Xil. Indho-indho Oo Feysal Cali Waraabe Siiyey Gashaanti Uu Minyaraysto Iyo Feysal Oo Hawraar Dadban Ku Guddoomay

0
15

“Waxaan Jecellahay Inaan Madaxweynaha Iyo Marwadiisa Guddoonsiiyo Hadyad, Feysal Cali Waraabena Waxaan Siinayaa Inan Aan Adeer U Ahay” -Xil. Cabdiqaadir Indho-indho

“Horta Inantii Aad I Siisay Waan Kaa Guddoomay Laakiin Inankaygaan U Guddoomayaa, Aniguna Minyiradaydii Waan Haystaa Oo Waa…” –  Gud. Feysal Cali Waraabe

indho-indho-feysal-caliHargeysa (Hubaal):- Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe, ayaa ka Cudur-daartay Minyaraysiga Gabadh Madal Masuuliyiin iyo Shacab-ba la isku arkay oo Boqollaal Qof Goob-joog ka ahaayeen, isla markaana waxa uu ku cudur-daartay inuu isagu Minyaro leeyahay.  Xildhibaan Cabdiqaadir Maxamed Xasan (Indha-indho) oo ka tirsan Mudanayaasha Golaha Guurtida Somaliland ee ka soo jeeda gobolka Sool, ayaa sheegay inuu Gabadh siiyey uu isagu Adeer u yahay. Waxaanu sidoo kale, Xildhibaanku sheegay inuu Hadyado guddoonsiinayo Madaxweynaha, Marwadiisa iyo Masuuliyiin kale. Balse Guddoomiye Faysal isagu isla Madashaa Gabadha lagu siiyey ayuu kaga Cudur-daartay Minyaraysigeeda, isaga oo qaab kale oo Dhaqan ahaan fiican oo aan xaal ku qaban karin kaga baxay diiraddii fagaarahaas ee korkiisa haysay iyo dhegaha badan ee dibnihiisa waxa ka soo baxa dhawrayey. Xildhibaan Indha-indho oo hadal ka jeediyey Xaflad Hargeysa lagu qabtay Jimcihii, ayaa sidoo kale sheegay inuu Hadyado  Fardo ah oo aan gole-kaga-kac ahayn ee run ah uu ku Maamuusayo Madaxweynaha Somaliland Axmed-Siilaanyo, Marwadiisa Aamina-Waris, Wasiirka Madaxtooyada, Somaliland iyo Shirkadda Dubai Ports World ee Heshiiska Maamulka Dekedda Berbera ee 40-ka sano ee soo socda socon doona ku soo wada galay magaalada Dubai ee dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta oo uu ku tilmaamay mid guul u ah Somaliland.

“Haddaad Immika Google-ha ka raadisaan Heshiiskii Somaliland iyo Imaaraadka Carabta dee illaa laba boqol oo jariiradood oo aanan aqoonin oo wada caalami ah ayaa ka hadlay, taasina waa guul dhammaanteen u soo hoyatay”. Sidaa ayuu yidhi Xil. Cabdiqaadir Maxamed Xasan (Indho) oo hadalkiisu u badnaa bogaadin iyo hambalyayn ku ladhan dareenkiisa la xidhiidha heshiiska Dp World iyo Somaliland, waxaanu intaa ku daray “Waxaynu degennahay halka ay carabta iyo afriki iska galaan, waxaanan Dp World iyo dawladda somaliland ee uu Madaxda ka yahay Madaxweyne Siilaanyo uga mahad naqaynaa guushaa ay soo hooyeen.  Intaa markaan ka gudbo anigu waxaan caawa jecellahay inaan halkan hadyado ku guddoonsiiyo Madaxweyneha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (siilaanyo) iyo Marwadiisa, kuwaas oo aan siiyey laba Faras, labadii farasna waxay joogaan taliska ciidanka bilayska, waxaanan jecellahay in wasiirka madaxtooyadu uu iga guddoomo labadaas faras oo uu faraskiisiina ku jira oo ay saddex faras yihiin”. Sidaas ayuu yidhi Xil. Indho-indho, oo markii uu hadalkaas ku tiraabay sacab iyo qosol laysla oogsaday. Xildhibaanku wuu sii watay hadalkiisa, waxaanu yidhi “waxaa kale oo aan maamuusayaa Samsam Cabdi Aadan, Wasiirka Maalliyada oo aan iyadana ku xusayo Magaca Somaliland iyo Dp World, laba faras oo ay labadaas dawladood ku kala suntan yihiinna Beerta Samsam bay joogaan insha allah iyaduna carabka iyadaa ku wareejin doonta oo anna way igala way igala wareegtay. Cali Shoonbe iyo Sacadna [Labada wasiir ee khaarijiga iyo qorsheynta] iyagana waxaan ku maamuusayaa inaan dib loo odhan doonin Somaliland wey kala maqan tahay, intaasi ayaan idinkana hadyad idiinka dhigayaa”. Halkaa marka uu hadalka marinayo xildhibaan Indho ee uu dhammeeyey xubnihii wasiirrada ahaa ee weftiga ka tirsanaa waxaa uu isagana xusay Feysal Cali Waraabe guddoomiyaha xisbiga UCID oo markuu isagana sheegay hadyada uu siinayo ay marti sharaftu jiib iyo jaan isla oogsadeen, shacabka iyo sawaxankuna isla oogsaday  “Feysal Cali Waraabe isagana waxaan siinayaa Inan aan adeer u ahay”. Sidaas ayuu hadalka kaga baxay Xildhibaan Cabdiqaadir Indho Indho, kadibna waxaa cod baahiyaha lagu soo dhaweeyey oo ka jawaab celiyey guddoon cudur-daar watana ku qaabilay guddoomiye Feysal Cali Waraabe, salaam iyo bariido uu hadalkiisa hordhac uga dhigay kadibna waxaa uu Feysal yidhi isaga oo Indho-indho la hadlay “Waxaan leeyahay saaxiibkay xildhibaan Indho, horta marka hore waan kaa guddoomay inantii aad I siisay laakiin Inankaygaan u guddoomayaa insha allah. Anigu dhawr jeer oo horena waan hadlay oo waxaan idhi minyiradaydii waan haystaa oo waa Somaliland” ayuu yidhi Feysal Cali Waraabe. Intaas ka dibna waxaa uu ka hadlay qoddobo kale oo ajandihii madasha ku saabsanaa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here