FIJIYAAYO: Sheeko Fanneed Cusub Oo Wacan

0
34

Ciwaankeeda waxaa la yidhaahdaa “Fijiyaayo”. Higgaadda ma aan qaldin ee waa sidaa – Fijiyaayo”.W/Q: Ibraahin Hawd

Dhowaan buug baan akhriyay. Waa sheeko faneed Af Soomaali ah. Waxaa qoray saaxiibkay Mubaarag Xoosh oo Iswiidhan i la deggan muddo dheerna aannu is ku magaalo ahayn. Halabuur ku ma aan aqoon, qoraannimana hadalkeedba daa, in uu akhriska iyo aqoonta jecel yahay baan se ogaa. Wuu ii sii sheegay in uu buug qorayo, wuu se i ga qariyay waxa uu ka qorayo. Sidaas baa hagaagsanayd, waayo imika ayay i gu noqonlahayd war la qabaa xiiso ma leh. Buuggii oo daabacan baan helay. Sheekadii waan akhristay. Ciwaankeeda waxaa la yidhaahdaa “Fijiyaayo”. Higgaadda ma aan qaldin ee waa sidaa – Fijiyaayo. Magac la ga miskiin ma aha ee qalanjada sheekada ayaa la dhahaa Fijiyaayo. Waa magac gabdheed aad ii la yaab badan oo aanan weligay hore u maqal.

Waa buug ka kooban 457 bog oo aan hordhac iyo dabadhac midna lahayn, labada jeldina aan xitaa warqad cadi u dhexayn. Sidaas baa ka dhab ah oo nasasho iyo nefis ma leh. Orodka aad jeldiga hore ka bilawdo ayaad ka dambe ka ga baxaysaa adiga oo aan mar qudha xiiq tiran. Hadda mar qudha! Nasan maysid oo neefsan maysid. Cutubyada ku dhex nasan maysid, faqradaha iyo weedhuhuna waa la mid. Waa sheeko cagaha la ga gujiyay oo kadeedan oo kaadideeda kalax la gu shubay. Dabadeed wax aad dhammaynaysaa adiga oo miyir beelay, sida ay dadka jilayaa u miyir beelayaan. Haa, tobaneeyada qof ee qisada jilayaa waa ay wada hoogayaan oo suuxayaan, laakiin dhiman maayaan, sida aanad qudhaadu u dhimanayn marka aad buugga dhammayso. Nolol ay dhimashadu dhaanto ayaa se badan.

Sheekadani wax ay diiwaangelinaysaa marxalad taariikheed oo aad u adag oo ay umadda soomaalidu soo martay, dhinac bulsheed, siyaasadeed, fikir iyo dhaqaale intaba. Wax ay ka sheekaynaysaa sidii Soomaaliya loo gu dhaqnaa sannadihii 1980-nadii ilaa bilawgii 1990-nadii. Sidee bay dadku ahaayeen maxay se ahaayeen? Maamulkii la eeday ee Oktoobar iyo dadkii awoodda ku lahaa sidee bay u dhaqmayeen intii aan afka ciidda loo darin, jabhadihii riday se sidee bay wax yeeleen intii aan dawladnimadii iyo midnimadii afka ciidda loo gelin? Marxalad argagax iyo foolxumo miidhan ah ayay ahayd; mayee dugaagoobid bay ahayd.

Qisadu wax ay ka arooraysaa kuna arooraysaa waayahaas oo haddii kun buug la ga qoro aan guntooda la gaadhayn. Waa xilli foolxumadiisa iyo dhacdooyinkiisa culculus dartood kumannaan sannadood oo soo socda la daraasayn doono halabuur badanna la ga curin doono. Waa marxaladdii ay ka dhalatay in la is wayddiiyo bulshada soomaalidu dawladnimo daaye in ay dad ahaan jiri karto. Waa is la halka ay ka arooraan kuna arooraan sheekooyin kale oo aan badnayn oo tobaneeyadii sannadood ee tagay la qoray. Waa sheekooyin is ku waayo iyo waaya’aragnimo ah laakiin haddana mid waliba sideeda gaar u tahay. Waa sheekooyinka ay qoraan facii taariikhdaa markhaatiga ka ahaa laakiin aan iyagu falkeeda iyo foolxumadeeda waxba ku lahayni. Waa gudasho xil jiil walba goortiisa la gudboon la gana sugayo. Waa dullinnimo ummadi in ay sooyaalkeeda fan iyo fikirba ku taariikhayn waydaa.

