“Hala Soo Xidho Caruuska & Caruusadda La Arko Iyaga Oo Baabuur Badan Lagu Galbinayo”

0
8

Awaamiir Culus Oo Lagu Soo rogay Lammaaneyaasha Cusub Ee Ku Aqal-gelaya Kismaayo +Xilliga La Gelbinayo Iyo Xabbadaha Laga Ridayo Xafladahooda Oo La Mamnuucay

“Waa qalad in arooska la galbiyo xilliga salaada makh-rib loo tagaan yahay,   Waana Mamnuuc In Boqol Gaadhi La Is Dabo Dhigo Iyo In la rido xabbado dadka khalkhal-gelinaya dadka”

badd_1Kismaayo (Hubaal) – Madaxweynaha Maamul-gobolleedka Jubbaland ee koonfurta wadanka Soomaaliya Sheekh Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa soo saaray awaamiir cusub oo lagu mamnuucayo in gawaadhi fara badan lagu galbiyo aroosyada ka dhacaya magaalo madaxda maamulkaa ee Kismaayo iyo magaallooyinka kale ee uu madaxda u yahay. Axmed Madoobe ayaa sheegay in hadda kadib aroosyada ka dhacaya magaalada Kismaayo kaliya lagu qaadi karo labo gaadhi, waxa uuna intaa ku daray cidii labo gaadhi ka badan isdaba dhigta inay mutaysan doonaan xadhig, gaar ahaanna xabsiga la dhigi doonno arooska iyo aroosadda la galbinayo. Ciidamada Amaanka ayuu ku amray Madaxweynaha Jubbaland in ay fuliyaan amarkan uu soo saaray ayna soo qabtaan arooskii lagu galbinayo labo gaadhi wax ka badan, waxa uu sidoo kale Madaxweynaha ka digay in xabado la rido xilliga aroosyada la galbinayo. Madaxweynaha Jubbaland ayaa sidoo kale lamaannayaasha is aroosanaya iyo dadka kale ee gelbinayaba uga digay in fantasiyahooda ay ku began xilliyada aan munaasibka ahayn, sida xilliga fiid-cawlka ah ee saladda makhrib iyo ta cishaa’I ku siman. ”Waa mamnuuc in boqol gaadhi la is dabo dhigo, arooskii la arko iyada oo baabuur badan lagu galbinayo hala soo xidho arooska iyo aroosadda”. Sidaa ayuu yidhi Sh. Axmed Madoobe, oo shalay warbaahinta maxalliga ah ee Kismaayo la hadlay, waxana uu intaas ku daray “Waa qalad in arooska la galbiyo xiliga salaada maqrib loo tagaan yahay  la rido xabbado dadka khalkhal-gelinaya dadka”. Awaamiirtan cusub ee kasoo baxday Madaxweynaha Jubbaland waxaa soo dhaweeyay qaar badan oo kamid ah dadka ku dhaqan magaalada Kismaayo gaar ahaan dhalinyrada guurdoonka ah oo dhib badan ku qabay baabuurta badan ee lagu xidho marka ay guursanayaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here