Mudaharaad Ka Dhan Ah Beesha Caalamka Oo Maanta Hargeysa Ka Dhacay

0
12

Hargeysa (Hubaal) Magaalada Hergeysa waxaa maanta ka dhacay mudaharaad lagu taagerayo go’aanka xukummada. Dadkaasi qaar kamid ah waxay ku dhawaaqayeen in bulshada caalamka aysan faragashan arrimaha doorashada Somaliland.

banaanbaxSomaliland waxaa ka taagan dood ku aadan dib u dhigidda doorashada baarlamaanka oo ay dhawaan ku dhawaaqday xukumadda. Doorashada madaxtooyada ayaa haseyeeshee qabsoomi doonta bisha March 2017 sida uu markii horaba qorshuhu ahaa. Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani ayaa ka soo horjeeda kala qaadista labada doorasho iyadoo xisbiyada Kulmiye iyo UCID-na ay taageereen. Waxaa sidaasi oo kale go’aankaasi dhaliilay beesha caalamka oo sheegtay inuu wiiqi karo kalsoonidii lagu qabay dimuqraadiyadda Soomaaliland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here