Taariikhdu Waa Duug-reeb!-W/Q: Maxamed Baashe Xaaji Xasan

0
26

W/Q: Maxamed Baashe Xaaji Xasan

 Duhur baa Bashiir lagu shannaqay daar agtiinna ahe

Damal la hadh galaa bay jebsheen waqay dulloobaane

Dahriga iyo laabtay rasaas kaga daloosheene

Isagoo dam iyo dhiig leh oo maro ku duuduuban

Dadkii uu nebcaa iyo kufraa daawasho u yimide

Dacsad iyo ihaaniyo cag baa loogu sii daraye

Meydkiisa daahira markii dibedda loo jiidey

Nimankii dilkiisii qirtiyo idinka duunkiinna

Kolkii aaska loo diidey waad wada dul joogteene

Ma damqane jidhkiinnii kolkaa waad ku digateene

Nasab haddaad Durriyaddii tihiin kama dareerteene……

Xaaji Aadan Axmed Xasan (Afqallooc) AHN.

14358871_1207296349291482_5400096605063855771_nSheekh Bashiir waxa uu taariikhda Soomaalida kaga jirey oo uu kaga suntan yahay laba baal oo dahabi ah. Mar waxa uu ahaa halgamaa dhiirran oo guluf iyo duullaan ka-fool-ka-fool ah ku saaray oo galaabixinayey gumaystihii dalka iyo dadka haystey, mar kalena waxa uu ahaa afhayeen iyo macallin dadka bara diinta Islaamka, isaga oo ka soo jeedey qoys ka-ab-ka-ab diinta dadka u hayey oo dadka bari jirey.

Afar da’faceed oo ka horreeyey min aabbihii Sheekh Yuusuf Sheekh Xasan illaa awoowayaashii Fiqi Cabdi iyo Fiqi Cismaan, waxa ay ahaayeen rugtii iyo biyo-culustii diintu u hoyan jirtey, kana faafi jirtey, iyada oo la hayo kutub ku qoran Afsoomaali farta Carabida lagu adeegsadey iyo Afcarbeed oo ka soo jeeda qarnigii 17aad oo Fiqi Cabdi Fiqi Cismaan qoray, kana hadlaya diinta, gaar ahaan qur’aanka, axaadiista iyo adaabta Islaamka.

Mahadhooyinkiisa la wada yaqaan waxa ka mid ah:

Dhammaadkii Dagaalkii Labaad ee Dunida waxaa gobolka Togdheer ka oogmay dab uu shiday halgamaagaas dulmiga nebcaa ee xaqa jeclaa Sheekh Bashiir Yuusuf Sheekh Xasan. Magaalada Burco ayuu Sheekhu dharaar cad ka bilaabay badheedhihiisa aan gabbashada aqoon.

Culimadii diinta ayuu shiriyey, una sheegay in lagu dhaqaaqo ficilkii dadka iyo dalka lagaga xorayn lahaa gumaysiga muddada dheer loo “gees iyo gafuur”xidhnaa. Dood iyo lafogur dheer ka dib, badiba culimadu arrinkaas Sheekha way uga garaabeen, hase yeeshee waxa ay u soo jeediyeen in aan cudud iyo xoog lagu muquunin karin gumaystaha dalka haysta, balse ay taas ka fududdahay in ay Qur’aanka ku akhriyaan oo Alle ka baryaan inuu gumaystaha ka kiciyo.

Sheekh Bashiir oo liqi la’ mawqifkaas culimada, ayaa soo qaaday bakeeri ama bilaale oo dhex dhigay culimadii, una sheegay in ay soddonka Jis ee Qur’aanka hareeraha kala fadhiistaan oo ku akhriyaan bilaalahaas, kuna jebiyaan. Markii ay ku akhriyeen ee waxba jabi waayeen, ayuu Sheekh Bashiir qaaday bakooraddiisa jifideedii oo yidhi “Bismillaah”, oo baguugaha ka dhigay bilaalihii, una iftiimiyey culimadii in “Bisinka iyo ficilku wada socdaan”. Bisin aan ficil lahayni waxba ma taro, taas oo muujinaysa xeeldheeridiisii aqoonta diinta ee uu lahaa.

Sheekh Bashiir waa la diley. Waxa diley Ingiriis oo uu la dagaallamayey, isaga oo dadkiisa, dalkiisa iyo diintiisa difaacayey. Waxa la diley 15-kii Shabcaan 1336 HIjriga oo ku beegnayd Julay 5-dii 1945.

