Maxkamadda Gobolka Maroodijeex Oo Xukunno Kala Duwan Ku Riday Kaaliyeyaal Iyo Eedaysanayaal Ah

0
21

Gudoomiyaha Maxkamada GobolkaHargeysa (Hubaal) Maxkamada Gobalka Maroodijeex ayaa shalay xukuno kala duwan ku riday Eedaysanayaal lugu eedeeyay iyo waliba shaqsiyaad lugu helay in ay laaluush bixiyeen xili lugu Gudo jirey Dacwad la xidhiidha Dhul muran badani ka taaganyahay .

Gudoomiyaha Maxkamada Gobalka Maroodijeex Axmed Dalmar ismaciil Oo shalay qaar ka mida warbaahinta kula hadlaayey Xafiiskiisa ayaa waxa uu sheegay in ay xukuno kala duwan iyo ganaaxyo ku rideen Eedaysanayashaa waxaana uu Yidhi “ Maxkamadu Waxay Dambi ku heshay Maxamed Jaamac Baaruud (Ina Cudbi Ibraahim) oo ku gafay qodobka laaluush u kala qaadis Kaaliye iyo qof maxakamada dacwadi kaga jirto, maxkamadu waxay ku xukuntay laba sano oo xadhig ciqaabeed ah iyo xuquuqdii lacagtii uu ka qaatay badhkeeda oo ahayd $870.

Gudoomiye Axmed Dalmar oo hadlkiisa sii wata waxa uu Yidhi “ waxa kale oo Maxkamadu Dambi ku heshay Eedaysanayashii dhulkooga oo maxkamada u yaal in ay laaluush ku helaan ku doonaayey oo kala ahaa Jaamac Maxamuud Xuseen (Ina Saado guuleed ) Oo 26 jir ah iyo ina Faadumo muxumed 28 ah madaama oo dhulkoodii oo maxkamada u yaal ay doonayeen in ay laaluush ku helaan waxay maxkamadu ku xukuntay midbkiiba Hal Sano iyo Badh Xadhiga Iyo Hal malinyan oo Shilninka Somaliland ah.

Gudoomiyaha oo Hadalkiisa sii wataa waxa uu Yidhi “waxa kale oo maxkamadu Xukun ku riday Kaaliyihii yidhi waxaan idiin soo samaynayaa xukun aan jirin Ee laaluushka qaatay Ex Kaaliye Abokor Axmed Maxamed Oo Maqane ah oo markii uu xukunkan ogaaday u baxsaday Xamar waxaana lugu xukumay Afar Sano oo xadhiga Halmilyan oo ganaaxa.

Dhinaca kale gudoomiyaha Maxkamada gobalka maroodi jeex waxa uu sheegay in dib u habayn balaadhan lugu sameeyay maxkamadaha iyo goobaha cadaalada ee dalka isla markaana ay ka fogaadaan in ay isticmalaa laaluush iyo wixii la mida .

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here