Madaxweyne Siilaanyo Iyo Wefti Uu Hoggaaminaayo Oo Galinkii Dambe Ee Maanta Safar Shaqo Ugu Baxay Dalalka UAE Iyo UK

0
13

Diyaarad Khaas ah oo Madaarka Egal International Airport ka qaaday Iyagoo U Safray Dalalka Imaaraadka Carabta iyo Ingiriiska

dsc_0008Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Maxamed Silaanyo iyo wefti uu hoggaaminayo ayaa galabnimadii maanta 26.9.2016 (6: 12, Saacadda Hargeysa) safar-hawleed ugu kicitimay dalalka Imaaraadka Carabta (UAE) iyo Ingiriiska (UK). Madaxweynaha waxa safarkiisa ku wehelinayey Marwada koowaad ee Qaranka Amina-weris Sheekh Maxamed Jirde, Wasiirka Madaxtooyada Maxamud Xaashi Cabdi, Wasiirka Arrimaha Dibedda & Iskaashiga Caalamiga Dr. Sacad Cali Shire, iyo Guddoomiyaha ahna Musharraxa Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi.

dsc_0028Safarka Madaxweynaha iyo weftigiisa oo qaadan doono maalmo dhawr ah (haddii Allah Idmo) wuxuu daaran yahay dar-dargelinta hawlo Qarankeena muhiim u ah oo inaga dhexeeya Waddamada Imaaraadka Carabta iyo Ingiriiska, gaar ahaan dhinacyada Dhaqaalaha, Horumarka iyo Iskaashiga, iyo arrimo kaleba. Madaxweynaha iyo weftigiisu waxay ku sii hakan doonaan Dubai, halkaasna waxay uga sii gudbi doonaan London (Bi Idmillah).

dsc_0021

 dsc_0009

ALLAA MAHAD LEH

Xuseen Aadan Cige (Xuseen Deyr)

Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here