“Waxaan Doonayaa Nolol Aan Cidi Dilaalayn!”

0
9

W/Q: Cumar Maxamed Faarax

cumar-maxamed-faaraxJamhuuriyadda Somaliland  waxyaabaha ay qarannimadeedu ku jiridaysatay ee taabbo-geliyay waxa ka mid ah inaan loogu wan-qalin maskax shisheeye iyo dhaqaale qaadhaan-bixiye midna. Balse lagu bineeyay yuhuunta waxgaradka iyo bulshada oo isku duubni iyo wada jir kaga soo dabbaashay waayihii qalafsanaa iyo duruufihii Somaliland la dhalatay markii ay la soo noqotay madax-bannaanideedii fool daran habowday lixdankii. Tan iyo markii Somaliland dib u haaneeday madax-bannaanideeda 18-kii May 1991-kii, waxay soo mudatay jid dheer kaas oo aan cidina ugu manno sheeganayn haddii ay tahay  nabadeyntii, hubka dhigistii maleeshiyaadkii hubaysnaa, abuurista laamaha dawladda iyo hawl-gelinta Goleyaasha dastuuriga ah. Iyadoo la wada ogsoon yahay dalka Soomaaliya oo isu dhiibay beesha caalamka ka dib kala noqoshadii Somaliland iyo Soomaaliya waxa kaliya ee uu ka dhaxlay in ay noqotay dagaal,dhiig daata iyo qalalaase aan dhammaad lahayn rubuc qarniga ay kala maqan yihiin labadii dal ee 1960-kii midoobay 1991-kiina kala noqday. Beesha caalamku waxay indhaha ka qarsato Jamhuuriyadda Somaliland-ba, waxay ka adkaysan weyday markii Somaliland ay noqotay laambad ilayskeedu iftiimiyay mandaqadda xasaraduhu ka oogan yihiin ee Geeska afrika.  Beesha caalamku (BC) waxay Somaliland ku darsadeen hirgelinta mashaariic xadidan oo u badnaa  dhismaha dugsiyadda waxbarashada, xarumaha caafimaadka iyo kuwo kale oo aan sidaas u sii ridnayn isla markaana  wax aad u yar ka noqonaya tacabka Somaliland  iskeed u qabsatay. Markii Somaliland cagaha saartay dhabbada dimuqraadiyadda iyo hannaanka siyaasiga ah ee ku dhisan nidaamka axsaabta badan, waxay hirgelisay nooc dimuqraadiyad naadir ku ah dunidda saddexaad oo ay qireen goob joogeyaashii caalamiga ahaa oo ku asteeyay inay Somaliland suurto-gelisay dimuqraadiyad cago adag ku taagan oo ku dhisan qiyamka iyo dhaqanka suuban ee ummadda reer Somaliland. Shantii doorasho ee ka qabsoomay Somaliland tan iyo dabo-yaaqadii 2002-dii, waxa dalalka qaadhaan-bixiyeyaashu ay doorashooyinkaasi ka geysteen waxtar dhaqaale, iyadoo waliba Somaliland Boqolkiiba 35% dabbareysay miisaaniyadda ku baxda doorashadda. Hase yeeshee Somaliland ma aha dal  go’aan ka  qaadashada masiirka ummada u dabo fadhiisanaya beesha caalamka. Haddaba, waxa xaqiiq ah oo aan la dafiri karin in doorashooyinka Golaha wakiiladda iyo madaxtooyaddu muddo dhaafeen sababo kala duwan dartood, hase yeeshee waxa madaxweyne Axmed Siilaanyo uu Sabtidii todobaadkii hore soo saaray go’aan uu ku xalliyay caqabadihii hor yaallay doorashooyinka, isagoo markii uu si qoto-dheer uga baaraan-degay go’aamiyay in la kala qaado doorashooyinka wakiiladda iyo madaxtooyadda oo la soo horraysiiyo doorashadda Madaxtooyadda oo lagu qabto  27-ka Bisha March 2017 oo ah wakhtigii ay ku mudaysnaayeen. Waxa kale oo go’aanka madaxweynaha ku jirtay in dib loo dhigo doorashadda wakiiladda si loo furdaamiyo qodaxda iyo caqabadaha adag ee hor yaalla oo ay ugu weyn tahay saami-qeybsiga kuraasida wakiiladda oo gobol kastaaba saluugay sadka uu ka helay doorashaddii la qabtay sannadkii 2005-tii. Go’aankani waxa uu ahaa xalka kaliya ee la heli karayo wakhtigan isla markaana lagu soo wadi karo gedi-socodka dimuqraadiyadda Somaliland. madaxweyne Siilaanyo, waxa uu qaraarkiisa ugu talo-galay inuu mariyo nidaamka sharciga ah  oo la horgeeyo Golaha Wakiiladda, ka dibna loo gudbiyo Maxkamadda dastuuriga ah ee Somaliland. Haddaba, waxa wax lala yaabo ah war-saxaafadeed ay Jimcihii shalay soo saareen Maraykanka, Boqortooyada Ingiriiska, Qarramada Midoobay, Midowga Yurub, Sweden, Denmark iyo Koox-hawleedka Doorashooyinka Somaliland, kuwaasi oo sheegay in mar la wada qabto doorashooyinka wakiiladda iyo madaxtooyadda, iyagoo indhaha ka qarsaday duruufaha horyaalla doorashadda wakiiladda. Waxaanay ku baaqeen in laga noqdo go’aanka madaxweynaha. Arrintaasi waxay  noqotay faro-gelin toos ah oo ay dalalkani ku sameeyeen arrimaha gudaha ee Somaliland oo aanay kaalini uga bannaaneyn. Sidaas darteed, waxa lama huraan ah in xukuumadda iyo shacabka Somaliland ay ka hor tagaan deelqaafka ka soo yeedhay dalalkan si ay uga didibsadaan mustaqbalka faro-gelin noocan oo kale ah. Isla markaana  waxa habboon in loo caddeeyo in Somaliland ay ka kaaftoomi karto dhaqaalaha kooban ee ay ku darsadaan  dimuqraadiyadeynta Jamhuuriyadda Somaliland. haddii kale waxay horseedi doontaa inay isku dayaan inay innoo yeedhiyaan qaabka ay u shaqeynayso dawladnimadeennu sida ay dawladda maqaarsaarka ah ee Xamar ugu dejiyaan qorsheyaasha waxqabadka iyo kuwa maalinlaha ah ee dawladooda. haddaba qormadan waxaan ku soo khatimayaa  tuduc ku jiray heesta “Somaliland dalkayga” oo ahaa sidann:-

“Daan daansi iyo kibir

Colaadaha dab uma shido

Waxaan doonayaa nolol

Aan cidi dillaalayn”

Allaa Mahad Leh

Qalinkii: Weriye Cumar Maxamed Faarax

Tifaftiraha Wargeyska Dawladda Ee DAWAN

cumarmfaarax@hotmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here