Laabta ayay rasaasi kaga dhacday duleedka Buurdhaab meesha Lulo-san la yidhaa. Waxa goobtaas lagu la diley oo kula dhintay ku xigeenkiisii oo la odhan jirey Caallin Yuusuf Cali. Dhowaan magaalada Burco waxa daadad soo saareen dhagax weyn oo la qoray oo ay ku xardhan tahay dhacdadii dilkii Sheekh Bashiir. Waxa ku yaalla taariikhdii dhacdadaas oo Hijriga iyo miilaadigaba leh, magacyadii abbaanduule Sheekh Bashiir iyo ku xigeenkiisii oo isla goobta kula shahiidey, dhinaca Ingiriiska abbaanduluhii ciidamada Ingiriis watey Games David iyo raggii kale ee la socdey.

Sheekh Bashiir Sheekh Yuusuf Sheekh Xasan waxa uu ku dhashay xaruntii Daraawiishta oo ahayd Taleex sannadkii 1905. Aaabbihii Sheekh Yuusuf Sheekh Xasan waxa uu ka mid ahaa ahaa culimadii Daraawiishta diinta bari jirey.

Seyid Maxamed Cabdille Xasan markii uu Berbera ka soo degey ee uu Burco soo gaadhey ayaa waxa uu dadka waydiiyey ninka diinta ugu aqoonta badan, waxaana farta loogu fiiqay Sheekh Xasan Fiqi Cabdi Fiqi Cismaan oo ahaa Sheekh Bashiir awoowgii laxmi ah. Wax la tilmaamay in Seyid Maxamed iyo Sheekh Xasan markii ay kulmeen ay is toydeen oo Seyidka bah ayeeyo loo noqday oo hooyadii Carro Magan Seed ay dhaleen raaska Sheekh Xasan Fiqi Cabdi.

Seyid Maxamed waxa uu jirrabey Sheekh Xasan oo su’aalo diini ah waydiiyey, isaga oo baadhaya baaca iyo qoto-dheerida aqoontiisa diinta Islaamka. Markii uu waydiiyey masaladii ugu horraysay, waxa uu Sheekh Xasan yidhi “waxa ka jawaabaya wiilkan yar; waa Yuusuf Sheekh Xasan oo barbaar ah, diintana aabbihii si wacan uga bartay. Yuusuf si wacan ayuu su’aashii uga jawaabey., Seyidkiina xoog ayuu ula yaabay!

Meel dooxo ah ayaa la fadhiyey oo Beer u dhow. Dunidu waxa ay ahayd barwaqosooran, waxna la haystay xoolo badan. Cabbaar ka dib, su’aal kale ayuu haddana Seyid Maxamed waydiiyey Sheesh Xasan, waxanu sidii hore oo kala yidhi Sheekh Xasan “waxa ka jawaabaya wiilkan yar ee Yuusuf ah oo Sheekh Bashiir aabbihii noqon doona”. Yuusuf si kalsooni leh ayuu masaladii haddana uga jawaabey.

Yuusuf iyo Seyidku way wada sheekaysteen, Yuusufna waxa uu jeclaaday inuu Seyidka raaco. Sheekh Xasan wuu ladqabayn kari waayey wiilkiisa, markii uu kari waayeyna wuu u oggolaaday inuu Seyid Maxamed la rafiiqo. Sidaas ayay isku raaceen. Seyid Maxamed waxa uu Yuusuf Sheekh Xasan u guuriyey Shaqlan Aw Cabdillaahi Aw Cumar oo Seyidka eeddo ugu toosnayd, Sheekh Bashiirna hooyadii noqotay.

Yuusuf waxa uu noqday Sheekh Caalim ah oo dadka iyo Daraawiishtaba bara diinta Islaamka iyo laamaheeda. Sheekh Bashiir Sheekh Yuusuf markii uu dhashay, waxa uu aabbihii Sheekh Yuusuf u bixiyey Maxamed, hase yeeshee Seyid Maxamed Cabdille Xasan ayaa markii uu dhalashadiisa ogaadey inta uu guriga yimi yidhi kani waa “Bashiir”. Timir ayuu inta uu Seyidku calaaliyey oo afka u kala waaxay Maxamed-bashiir dhanxanagga ugu dhejiyey, una duceeyey. Xarunta Daraawiishta ee Taleexna waxa looga yaqaannay markii uu barbaarka noqday Maxamed-bashiir, wax se xoog batay oo raacay magaca Bashiir ee uu Seyidku u bixiyey.

Sheekh Yuusuf Sheekh Xasan waxa uu saluugey sidii Seyidku wax u maamulayey, waxanu ka soo baxsaday xarunta Daraawiish sannadihii 1917 ama 1918 midkood, waxanu soo degey Beer oo ahayd xaruntii uu fadhiyi jirey aabbihii Sheekh Xasan Fiqi Cabdi Fiqi Cismaan, markii horena uu Seyidka ka raacay. Sheekh Yuusuf waxa uu xaruntii Daraawiishta kaga soo baxsaday oo kaga yimi xaaskiisii Shaqlan, wiilkiisii Bashiir iyo hooyadii Carro Geeddi oo soo raaci kari waayey dhinaca amniga awgiis.

