Madaxweynaha Soomaalida Itoobiya Oo Horkacay Bannaan-bax Boodhadh Wata Oo Shacbigiisu Aanay U Kala Hadhin

0
25

Waxaa Lagu Cambaareeyey Nidaam Cabudhin Ku Sallaysan Oo “Annagu marnaba ma ogolin mana ogolaan doono dhargi, onag, ginboot7, ubbo, alqushaash iyo wixii lamid ah……Dhargigu hadhaco, ginboot7 hadhacdo, Onag hadhacdo, ubbo hadhacdo, alqushaash hadhacdo”

banaan-bax-aa-1

Jig-Jiga (Hubaal/Gudgude) Bannaan bax uu horkacayo madaxweynaha Dawlad-deegaanka Soomaalida Itoobiya oo lagaga soo hor-jeedo waxa loogu yeedhay  ururrada nabad-diidka ee deegaannada dalka Itoobiya ayaa subaxnimadii shalay ka dhacay magaallada Jijiga. Isu-soobaxan oo  aah mid baaxaddiisa leha yaa lagu cambaareeyey ururrada Onag, Ginboot7, Ubbo [Onlf] iyo Al-qushaash [Alshabaab] oo lagu tilmaamay inay yihiin kuwo u dhisan  mabda’a nabad-diid iyo nolol-diid ah, kuwaas oo kutalo-galkoodu yahay sidii ay dhul-weynaha qowmiyadaha dalkaasi ugu soo celin lahaayeen boqortooyooyinkii hore iyo shuucigii dhargiga ahaa ee kasoo horjeeday nidaamka dalkaasi ka hanaqaaday ee federaalka ah.  Banaanbaxan oo ahaa mid aan loo kalahadhin ayaa waxaa kasoo qaybgalay mas’uuliyiinta ugu saraysa xukuumada oo uu ugu horeeyo madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar, golaha wasiirada, heerarka kaladuwan ee shaqaalaha xafiisyada deegaanka, culimo-awdiin, odayaal, waxgarad, dhalinyaro rag iyo dumar, hooyooyin iyo qaar kale.

Madaxwaynaha DDSI Cabdi Maxamuud Cumar oo dadka kulahadlay stadiumka   kubada cagta oo ahayd goobtuu mudaaharaadku kabilaabanayay ee ay banaanbaxayaashu isugu yimaadeen ayaa sheegay in deegaanka soomaalidu aanu ogolayn in qalalaase loo horseedo qowmiyadaha dalkaasi wadadega, kuwaas oo uu sheegay in ay saansantiisa wadaan mudaharaadyada ka dhacaya deegaannada amxaarada iyo oromada. Cabdi Maxamuud Cumar waxaa uu ka digay cidhib xumada kasoo fool leh mudaharaadyadaas oo uu  ku dooday inay dabada ku hayaan nidaamyo ku sallaysan cabudhin iyo cadaadis oo uu sheegay in looga talin jiray kaniisadaha.  Madaxwaynaha ayaa intaa kudaray, in itoobiya ay itoobiya kusii ahaan karto oo kali ah jiritaanka nidaamka federalismka ah iyo dastuurka dalka oo ah kuwa horumar lagu gaadhay islamarkaana kudhisan dimoqraadiyad, sinaan, cadaalad, horumar iwm, waxaanu banaanbaxayaasha ku boorriyey inay ficil ku muujiyaan sida ay uga soo horjeedaan rabitaanka ururradan.

Waxaana wadooyinka magaalada jigjiga hadheeyay bulsho-wayntii xarunta deegaanka oo sitay calanka federaalka, kadeegaanka iyo boodhadh waa wayn oo ay kuqoran yihiin halku-dhagyo tilmaamayay nacaybka ay u aqabaan   onag, ginboot7, ubbo iyo alqushaash iyagoo kudhawaaqayay ereyo ay ay kamid ahaayeen, ‘‘Annagu marnaba ma ogolin mana ogolaan doono dhargi, onag, ginboot7, ubbo, alqushaash iyo wixii lamid ah……Dhargigu hadhaco, ginboot7 hadhacdo, Onag hadhacdo, ubbo hadhacdo, alqushaash hadhacdo’’ iyo kuwo ay kutaageerayeen nidaamka federalismka ah iyo dastuurka dalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here