Warbixin Ay Toddobaadkan Soo Saartay Qaramada Midoobay oo ka Dayrisay Macaluul iyo Nafaqo-darro ku Baahsan Dalka Soomaaliya

0
8

Waxaa ay Ka Deyrisay  Nolosha 40% Dadka Soomaaliya  ku dhaqan oo ay sheegtay in  Macaluul & Nafaqo-darro Hayaan

masuuliyiinta-qaramada-midoobay-ee-warbixinta-shaaciyeyMuqdisho (Hubaal-W/wararka):-  Qaramada Midoobay, ayaa  sheegtay in 40% dadka ku dhaqan dalka Soomaaliya ay macaluul halis u yihiin isla markaana ay nafaqo darro baahsani haysato. Warbixin ay QM  soo saartay toddobaadkan ayay ku sheegtay in Shan Malyuun oo Qof oo Soomaali ah oo ka dhigan 40% Boqolkiiba Shacabka Soomaaliya aanay haysan Cunto ku filan, isla markaana ay Carruur ka badan saddex Boqol oo Kun ay hayso Nafaqo-darro baahsani.  Xafiiska Qaramada Midoobay ee Arrimaha Gargaarka Bani-aadminnimada ee OCHA, ayaa Warbixintan Salaasadii   ku soo bandhigay magaalada Mudisho ee Caasimadda Soomaaliya. Dadkaas waxaa ku jira 300,000 oo Carruur ah oo da’doodu ka hooseyso shan sano jir, kuwaasoo ay hayso nafaqo-darro, iyadoo in ka badan 50,000 oo Carruurtaasi ka mid ahna ay hayso nafaqo-darro aad u ba’an. Warbixintan ugu danbeysay ayaa ku kordhisay 300,000 oo Qof tirada hubanti la’aanta cuntadu haysay, Warbixintii tan ka horreysay ee la soo saaray bishii February ee sannadkan. “Kooxaha gargaarku waxa ay u diyaarsan yihiin in ay labo jibbaaraan jawaabtooda ku aaddan caawinta Qoysaska la halgamaya in ay helaan cunto.” Sidaa waxaa Shir jaraa’id oo Muqdisho lagu qabtay ka sheegay Isuduwaha Gargaarka Bini’aadannimada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Peter de Clercq. Mr. Peter oo sii watay hadalkiisa waxa uu intaas ku daray;  “Qorasha ka jawaab celinta xaaladda bini’aadannimo ee Soomaaliya ee 2016 waa 32% Qarashka loo hayay, waxaana loo baahanyahay dhaqaale deg-deg ah si kor loogu qaado jawaab-celinta iyo dedaallada lagu doonayo si waxtar leh in loo abbaaro nafaqo-darrada iyo si loo helo cunto.” “Waa in la helaa dedaallo heer Qaran iyo caalami ah si loo kordhiyo wax soo saarka khayraadka dabeeciga ah. Ta labaad ee muhiimka ah ee aannu maanta aadka uga doodnay waxay tahay in la kordhiyo Ururrada ka shaqeeya arrimahan. Dadka ka soo laabanaya Dhadhaab ee ka soo tegaya Xerada Qaxoontiga ugu weyn ee Kenya way soo kordhayaan, waxaanay intooda badani ku soo noqonayaan magaalooyinka Soomaaliya, waxaanay tani cadaadis ku soo kordhinaysaa Soomaaliya, sida magaalada Kismaayo, Muqdisho iyo kuwo kale oo Soomaaliya ah, waxaanay wajahayaan xaalad macaluul iyo nolol adag ah.” Sidaa ayuu yidhi Peter de Clercq. Sidoo kale, Warbixintan, ayaa lagu sheegay inay Somaliland iyo Puntland, ka sii socdaan dedaallada lagu yareynayo nuglaanta, iyadoo taas ay daciifisay isbeddelka Cimilada, taasoo saamaysay xaaladda cuntada iyo nafaqada. Wax soo saarka Dalagga Beeraha, ayaa Warbixintan lagu sheegay inuu wanaagsanaa qaybo ka tirsan Somaliland sannadkan, taasina waxay keentay in ay gacan ka geysato koboca Midhaha meelaha ay abaaruhu hore u saameeyeen. Si kastoo ay ahaataba xaaladaha abaaraha, ayaa wali ka sii jira deegaanno ka tirsan Somaliland iyo Puntland. Roobabka oo aan wanaagsanayn Konfurta iyo Badhtamaha Soomaaliya, ayaa keenay in ay yaraadaan wax-soo-saarka Beeruhu sannadkan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here