Seyidku ma oggolayn qof iska taga ama ka baxa Daraawiishta, hase yeeshee Shaqlan oo eeddo u ahayd, soddohdeed carro iyo inankii uu magaca u bixyey ee Bashiir wuu nabad geliyey oo waxa uu yidhi yaan la taaban, halka raggii kale ee ka baxsada uu carruurtooda ka layn jirey sidii ku dhacday Ina Shixiri oo arrimaha dibedda u qaabbilsanaa, waana kii Seyidku lahaa markii uu ka baxsaday: “Arki maysid Ina shixiriyow inamadaadii!”

Markii Daraawiishtu jabtay ee Seyid Maxamedna Iimey u baxsaday, ayaa Sheekh Yuusuf rag u diray in ay Bashiir raadiyaan oo haddii ay helaan soo kaxeeyaan.

Sheekh Yuusuf wuu cilmi jeclaa baa la yidhi. Nimanka odayaasha ah ee Bashiir loo dirayna way ogaayeen. Markii ay soo laabteen oo ahayd qiyaastii 1921/1922-kii, ayay goor galab ah Beer yimaaddeen isagoo Sheekh Yuusuf Sheekh Xasan Fiqi Cabdi qur’aan xaruntiisii ka marinaya. Bashiir bay soo qariyeen, iyaga oo uga gol lahaa in ay Sheekha jirrabaan, si ay u ogaadaan caaddifaddiisa iyo caqligiisa ka xoogga badan.

Sheekh Yuusuf markii uu arkay nimankii uu inanka u diray oo yimi lama uu hadline waxa uu sii ambaqaaday dersigii uu bixinayey. Markii uu dhammaayey ayuu inta uu eegmo dheer oo xiise iyo lahasho wax maqan sugaysa leh galaabixiyey uu ku yidhi “Inankii ma arko’e miyaanu idin la socon?!”

Inta qosol guuli keentay la dhaceen, ayay ku yidhaahdeen “wiilkii waannu wadnaa”. Bashiir Sheekh Yuusuf oo dhawr iyo toban jir weyn ahi waxa uu mar kale la midoobay aabbihii. Sheekh Xasan waxa uu ka guurey Beer, waxaanu degey meel u dhaxays War-cibraan iyo Beeli-eedday oo hadda Sheekha loogu magac daray oo la yidhaahdo Balliga Xaaji Yuusuf. Muddo yar ka dibna halkaas ayuu ku geeriyoodey.

Sheekh Yuusuf waxa u dhaxay oo uu qabey dhawr dumar ah xiligii uu ahaa caalimka Daraawiishta ee uu Taleex ku sugnaa. Bashiir waxa uu ahaa bah gooni oo hooyadii isaga mooyaane carruur kale ma dhalin. Sheekh Bashiir isaga oo cayddi ah ayaa mucjisooyin rabbaani ah laga arkay. Wax la yidhi maalin buu yimi guriga aayadii aabbe, iyada oo dheriga hilib yari saaran yahay, odaygana ay ugu talo gashay oo ay u qarinaysey.

Bashiir oo xoolo uu raacay ka soo hadhimo tegey oo gaajoonaya ayuu guriga soo galay oo is yidhi aad eegtid dheriga karkaraya, waxa aanu aayadii ku yidhi “waa maxay waxan dabka saarani?” Dabadeedna waxa ay ku tidhi “waa asal”. Wuu ka tegey. Hadhow bay dherigii daboolka ka qaad oo eeg is tidhi. Amarka Ilaahay se waxa uu noqday asalkii!! Way yaxyaxdey oo anfariirtay, iyada oo sakatisan oo argagax ka muuqda ayay odaygeedii Sheekh Yuusuf Sheekh Xasan u tagtay oo u sheegtay wixii dhacay.

Sheekh Yuusuf waxa uu xaaskiisii firkanaxsanayd ku yidhi is deji oo Bashiir u yeedh. Dabadeed waxa uu ku yidhi aabbo “hilibka dabka saaran inoo eeg in uu bislaaday iyo in kale!” Bashiir dherigii buu daboolka ka qaaday, mise mucjisada Ilaahay oo waa hilibkii oo karaya!

La soco qayb kale oo ka hadlaysa:

Mucjisooyin La Jaanqaaday Geeridii Sheekh Bashiir Sheekh Yuusuf Sheekh Xasan.!

Xigasho: Sheekh Cabdimajiid Sheekh Cabdirisaaq Sheekh Bashiir, Cardiff, iyo Sheekh Cabdixakiim Sheekh Cabdirisaaq Sheekh Bashiir, Burco/Hargeysa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here