ibraahin-hawd-yuusuf

Tanina maanta wax ay innaga ambabixinaysaa Garoowe iyo Dhuusamarreeb oo ay ka jiraan dibudhac bulsheed iyo dulmi dawladeed. Waa barbaar noloshii ay ku jireen qawaday oo han magaalo yeeshay oo wiilal iyo gabdhaba leh. Waxaa la isu gu imanayaa Xamar oo ah xarunta dibudhaca bulsheed iyo dulmiga dawladeed, halkaas baana la is ku wada qalanayaa. U gu dambayn waa la wada jabayaa, waxaana la gu dambaynayaa qax iyo qurbe. Waa hab-nololeed bulsheed oo maraya xilli kalaguur; miyi iyo magaalo; dhaqan dhimanaya iyada oo aan dhaqan kale dhalan. Duni dhexe oo mugdi ah weeye. Miyiga waa la ga barakacayaa oo meel magaalo iyo ilbaxnimo la biday loo qulqulayaa. Magaalo? Haa. Nolol magaalo iyo dhaqan dawladnimo oo la bawsaday aan se waxba la ga garanayn baa la isu gu wada imanayaa. Dulmi iyo dulli aan aqoon la ga ga badbaadaa jirin ayaa la gu hoobanayaa. Dhaqan xumooyin oo dhan baa guul iyo ilbaxnimo la moodayaa, ilaa la dadqalatoobo oo la noqdo dadka Eebbe dunida ku uumay kuwa u gu cawaansan ee u gu gunsan.

Tobaneeyo qof oo bulshadii xilligaa u taagan ayay sheekadu ina baraysaa. Fijiyaayo waa gabadh dhallinyaro ah oo dadkeeda qiimi weyn ku dhex lahayd miyi iyo Muqdisho labadaba intii aan sheyddaan bani aadan isaga soo dhigin. Qaddarka ayaa haadaan ka tuuray ee ma ay dadaal iyo garasho yarayn. Sheyddaan baa afduubay, dabadeed cadaabta gunteeda ayay soo taabatay. Derbi-jiifka iyo daroogaystayaasha ayay u baylahday. Waxaas oo hoog ah waxaa u soo jiiday in ay guursatay wiil wasiir dhalay kaas oo ay barbaarintu ka xumaatay oo faddaroobay. Faddarahaas ayay u yeelatay uur aan garcasho waxba dhaamin oo ay la silcayso. Wax ay noqotay qofka dunida u gu ayaandaran, waayaheedana waxaa la gu xusuusanayaa, mayee waxaa la ga dhex arkayaa, qisadii “Ayaandaran” ee shan iyo soddon sano hortood caanka ahayd. Nabsiga iyo nabsibaxuna sida caadiga ah waa mataano. Fijiyaayo waxa ay ku dambaysaa waa nasiibkeed ama nasiibxumadeed.

Siciid waa halgamaaga kowaad iyo astaanta gobannimada iyo dadnimada suubban, haddana waa dulmanaha kowaad ee bulshadiisa. Dhagarta la ga galay wax ay tusaale u tahay tii la ga galay kumannaan isaga la duruuf ahaa. Guushii halgankiisa waxaa loo dhacay sidii geela loo dhici jiray. Dawladnimadiisa ayaa loo gu awood sheegtay oo xaqiisa la gu duudsiyay isaga oo agoon ah oo rajay ah oo aan hiil iyo hoo midna haysan. Dabadeed isaga oo la gumeeyay ayuu caasimaddiisa ku dhex silcayaa. Nabsiga iyo nabsibaxuna weligood waa mataano. Siciid halka uu ku dambeeyaa waa nasiibkii ama nasiibxumadiis.

Deeqa iyo Suldaan waa laba barbaar oo Siciid iyo Fijiyaayo la da ah, wax ayna astaan u yihiin dhashii madaxdii Kacaanka badowda iyo ambadka ahayd. Waa madax badow ah oo ubadkooda dadnimada wanaagsan ka lumisa, soona saarta dad sacsac miidhan ah. Kolka se carruutaasi ay garaadsadaan ee waayo arkaan mid walba toobadda iyo tubta qummani waa ay u furan tahay, isaga oo aan waalidkii iyo waqtiga midna eersan. Deeqa iyo Suldaan oo ay laba wasiir dhaleen, tarbiyaddiina ka xumaatay, kolka ay weynaadaan sida ay u ka la duwanaadeen wax ay ina siinaysaa yididdiilo ah qofku si kasta oo barbaarintu u ga xumaato wuu is badbaadin karaa oo suubbanaan karaa. Deeqa iyo Suldaan iyaga oo is ku kacaan iyo is ku duruuf ahaa haddana markii dambe wax ay noqdeen laba qof oo aad u ka la qofnimo iyo akhlaaq duwan.

