Hoggaamiyayaasha Soomaalidu Nidaamkii Dowladnimada Way Ku Fashilmeen W/Q:- Faarax Maxamed Gaambe

0
19

gaambeInta aan guda galin dulucda ula-jeedada waxaa mudan inaan dib u jaleecno sooyaalkii dowladnimo ee ay soo martay goboladii Soomaaliyeed ee waqooyi iyo koofur ee ka xoroobay labdii gumaysi ee Talyaaniga iyo Ingiriiska kuwaasoo isku raacay heshiis ay ku go’aansadeen inay ku midoobaan oo ay yeeshaan dowlad mid ah 1960 lana baxay Jamhuuriyadda Soomaaliyeed iyagoo himiladoodu ahayd inay u sii halgamaan saddexda gobol ee aan ka xoroobin gumaystayaashii Faransiiska Itoobiya iyo Kiinya oo kala haystay Jabuuti NFD Soomaali galbeed ama (ogadenia), isku soo wada duuboo way ka dhabeeyeen midnimadoodii waxaana ay yeesheen aqoonsi buuxa oo dhamaystiray boggii dowladnimo madax banaan oo leh awoodeeda maamul siyaaseadeed,

Waxaase marag ma doonta ah inay xukuumaddii kala wareegtay maamulkii gumaystaha ayan wax badan oo muuqda ka badalin horumarkii dhaqan dhaqaale ee bulshada waxaana ay noqotay fadhiid musuq iyo qabyaalad kula baxday magacyo badan oo huwan dhaliillo iyo nusqaanba  9kii sanadood ee u horeeyay ee xoriyadda waxay dowladihii  caalamku u bixiyeen soomaaliya godkii mucaawinada. ka raadi faalada iyo xoga badan  siyaasaddii xukuumaddii rayidka ahayd xusuus dhowrada daadsan maktabadaha iyo qoraalada kaydsan ee saxaafadaha .sababo badan ka dib ayay waxaa yimid dabayl siyaasadeed oo ay ciidamadu dunida saddexaad kula wareegayaan xukumadaha dalalkooda  ,

Waxaana soomaaliya ka dhacay 15/10/1969 in madaxwaynihii dalka allaha u naxariistee Cabdirashiid Cali Sharmaarke askari ay isku reer ahaayeen ku toogtay isagoo kormeer  shaqo qaran ku maraya degmada laascaanood oo ka tirsan gobalka sool  taasooy sabab ka mid ah  noqotay sababaha soomaaliya ka dhaliyay in  21/10/1969 afgambi aan dhiig ku daadan oo ay ciidamadu kula wareegeen dalka uu ka dhaco ,maxaa dhacay 7 dii sanadood ee hore , 7dii xigay maxaa jiray , 7dii gababadii iyo geeridii dowladnimada soomaaliyeed, 21 kaa sanadood maxay kala ahaayeen ,waa hubaal inay jirtay 7 sanadood oo la qabtay wax badan oo la taaban karo oo astaamo hurumar lahaa waxaana aan marna la illaabi karin ololihii hirgalinta qoraalka farta soomaaliga iyo haybadda siyaasadda dibadda,awoodda ciidanka u hoggaansanaanta sharciga  , barnaamijyo shaqo iyo jihaynta iskaa wax u qabso kobcinta dhaqaalaha warshadaynta i w m. Waxaase dhacday 7 xigtay in ay xukuumaddii ay ciidamadu hoggaaminayeen culaab ayan qaadi karin  dusha saarteen iyadoo aan loo bislaaanna abuureen xisbiga hantiwadaagga kacaanka soomaaliyeed (XHKS) oo noqday awoodda ugu saraysa ee xukuummadda kaasoo baahiyay awooddii dowladnimo is hirdan iyo kooxaysi kala fikir ahna bilaabay isla markaana lagu degdegay dagaalkii la galay 1977 iyadoo aan xogo badan oo dhinnaa darteed  ay  sababtay in lagu fashilmo weerarkii sanadkaa waxaana furmay albaab cusub oo cadowgii dagaalka lagula jiray ee itoobiya  ku  kasbaday saraakiil sare oo ka tirsanaa ciidamada xoogga dalka  iskuna dayeen afgambi dhicisoobay 09/04/1978 ka dibna iyagiina saraakiishii soomaaliyeed ee u galay gumaysigii itoobiya ayuu  dib ugu soo weeraray dhulkii jamhuuriyadda soomaaliyeed qaybo ka mid ahna qabsadeen sida galdogob – balanballe –   maalintaas oo ay qabiil ka mid ah beelaha soomaaliyeed uu noqday kuwa la hayb ah saraakiisha u gashay xabashida kana soo hor jeestay xukuumaddii dalka ka talinaysay waxaana ay soomaaliya dib ugu noqotay nidaamkii qabyaaladda kala shakiga ee waayihii  gumaysiga waxaana la helay furihii lagu kala furfuray ee qaybi oo xukun .

