Xukuumadda Oo Ka Jawaabtay Warbixin Ka Digtay Aqoonsiga Somaliland Oo Lagu Daabacay Warbaahinta Caalamka Qaarkeeda

0
8

“Ninkani  Waxa Uu Somaliland Ku Dhereriyey Dalalka Koonfurta Suudaan Iyo Erateriya, Waxaanu Qoraalkiisa Cinwaan Uga Dhigay….”

ambassador-cali-adan-cawaaleLondon (Hubaal) – Dawladda Somaliland ayaa jawaab adag ka bixisay warbixin uu Professor Ingiriis ahi ku naqdiyey jiritaanka somaliland iyo qaddiyada ictiraaf raadinteeda. Wakiilka dawladda Somaliland u fadhiya wadanka Ingiriiska Amb. Cali Aadan Cawaalle  ayaa  ka war celiyey warbixintan  uu ninkan Ingiriiska ahi ku nashuushadeeyey halganka ay Somaliland ugu jirto aqoonsigeeda oo haddii ay hesho uu ku dooday in uu  horseedi karo dhibaato ku soo korodha colaadaha iyo qalalaasaha aduunka ka taagan, gaar ahaana qaaradda Afrika. Waxaanu  ninkaasi  qoraalka  uu Somaliland ka diyaariyay beesha caalamka ugaga digay in ay ka fiirsadaan aqoonsi la siiyo, oo uu ku tilmaamay in haddii la aqoonsado ay la mid noqon karto  dalalka guul-daraystay d sida alalka Koonfurta Suudaan iyo Eretria.

Professor-kaasi   oo magaciisa la yidhaahdo Woodward, isla markaana wax ka dhiga Jaamacad ku taalla dalka Britain oo magaceedda la yidhaahdo Arden University,  isagoo warbixintaasi uu ka diyaariyay Somaliland  ay u muuqato mid sawir khaldan ka bixinaysa hanaanka dawladnimo ee Somaliland. Hase yeeshee danjiraha Somaliland u fadhiya dalka UK  Cali Aadam Cawaale, oo isagoo jooga London la hadlay warbaahinta dawladda, ayaa ku tilmaamay qoraalka uu ninkaasi Professor-ka   ah  mid meel ka dhac ku ah qaranimadda Somaliland,   isla markaana  uu iska indho tiray xaqiiqadda ka jirta Somaliland. Qoraalkan dhaleecaynta ah ee uu ninkaasi ka diyaariyay Somaliland oo 8 bishan September lagu daabcay qaar ka mid ah wargeysyadda ka soo baxa London oo ay ka mid yihiin  wargeysyadda the Conversation,  News Week iyo baraha bulshadu ku kulanto qaarkood. Ambassador Cali Aadan Cawaale, oo ka warbixinayay qoraal jawaab ah oo uu ka bixiyay hadalka ninkaasi oo Afka Ingiriisiga uu ku qoray iyo waxa uu nuxurkiisu  ahaa, waxa uu yidhi “Ninkani qoraalkani uu qoray wuxuu ciwaan uga dhigay oo uu   Somaliland ku dhereriyay dalalka Koonfurta Suudaan iyo Eretria, wuxuu ku yidhi Somaliland  aqoonsiga ay rabto waa in laga digtoonaada.  Wuxuu  ujeedaa uun ayaan la aqoonsan Somaliland, sida ay u dhigan tahay.  Sababaha  uu soo qaaday-na, waxaa uu leeyahay waxaynu aragnaa, Eretria iyo Koonfurta Suudaan sida ay xaaladoodu tahay.

Ninkaasi waxa uu macalin ka yahay Jaamcad ku taalla wadanka UK oo la yidhaahdo Redon University, mar haddii uu Professor yahay-na dadka waxa uu  qoro,  oo  wadankan laga  tixgeliyo,  mar haddii uu yahay ninka caynkaas ah yahay-na, dawladaha reer galbeedkuna, dadka Jaamcadaha wax ka dhiga ay aad wax  uga dhegaystaan, waxay nala noqotay in aanu u jawaab-no, daruuri ayay noqotay”. Waxaanu intaasi ku daray  “Sababtoo ah saamayn ayuu ku yeelanayaa, caalamka iyo akhristeyaashaba ra’yigiisu. Sidaas darteed, maadaama  oo aanu anagu halkan “London” uga mas’uul nahay Somaliland  in aanu u jawaabno, oo aanu u sheegno inuu meel khaldan kaga dhacay, oo runtii waxa uu ka hadlay aanu ahayn wixii saxda ahaa, dalalka uu  Somaliland ku dhereriyay-na aanay ahayn kuwii saxda ahaa.