Xiddo Jaamac Barre, oo ah islaan uu wasiir qabo, ayaa u gu bahalsan dadka bahaloobay ee aynnu sheekadan ku baranaynno. Anshax xumadeeda iyo sida ay awoodda dawladda bulshada u gu dhibaataynayso keligeed baa ku filan in ay Soomaaliya dulmi u dunto. Qoftaa abuurteeda iyo dhaqankeeda dartood dunida waa aynnu ka quusan lahayn haddii aan Ilaahay ka dhinac abuuri lahayn Daahir Aweys iyo marwadiisa Muumino Sayid, iyo weliba dhakhtarka khayrka qaba. Kolka aynnu rumaysan nahay jiritaanka awoodda sharka soocan ee sheyddaanka ayaynnu rumaysan nahay awoodda khayrka soocan ee Alle, haddii kale nafteenna iyo maskaxdeennu u ma adkaysan kareen xanuunka iyo foolxumada dunida.

Dhammaadka sheekadana, sidii aynnu soo sheegnay, waxaa la gu wada dambaynayaa, oo sida yawga la is tubayaa, qurbe iyo xeryo qaxooti.

Sheekadani aad bay u qaayo weyn tahay, qoraageeduna bogaadin buu mudan yahay. Af Soomaali fudud oo wanaagsan ayay ku qoran tahay. Dhacdooyinkeedu si qurxoon oo farshaxannimo leh ayay isu haystaan isuna darandoorriyayaan. Halabuurnimo iyo xilkasnimo labadaba in la gu qoray waad dareemaysaa. Mawduuca ay ku saabsan tahay iyo waayaha ay marayso inta badan aqoon iyo xogogaalnimo loo lee yahay ayaad ka arkaysaa (xogogaalnimada marka ay joogto, qodobka uu qoraagu ka ilduufay waa in aan maamulkii Kacaanku wiilka madiga ah ku qasbi jirin marista Gurmadka Qaranka, qasabna aan la gu ciidamayn jirin).

Laakiin miyay dhaliil la dahay sheekadan iyo qoristeedu? Maya, weligayba sheeko soomaaliyeed oo dhaliil la ma aan akhrisan, kuwa aan qudhaydu qorayna ku dhehoo. Dhab ahaantii “Fijiyaayo” dhaliilaheedu waa ay yar yihiin oo yaryar yihiin marka aan og ahay bilawnimada dhaqankeenna buug qorista, siib sheeko faneedda. Mubaarag Xoosh weedhaha (jumlahadaha) wax uu joogsi iyo hakad ka gelinayaa meelo aanay geli karin. Wax aad arkaysaa jumlad keliya oo loo qaybiyay laba, saddex iyo afar jumladood. Tusaale ahaan: “Intayna guriga ka soo bixin ayuu inuu jareeyo bilaabay. Iyo inuu gawsaha isla dhaco. Xanuunka haya dartiis”. Sida muuqata hadalkaa saddexda jumladood u qaybsani waa mid qudha. Qaabkaas baa buugga ku badan.

Dhanka farsamada, qaddar tifatir la’aan daabacadeed baa jira. Sadarrada qaarkood, faqradaha iyo cutubyadu sidii loo baahnaa u ma habaysna oo meelo door ah ayay filiqsanaani ku jirtaa. Higgaadda oo aynnu og nahay dhibaato qoraalka soomaaliyeed haysata buuggani in kasta oo aanu si buuxda u ilaalin wax uu u qoran yahay si heer sare ah. In Garoowe la gu daabacay mooyee xog kale buugga ka ma haynno, haba yaraatee, waayo summad ma leh, guga la daabacayna la ma sheegin. Waa se sheeko qiimo weyn leh oo suugaanta soomaaliyeed ku soo biirtay.

Qalinkii:  Ibraahin Yuusuf Axmed (Hawd)

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here