WAX-GARAD & DHOOHANE

0
21

11020950_10152592134881400_560324801_nDHOOHANE: wax-garadoow saxiib oo bal waxaad iiga warantaa dacwadahan Xisbiyadii mucaaridku maxkamada aay iska daba xareeyeen sidii safaaradaha, anuu waxba ka fahmi waayay dhan wax aay u socdaane

WAX-GARAD: war lagu sii Dhoohanoow! kaligaa maahee umadii ayaaba yaaban oo waxaa hanfariir ku noqotay gudoomiyihii Wadani Ciro ee maalinta cad isaga iyo labada gudoomiye ee UCID iyo Kulmiye aay shir jaraa’id wada jir uga yidhaahdeen MADAXWAYNAHA ayaan dib ugu celinay inuu isagu go’aan ka gaadho arintii uu noo diray ee ahayd sidii aay u wada qabsoomi lahaayeen doroshada barlamaanka iyo ta madaxweyne nimadu. Ayuun buu Ciro DACWAD furtay uun

DHOOHANE: walaa xawlaa Ninku miyaanu wacad lahayn? Miyaanu jagada madaxweyne u sharaxnayn? Umada ma sidanuu cod kaga rabaa? Taageerayaashiisii miyaanay jambiyada ka daadan?

WAX-GARAD: ahahahha Maya ee maanta ayaabay mudaharadeen oo xisbigaa yidhi mudaharaada.

DHOOHANE: ogor oo dalkii waxbaa ka dhacdo! Dadku miyaanay waxba iska shaandhayn isna weydiin ninka shalay isagu talada ku celiyay madaxwaynaha ee Somaliland oo dhami TV yada ka daawatay goorma ayuu saxan yahay amaba se qaldanyahay? Ma isagoo sidaas ah ayaabay hadana u mudaharaadeen? Iga walee ninkaa Ciro dad nool ayuu sidii xoolaha marna dareersadaa marna xeryo ku ootaa ileeyn hadii kale dadkan waa xisaabtami lahaayeene.

WAX-GARAD: Kalidii uun maahee Labada Xisbi ee kale Ucid iyo Kulmiye iyaguba waa la mid oo Xisbi walbi Xayn yar baa dareersadaa sidaad u sheegtay oo qalad iyo saxba taageero ugu muujiya

DHOOHANE: Naga daa waxa, miyaad na tidhaahdid dalkaba Miyir Qab kama Shaqeeyo!

WAX-GARAD: miskiin! Dalkaba Miyir Qab sabaankii Ina Cigaal & Ina Riyaale ayaa ugu dambeysay laakiin ‘calaa kulu xaal’ waa halkii carabtee qalad walba wakhtigiisa ayaa la sheegaaye Offside kan xisbiga Wadani ee Ciro galay ayaa hada taagan ilaah baa ina dilaayee Xisbi waliba waa galaayay Offside

DHOOHANE: meesha rag baa isu badheedhay idheh oo dheeshu waa kubada haday ku dhaafto ninku yaanu ku dhaafin.

WAX-GARAD: ahahahhaha saaxiib beerka ayaad I caseysay, hadal wadi maynee Musaaraco ayaa socota.

BY: ADEN DEEQ

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here