Guddoomiye Cirro Cayda Haka Daayo Taageerayaashiisa

0
9

Go’aan Kuu Shalay Qaatay Hadana Ka Dacwoo Dow Maaha!

aaden deeq

Dad waxaa ugu Liita Xubnaha XISBIGA WADANI ee Gudoomiyahoodu intuu taladii ku celiyay madaxweynaha hadana maanta dacwad ka furtay maxkamada, hadii in uun Xubnaha Wadani rajo ka rabaan XISBIGA Gudoomiyahooda Cabdiraxmaan Ciro talada waa ka xayuubin lahaayeen sababtoo ah Rukumadii Aasaasiga ahaa ee ka Xisbinimo iyo Gudoomiye ahaanba waa burburiyay iyadoo aay weheliyaan karaamadii iyo sharaftii Xisbi iyo Shaqsi lahaaba waxaana ku ceebaysan dhacdadan iyana ah dhamaan Xisbiga masuuliyiintiisa sababtoo ah waxaa bartaas ka muuqata in Xisbiga Wadani inaanu lahaynba amaba wadaagin wax talo ah. Waxaanay ku cadahay amaba markhaati ugu filan talaabadan Xisbigu ku talaabsaday kagana dacwooday arintii go’aan keeda Xisbigu lahaa ee Gudoomiyahoodu maalin cad shir jaraa’id dhami umada reer Somaliland shaashadaha ka wada daawadeen. Waxay arintani dhaleeco wayn ku tahay dhami umada taageerta Xisbiga, waxa kaloo bartaa uga soo baxday umada go’aan xumida Gudoomiya Xisbiga Wadani iyo dhamaan Masuuliyiintiisa. Arintan oo hordhac u ah habsami xumida Musharaxa Jagada Madaxweyne ee isagoon wali taladii dalka aan hanan wacad furka miisaan kiisa leh ku talaabsaday. Nasiib wanaag waxay u tahay dhami taageerayaasha Xisbiga ee bidaayay inuu xisbigani isbedel keeni doono iyo fursado dalka iyo dadkuba u aayo. Maanta fursad ayay haystaan nasiib wanaag sababtoo ah wali doorasho ma dhicin hada ayaanay ka tashan karaan halkii aay u digo rogan lahaayeen maadaama oo aanay uguba baaqi ahayn wax yar oo aay ka naawilaan. Umada waxaa maanta u haboon in aan caqligooda la caayin kuna muujiyaan cabirka caqligooda fayada qaba inaanay ahayn xoolo Xisbiga Wadani iska dareersado, laakiin iyagu yihiin kuwo mustaqbal kooda iyo aayahooda ka tashada ineey yihiin dantoodana yaqaan halkii u San. Abwaan Gaariye ayaa alle ha u naxariistee duluc ka mid ah gabaygiisii Daba-taxan ayaa odhanaysa ” Halkuu duro qaniinyada

Doolli baa afuufee,

Duurxulkaa igaga kulul

Daannada i gaadhoo,

Cudurdaar waxaa jira

Dakharkaad qabtee hore

Cay kuugu sii dara.

Taageerayaashooda haka xishoodaan Xisbiga Wadani mana qabato in go’aan kii shalay Gudoomiyiha Wadani qaatay in maanta hadana ka dacwoodo mana aha wax aay filanayeen.

Aden Deeq

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here