Guddoomiye Cirro Oo Aamusnaan Ku Taageeray Muddo-kordhinta Golihiisa Kasoo Baxday Iyo Xisbigiisa Oo Cambaarayn La Hor-taagan Warbaahinta

0
4

Mas’uuliyiinta Xisbiga WADDANI Oo Maalintii Saddexaad oo Xidhiidh ah Mawqif Rabitaanka Bulshada Ka Dhan ah Warbaahinta Lasoo Taagan

“Aamusnaanta Guddoomiye Cirro  oo Marag Buuxda U Ah Inuu Taageersan Yahay Korodhsiimada Golihiisa U Soo Baxday, Waxaa Isaga Laftiisu Go’aanka Madaxweyne Siilaanyo Qirsan Guddoomiye ku xigeenka 3aad ee WADDANI Md.

cirro2Hargeysa:(Hubaal)-Xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI, ayaa maalintii saddexaad oo xidhiidh ah warbaahinta lasoo istaagay dhawaaqyo uu kaga soo horjeedo rabitaanka shacabka reer Somaliland, isla-markaana ku raalligelinayo xubnaha beesha caalamka ee doonaya inay Somaliland ku sanduuleeyaan qaadashada wax aan munaasib ahayn.

Maalintii saddexaad ayey saraakiil katirsan xisbiga WADDANI katirsan bulshada u sheegayaan farriimo aan midho dhalin oo ka dhan ah danta shacabka, iyagoo taageero ugu muujinaya dalalka Somaliland dhinaca doorashooyinka ka taageera oo ka horyimi qorshayaal uu madaxweyne Siilaanyo ku kala qaaday doorashooyinka wakiillada iyo iyo madaxtooyada ooh ore isu saarnaa.

Maalintii ugu horraysay markii uu  madaxweyne Siilaanyo wareegtada uu ku kala qaadayo doorashooyinka madaxtooyada iyo wakiillada soo saaray, waxa qoddobo dhawr ah oo aan micno badan ku dhisnayn oo arrintaas lagaga soo horjeedo warbaahinta u akhriyey Cabdirashiid Xasan Mataan oo ah xoghayaha warfaafinta ee xisbiga WADDANI, taas oo bulshada ku keentay inay su’aalo badan iska weydiiyaan lexejeclada uu xisbigaas ka qabo dalka iyo sida loogu aamini karo masiirka dambe ee dalka.

Maalintii ka dambaysay oo dorraad Isniintii ahayd waxa xisbiga WADDANI  iyadoo jawaabtii hore ee ay go’aanka madaxweynaha ka bixiyeen sii qoyan yahay dacwad kale oo kala qaadista labada doorasho ka dhan geeyeen maxkamadda saree e Somaliland, iyadoo xoghayaha guud ee xisbigaas Md Maxamed Cabdilaahi Uurcadde uu warbaahinta u sheegay inay maxkamadda u yimaadeen kala dhantaalidda go’aanka madaxweyne iyo raalligelinta beesha caalamka ee dhawaan soo saartay dhawaaqa ka dhanka ah go’aanka madaxweyne Siilaanyo.

Hal maalin kadib oo ahayd maalintii shalay oo Salaasa ahayd, ayey xisbiga WADDANI markale warbaahinta horyimaadeen, iyadoo xoghayaha arrimaha dibadda ee xisbigaas Md Maxamed Cismaan Fadal uu si cad u sheegay in xisbigoodu kasoo horjeeddo dibad-bixii shacabka reer Somaliland magaalooyinka dalka qaarkood ka dhigeen, kaas oo ay ku taageerayeen mawqifka madaxweyne Siilaanyo kaga horyimi rabitaankii beesha caalamka, isagoo danta dadka iyo ta dalkaba eegaya.

Maxamed Cismaan Fadal waxa uu maalintii shalay jeediyey hadal uu ku taageerayo mawqifka beesha caalamka eek a dhanka ah danaha bulshada reer Somaliland, waxana uu markii ugu horraysay si cad u sheegay inuu guuldarraystay golihii guddoomiyooda horjoogaha u ahaa wakiilladu,“Baarlamaankii baa inaga khalkhalay oo guurtidii baa inaga khalkhashaye ishii yarayd ee bidhiiqaysay ee maxkamadda ahayd baanu rabnaa inaanay inaga khalkhalin” ayuu yidhi Maxamed Cismaan Fadal.

Mudane Fadal oo hadalkiisa sii wataa waxa uu si mug leh u ammaanay xubnaha beesha caalamka, isagoo carrabka ku adkeeyey inay beesha caalamku tahay ceeb-ka-saliin aan cidina eedayn Karin, isla markaana ictiraaf laga sugayo, waxana uu yidhi,“Beesha caalamku waa cidda aynu ictiraafka ka sugayno, dariiqa ictiraafka loo marayaana waa afarta safiir ee aynu xag-xaganayno, maanta marka beesha caalamka la eedeeyo maxaa inoo hadhay. Dadkayagow beesha caalamka yaan la idinku dirin, iyadaa ictiraafku ku xidhan  yahay oo maalgashigu ku xidhan yahay oo dimuqraadiyadda iyo dawlad-dhisku ku xidhan tahay.”

Saddexdaas maalmood ee sida xidhiidhka ah uu xisbiga WADDANI warbaahinta uga akhriyey wararka ka dhanka ah danaha umadda ee xubnaha beesha caalamka sheegta ku taageerayaan, waxa aan marnaba  shaashadaha soo gelin, isla-markaana aan ilaa iyo haaatan mawqifkiisa caddaynin guddoomiyihii xisbigaas Md Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi(cirro)oo isagu muujiyey inuu la dhacsan yahay muddo-kordhinta uu madaxweynuhu u sameeyey golaha uu horjoogaha u yahay ee wakiillada.

Aamusnaanta guddoomiye Cirro waxa ay marag buuxa ka tahay inuu taageersan yahay korodhsiimada golihiisa usoo baxday, iyadoo guddoomiye-ku-xigeenka saddexaad ee xisbiga WADDANI Md. Faarax Dheere laftiisu uu sheegay inuu taageersan yahay go’aanka uu madaxweyne Siilaanyo labada doorasho ku kala qaaday.

Shacabka intiisa badan, ayaa jaah-wareer ka qaaday mawqifyada iska horjeeda ee xisbiga WADDANI, iyagoo maanka lagu hayo marar hore oo uu xisbiga WADDANI mawqifyo adag iska taagay arrimo siyaasadeed oo dalka soo maray,  balse uu markii dambe taageero muujiyey.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here