“Laba Iyo Labaatan Billood Markaan Xisbiga WADDANI Ka Mid Ahaa Waxa Aan Soo Ogaaday In….”

0
19

Qof Keligii Socon Karaa Ma Jiro’e Waa Inuu Dad Wataa, Waxaanan Go’aansaday Inaan Ku Biiro Xisbigii Aan Horeba Uga Midka Ahaa Ee Uu Aasaasay Madaxweyne Siilaanyo

 soodhaweyntaHargeysa (Hubaal):- Wasiirkii hore ee Wasaaradda Boosaha iyo is-gaadhsiinta Cali Cilmi Geelle oo ka mid ahaa Guddiga Fulinta ee xisbiga WADDANI  ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay in uu rabitaanka dadka uu metellaa ku qasbay in uu diga rogasho ku sameeyo doorka uu ka ciyaaro saaxadda siyaasadeed ee Somaliland. Cali Cilmi Geelle oo xil wasiirnimo ka soo qabtay xukuumadda Madaxweyne Siilaaanyo, ka horna wasiir ku xigeen ka ahaa xukuumaddii UDUB ayaa muddooyinkii u dembeeyeyba kamid ahaa siyaasiyiinta xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI oo uu xubnaha guddida fulinta ee xisbiga kamid ahaa.  Cali Cilmi Geelle oo shalay kamid ahaa xubno miisaan kuleh siyaasaddii UDUB oo ku biiray xisbiga KULMIYE ayaa  ku dhawaaqay in uu iska casilay kana baxay xisuu  shaaciyey inuu  ku soo biiray xisbiga KULMIYE. Cali Cilmi Geele Oo Ka mid ahaa Siyaasiyiinta Waa weyn ee Xisbiga Waddani  waxaa uu cadeeyey inuu ka baxay xisbiga  Waddani kana mid yahay xisbiga Kulmiye waxaanu yidhi “Anigu waxaan hore uga mid ahaa guddida fulinta xisbiga Waddani balse maanta laga bilaabo waxaan ka mid ahay xisbiga Kulmiye, runtiina layma xumayn wax dhib ah oo iga keenayna ma jiraan xisbigii aan markii hore ka tirsanaa laakiin aniga ayaa doorbiday inaan ka mid noqdo xisbiga Kulmiye”. Ayuu yidhi Cali Cilmi Geelle. Waxaanu intaa ku daray isaga oo sababaynaya mawqifkiisa cusub  “22 bilood markaan ka mid ahaa xisbiga WADDANI waxaan ogaaday in dadkii deegaannada aan u dhashay u badan yihiin xisbiga KULMIYE, qof keligii socon karaana ma jiro oo waa inuu dad wataa, waxaanan xisbiga WADDANI uga soo wareegay inaan ku biiro xisbigii aan horeba uga midka ahaa ee KULMIYE ee uu aasaasay Madaxweyne Siilaanyo, haatanna uu hoggaamiyo Muuse Biixi Cabdi.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here