Sababtoo ah duruufaha siyaasadeed iyo nololeed ee Somaliland iyo labadan aad ayay u kala duwan yihiin. Somaliland waxay ahayd qaran xor ah oo xoriyadiisa ka qaatay Ingiriiska, lana midoobay dal kale, hadana dib ugala soo noqday.  Laakiin,  labadan dal  South Sudan iyo Eretria ee uu ku dhererinayo mid-naba ma ahayn dalal maadax-banaan, balse waxay ka go’een laba dawladood oo ay hore uga tirsanaayeen. Kadib  dhibaatooyin iyo dagaalo ka dhacay darteed ayay markii danbe dunidu soo dhex gashay, weliba waxaa saamayn weyn ku lahaa in ay labadaas dal go’aan caalamka” ayuu yidhi danjire Cali Aadam.

Sidoo  kale Cali Aadam Cawaale, waxa uu ka hadlay   qodobka ugu weyn ee uu ninkaasi u cuskaday  in dhibaato ay kai man karto haddii Somaliland la ictiraafo. Waxaanu yidhi “Waxyaabaha uu ka hadlayo ninkani wuxuu leeyahay dhibaato ayaa dhici doonta haddii Somaliland la ictiraafo, dhibaatadaasi uu ka dayrinayaana waa mid aan jirin, sida aan ugu jawaabnay-na waxay tahay in Somaliland muddo 25 sanadood ah ay jirtay, mudadaasina dalkeedii ayaynu dhisanay, dadkeenii ayaa midoobay, dalkeenii ayaynu dawladnimo iyo dib u dhis gaadhsiinay, goleyaal qaran ayaynu leenahay, doorashooyin ayaynu galnay, waxaynu nahay dal dhisan, oo wax kastoo dal dunida ka jiraa uu leeyahay-ba  leh.

Markaa waxaanu ugu jawaabaynaa ninkaasi  dib isugu noqo, xaqiiqadda ka jirta Somaliland iyo labadan dal-na wax la isku meteli karo ama la is-bar-bar dhigi karo ma aha”. Dhinaca kale,  danjiruhu waxa  uu  wax lala yaabo ku tilmaamay qaar ka mid warbaahinta Somaliland oo iyagu daabcay qoraalka cambaaraynta ah ee ninkaasi ka faafiyay Somaliland, kuwaasi oo uu ku tilmaamay in aanu garanayn sababta ku kaliftay. Isagoo faahfaahin ka bixinayay warbaahinta daabacday qoraalka ninkaasi iyo sida khaldan ee ay warbaahinta Somaliland qoraalkaasi u baahiyeena  waxa uu yidhi “Dhawr Jariirradood ayuu  u diray, oo inta aanu imika hayno ay ka mid yihiin wargeys la yidhaahdo The Conversation, oo ka soo baxa dalka UK ,  jariirrada news weeks la yidhaahdo ee caalamiga ah. Laakiin, warbaahinteena qaarkood ayaaba la booday,  anigoon garanayn sababta ay warbaahinteenu nin wax khaldan inaga qoray u baahinayso  qoraalkiisa, ee ay caalamka ugu soo bandhigayso”. Mar safiirka la waydiiyay in ninkaasi Professor-ka uu marnaba booqasho ku yimid Somaliland iyo in kale, waxa uu ku  jawaabay “Maya, ninkani booqasho kuma iman Somaliland, sida aan ku sheegay xagga danbe ee qoraalka Af Ingriisiga ah ee aan ugu jawaabay  aan kaga bixiyay hadalkiisa, waxaan u sheegay in aan ku soo dhawaynayno Somaliland, haddii uu  rabto in uu yimaado  si uu  xaqiiqada indhihiisa  ugu soo arko”ayuu yidhi danjire Cali. Ugu danbayn, wakiilka Somaliland ee UK, mar wax laga waydiiyay  qayb ka mid ah qoraalka uu ninkaasi ka diyaariyay Somaliland   oo ku saabsan arrimaha Badaha, waxa uu yidhi “Wuxuu leeyahay labada dal ee go’ay iyo duruufaha laga dhaxlayba, ayuu ka sheekaynayaa. Wuxuu  leeyahay Itoobiya bad la’aan ayay ka dhaxashay go’itaankii Eretria, Koonfurta Suudaan-na, ka go’itaankeedii ay kaga go’day Suudaan  waxay dhaxalsiisay bad la’aan. Halka  aanu halka aanu ugu  jawaabnay  labada dal-ba anaga (Somaliland)  ayaa  bad u noqon karna waa halkaa. Haddii Somaliland la ictiraafana, waxaanu dunida iyo bariga Afrika u sii hagaajino oo ku soo korhdino maahee, waxba ka xumaanayaa ma jiraan”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here