Xildhibaan Golaha Wakiillada Ka Tirsan Oo Eedayn Iyo Aflagaaddo Saxaafadda U Mariyey Caalamka

0
4

Xildhibaan-CartanHargeysa (Hubaal):- Xildhibaan Cabdiraxmaan Yusuuf Cartan oo isaguna ka mid ah Mudanayaasha Xisbiga Muxaafidka ah ee KULMIYE ugu jira Golaha, ayaa farriin eedayn iyo aflagaaddo isugu jirta u diray Qaadhaan-bixiyeyaasha Beesha caalamka ee Somaliland ka taageera arrimaha dimuquraadiyadda iyo doorashooyinka ee ka soo horjeestay go’aanka kala qaadista doorashooyinka Madaxtooyada iyo Golaha Wakiillada.

“Waxa qudha ee aan beesha caalamka ku qabnay waxa weeye fariiddo, waad fiican tihiin, immisuun baan fariiddo ahaanaynaa? Naguma filna fariiddo annaga, ictiraaf baannu u baahannahay, Afkaartayada in la ixtiraamo ayaannu u baahannahay, Madaxda aannu soo doorannay oo Madaxweynuhu u horreeyo afkaartooda in la ixtiraamo ayaannu u baahannahay, markaa naguma filno waad fiican tihiin iyo waan idin caayeynaa, sidii ay iyagu inna xukumaan (beesha caalamku) ayey leeyihiin Madaxweynuhu haka noqdo go’aankaas, waxaasi waa edeb-darro.” sidaa ayuu yidhi Xildhibaan Cartan mariyey mar ay isaga iyo Mudanayaal kale Warbaahinta kula hadlayeen Xarunta Golaha Wakiillada ee magaalada Hargeysa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here