Waxaana 7dii u dambaysay noqotay mowtul qaflihii ama geeridii kadiska ahayd ee  qaranimadii soomaaliyeed  quruxdii iyo qabkii soomaaligana way galbadeen waxayna afka saartay marin mahadho iyo qoomama keenay  waxaana soo gaaray iska hor imaadkii dhaliyay dawladdii kacaanka ahayd iyo shacabka taasooy keentay siyaasaddii lagu hagayay bulshada oo jahwareer iyo habac ku dhacay waxaana abuurmay ururo qabyaaladeed oo hubaysan oo ka soo howl galayay lana soo hawlgalayay isla markaana ka helayay taakulayn cadowgii soomaaliyeed ee xabashida waxayna noqtay mid soo gabagabaysay jiritaankii dawladda soomaaliyeed waxaana lagalay dagaallo sokeeye oo aan sabab lahayn oo dhaxalkoodii laga hirqaday la arkay lana hayo halkaas ayay ku burburtay dowladdii la magac baxday kacaanka ee ay ciidamadu horkacayeen  khalad iyo saxeeda waxaa sixi doonta taariikhda ,

Kadib maalmahaas is xambaarsanaa maxaa dhacay  waxaa bilowgii 1991 awooddii dalka looga cararay ururadii qabyaaladeed ee hubaysnaa ee dawladdii  xabashidu ka soo weerar tagay ,waxayna soomaaliya noqotay dal laga wada cararo dil burbur iyo halaagna ka dhaco waa xanuun qoys walba oo soomaaliyeed taabtay waana sababta keentay  soomaalidu inay qaaradaha adduunka wada galaan . soomaaliya waxay noqotay bahala galeen dambiilayaasha caalamku ku dhuuntaan kana fushadaan danaha ay leeyihiin iyadoo aan loo kala xigin  soomaali iyo shisheeye .waxayna u qaybsantay qoqob qoloqolo iyo wax aan dhaamin.                                                                                 waxaa  midnimadii soomaaliyeed  iyo himiladeedii ku  yimid lama filaan iyo naxdin cid walba ha loo aaneeyee ay hogaamiyaashu masuuliyadeeda leeyihiin waaya araggii goob joogayaasha ahaa waa ay ka dharagsan yihiin tilaabo kasta oo dhacday , waxaana aad kaga bogan kartaa maktabadaha lagu kaydiyo taariikhaha iyo saxaaafadda noocyadeeda qoraallo iyo buugaag badan oo laga diyaariyay iyo bogag aragtiyeed muuqaal oo loogu magac daray (janadii burburtay)laakiin  jiilasha cusub waa ayaan darro inayan wax badan ka ogaan karin sooyaalkii dowladnimo ee maamuus magac nabadgalyo sharci iyo kala dambayn iyagoo arkay lana kulmay maalmo gudcur ah oo qoqob iyo qoomiyaddii soomaaliyeed oo qabiil horkacayo oo maalinba maalinka xiga dhiigga soomaaliga uu ku daadanayo  micna darri iyo maamuus xumi, waxaana meesha ka baxay geesiyaal dhiig joojin ku sammeeya qoomiyadda soomaaliyeed ee u kala hayaantay daafaha dunida iyadoo ay ka luntay kalsoonidii ay u qabi lahaayeen ciidooda hooyo. bara kac qorrax joog ah ayaa shacbigii soomaaliyeed dhaxalkoodii ahaaday waxayna diyaar u wada yihiin inay ka wada hayaamaan dalkooda nooc walba oo ay bulshada dabaqyadeeda kaga jiraan.

