinayaa waanu waaninaynaa.” Ayuu yidhi Wasiirka Madaxtooyadu, waxaanu doodiisa ku ladhay “Nabadgalayada qarankan iyo sumcadiisa in meel lagaga dhaco ma aha,  xukuumad ahaanna innamada [weriyeyaasha] sidaa samaynaya waanu u caqli celinayaa,  hadday ka waantoobi waayaaana waxay tagi doontaa in la toosiyo, qarankan qori ayaa laga soo xoreeyey, maalin ayuu qorigu khatar ku ahaa, oo wado walba wiil qori sitaa taagnaa oo baad dadka xoog kaga qaadayey, nin qori leh ayaa qarankan laga xoreeyey, waaba se nin qalin haysta oo budhcad badeed noqday, [kaasna] looma dulqaadan karro oo waanu ka xoraynaynaa.” Ayuu yidhi wasiir Xaashi. Sidoo kale waxaa uu hadalkiisa ku xusay in ay xukuumadda uu ka tirsan yahay dul iyo dulqaadba u leedahay naqdinta iyo aflegaadooyin uu sheegay in hadh iyo habeenba lala daba joogo masuuliyiinta dawladda illaa Madaxweynaha, “Ka guban mayno cayda, madaxweynaha qaranka u sarreeya oo xushmad leh, haybaddii qaranka xanbaarsan ayaa maalin walba la caayaa,  waxa la caayaa marwadiisa, waxa la caayaa mas’uuliyiinta wasiirrada ah, maalin walbana waa nala caayaa oo  dul baanu u leennahay dhaliisha iyo toosinta oo waanu ogol nahay,  hasa yeeshee in qaranka la magac dilo, la maamuustiro aqbali mayno, Warbaahinta madax bannaani xor uma aha tigidh free ahna uma haysato in qofku cidii doono uu caayo, in ciduu doono nashuushadeeyo, qarankanna haybad dilo. Wuxuu u madax bannaan yahay inaan la cabudhin inuu war xaqiiqo ah soo bandhigo, inuu warar dhab ah soo saaro, maxkamada ayaanu la tiigsanaynaa sifro sharci ah ayaanu wax ugu qabanaynaa.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here