Alshabaab Oo Maanta Qarax Ku Khaarijisay  Taliyihii Guutada 3aad ee  Millateriga Soomaaliya Oo Ay Ku Tilmaameen In Uu Bartilmaameedkooda ahaa

0
5

Axad (Hubaal/HOL) – Taliyihii Guutada Saddexaad ee Millateriga Somalia, Jen. Maxamed Rooble Jimcaale (Goobaanle) iyo ilaaladiisii qaarkood ayaa duhurkii maanta  lagu dilay Qarax lala  beegsaday baabuurkiisii isaga oomaraya  illinka Xerada Guul-wadayaasha oo ku dhaw dhismaha Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya.

 sidoo kalena waxaa weerarkan ka dhashay khasaare dhaawacyo ah, kuwaasoo soo gaaray ciidamadii la socday, waxaanu markii dembe u geeriyooday  dhaawaca soo gaadhay.

Xarakada Alshabaab ayaa sheegatay qaraxan iyaga oo Gen. Goobaale ku tilmaamay in uu ka mid ahaa dadka ay bartilmaameedsanayeen muddooyinkii u dembeeyey.

Taliyahan oo ka mid ahaan jiray isbahaysigii Dooxada Jubba, waxaa uu sanadihii u dembeeyey ka hawl geli jiray gobolka Shabeellada Hoose. Sidoo kale waxaa uu Mr. Goobaale kamid ahaa saraakiishii ciidammada dawladda ee dagaalka xoogan la gashay xarakada Alshabaab, kuwaas oo hoggaaminayay dagaallladii magaallada Muqdisho lagaga saaray Alshabaab.

jeneraal_goobaale

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here