Maaha  ummadda soomaalida ku abtirsata ee qurbe joog iyo qolqol joogba leh  tan iyo maalintii lala diriray xukuum -addii dowladdii dhexe ilaa maanta ay ku jiraan siyaasad jahwareer ah oo ku dhex wareegta  qax -khal khal- naxdin- -Qarax -rajo xumo- kal qaybin- kala fogayn  iyadoo loo dhigayo sidii ay leedahay hoggaan dowladeed oo la aqoonsan yahay , waxaan la yaab ahayn  in fashilaadda siyaasadeed  ay leeyihiin hoggaamiyayaashii  soomaalida gar qaaday ka dib burburkii dowladdii dhexe ,waxay mugdi iyo habow ku hageen bulshada soomaaliyeed meel walbooy ka joogto gayiga iyagoon garowshiiyo bixinayn .

waan aragnaa dalka siyaasadiissii dibadda tiisii gudaha tiisii dhaqaale iyo tiisii bulshaba iyo tiisii nabad galyaba  inay gacanta ummadda ay ka baxday .waxaana loo abuuray qoolal ay midba midda kale ku cadow tahay una  ciidan samaysanayso si ay isaga difaacdo  beesha soomaaliyeed ee ay dariska waalalaha yihiin.

waan aragnaa bisayl la’aanta madaxda soomaaliyeed ee dibu dhaca iyo hanaan xumida isugu hambalyaynaysa .              waan aragnaa qorsho xumada siyasadda nabadda iyo liidnaanta isu ururinta siyaasadda bulshada waaya aragnimo xumida iyo sida shacabka aragtidiisa soomaali nimo wadaninimo loo burburiyay , sida sahlan ee ay madaxda maanta ay u dhalan rogeen isirkii dadka dhaqan iyo hiddo fac iyo taariikhba .

waan aragnaa sida ay madaxda maanta isugu dilayaan shacabkii soomaaliyeed  iyo sida aanay uga fakarayn faca dambe ee soomaaliyeed iyo barritaba .

Waan aragnaa sida ay madaxda maanta u kasban la’yihiin quluubta shacabka  dhalinyarada ugana dhaadhicin  la’yihiin habkii ay u aamini lahaayeen dalkooda cararka qaraxa iyo fikradaha khaldan ee ku baahaya faca cusub ee soomaalida  uga joojin lahaayeen uguna jihayn lahaayeen wacyi galin nabadayn aqoon shaqa abuur iyo nolol aayatiin oo dhaxal reeb ah.

Waan aragnaa sida ay madaxda soomalida maanta ay jid jiho ugu dhaqaajin la’yihiin  sidii ay ugu hoggaamin lahaayeen shacabka soomaaliyeed hanaan  maareeya mideeya oo soo celiya maamuuskii iyo milgihii soomaali nimo, waxay horumar u qaateen inay qolo qolo midba meel ku qabirraado, taa waxaa ay ka markhaati furaysaa inayan hanan karin hoggaamin karin kasban karin dadka isirka soomaaliyeed ee waqtigan hoggaanka u qabteen madaxda xanuunka maskax madoobaadku ku dhacay .

Waa ayaan darro in madaxda soomaaliyeed  ay noqdaan dad wax loo yeeriyo waxna aan abuuri karin aqoontooduna ku soo ururto maxaa ii dan ah inta aan anigu noolahay  ,waa ayaan darro in caqligoodu ku ekaado bilowgii nolosha adduunka reer hebel  ,waa ayaan darro in siyasaddu ay dib ugu noqoto siyaasaddii miyi magaalayn ee maalmihii gumaysiga .

Waa ayaan darro in iyagoo run ahaan gumaysi ku jira ay isu haystaan inay xor yihiin aqoonyahankeedii iyo caamigii aqoon laawaha ahaa isku aragti ahaadaan meeshana ay ka baxday indheer garatadii kartida u yeelan lahayd masuuliyadda .

Waxaan ku soo ururinayaa arrimaha soomaaliya ee aan la koobi karin xaaladaheeda waxaa sidan ugu wacan ( waa hoggaan la’aan) waa xilkas la’aan waa xumaha oo madaxda maanta qurxisatay – caadaysatay -cabsi aan jirinna shacabka kala dhex dhigay iyagoo aan fasiraad ka bixin karin ujeeddada ka dambaysa qorshahooda.       bulsho xun ma jirto haddii aan madaxdu xumayn , madaxda isirka soomaaliyeed waa wada fashilan yihiin waxayna wakiil ka yihiin mustacmaraddii  fogayd  iyo ta dhow ee nooca cusub , waxaan ku celcelinaynaa  haka hor dhaqaaqaan hoggaanka , halganka soomaaliyeed ha abuurmoo ha hirgalo soomaaliya xoriyadeedu ha ahaato xalaal, soomaliya ha soo noolaato.

 Faarax Maxamed Gaambe

Khabiir Amuuraha Amniga

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here