Puntland: Ciidamo Aan 7-bilood Mushahar Qaadanin Oo Xoog Ku Galay Bangiga Dhexe Ee Garowe

0
24

garooweGarowe:(Hubaa;)-Ciidamada Sirdoonka Puntland ee PIA (Puntland Intelligence Agency), ayaa gelinkii dambe ee maalintii shalay xoog ku galay Bankiga Dhexe ee Magaalada Garoowe.

Ciidamadan, ayaa waxay ka cabanayan mushaaraad la’aan 7-dii bilood ee ugu dambeysay, taasina ay dhabaha u xaadhay qorshaha ay ku galeen Bankiga Dhexe.

Arrintan, ayaa waxaa la soo sheegayaa in xiisad ay ka abuurtay Xarunta Maamulka Puntland ee Magaalada Garoowe, iyadoona ay dadku aad u hadalhayaan.

Suxufiyiinta Magaalada Garoowe, ayaa soo sheegaya in Ciidamada Sirdoonka Puntland, ay halkaasi ka eryeen dhammaanba shaqaalihii iyo ilaaladii ku sugneydba.

Suxufiyiinta, ayaa sidoo kale soo sheegaya inaanay Ciidamadu u gudbin dhinaca khasnadda Bankiga Dhexe, marka laga reebo in ay la wareegeen Dhismaha Baanka.

Wararka, ayaa waxay intaa ku darayaan in uu socdo dadaalo lagu doonayo, sidii Ciidamada PIA-da dib looga saari lahaa Bankiga Dhexe.

Ma jirto wax war ah oo ka soo baxay Saraakiisha iyo Madaxda Maamulka Puntland, oo ku aadan tallaabada ay Ciidamada PIA-da gudaha ugu galeen Bankiga Dhexe Garoowe.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here