Milicsi Ku Saabsan Buugga “Duca-Qabe: Halgankii Iyo Siyaasaddii Maxamed Xaaji Ibraahin Cigaal”

0
45

Qalinka: Axmed Iid Aadan

jjjjjWaxaan akhriyey buugga cusub ee dhowaan soo baxay magaciisuna yahay “Duca-qabe: Halgankii iyo Siyaasaddii Maxamed Xaaji Ibraahin Cigaal” ee uu qoray mudane Xasan Cabdi Madar, ayna daabacday shirkadda Sagaljet. Si xiise iyo u-fiirsi leh ayaan u akhriyey, markii aan dhammeeyeyna waxa ay ila noqotay wax aan badnayn in aan ka qoro.

Ugu horreyn aynu maanka ku hayno, sida ay dadka qaar moodi karaan in aanu buuggu ahayn mid xoogga saaraya taariikh-nololeedkii iyo noloshii gaarka ahayd ee, Alle ha u naxariisto ee madaxweynihii hore ee Soomaalilaan, Maxamed Xaaji Ibraahin Cigaal. Waxa uu in badan inooga iftiiminayaa halgankii iyo siyaasaddii Cigaal oo ah laba wax oo xidhiidh weyn la leh qaddiyadda guud ee ummadda. Marka waayihii halgan iyo siyaasadeed ee Cigaal laga hadlayo waxa la is arkayaa waayihii iyo siyaasaddii ummadda in badan oo ka mid ah iyada oo laga hadlayo iyada oo aan malaha aad loo dareemayn meelaha ay iska gelayaan sida aan loo dareemin halka ay soojeedka iyo gama’a (hurdadu) iska galaan.

Waayihii halgan iyo siyaasadeed ee Maxamed Xaaji Ibraahin Cigaal waxa lagu tilmaami karaa sida dhiganaha ku xusan sida badweynta oo kale. Badweyntaas oo in kolba dhinac laga milicsado mooyaane aan si fudud looga dhammaan karayn ayeynu dhibco yar yar ka soo qaadanaynaa.

Cigaal waxa uu siyaasadda ku jiray muddo konton sannadood gaadhaysa, waxanu ka qayb qaatay hawlihii gobannimaddoon, midnimo iyo maamul ee kala danbeeyey. Markii uu burburku dhacay ka dibna waxa uu noqday madaxweynihii labaad ee jamhuuriyadda Soomaalilaan, waxana lagu tilmaami karaa aabbihii Soomaalilaan ta cusub ee casriga ah.

Cigaal waxa uu ahaa siyaasi wanaagsan oo siyaasadda wax badan u hura. Sida ku qoran bogga 6-aad ee buugga, kornayl Sulaymaan Cumar-ku-joog oo tilmaan ka bixinaya qofnimadii Maxamed Xaaji Ibraahin Cigaal ayaa waxa uu yidhi: “…Yuusuf Xaaji Aadan oo ka mid ahaa macallimiintii ugu horreysay Somaliland waxa uu yidhi ‘markay iskuulka dhigan jireen arday walba waxanu weydiin jirnay maxaad doonaysaa in aad noqoto? Laba nin baa waxay odhan jireen rumeeyey. Xasan Kayd oo odhan jiray millateri baan rabaa in aan noqdo iyo Cigaal oo odhan jiray waxan doonayaa in aan siyaasi noqdo’. Magac buu siyaasadda u galay ee maaliyad uma gelin, waanu ku guulaystay. Siyaasaddu marna maskaxdiisa kama bixin. Nin qabiili ah ma uu ahayn hase ahaatee waxa uu ahaa nin markuu doono siduu doono ugu shaqaysan kara oo markuu u baahan yahay adeegsada, maxaa yeelay mujtamaca meesha yaal baa qabiilkaa ka rakiban.”

Xukuumaddii uu Cigaal raysal wasaaraha ka ahaa markii la afgembiyey, Cigaal waxa la xidhay muddo 12 sano ah. “Dawladdii Cigaal raysal wasaaraha ka ahaa waxa lagu xasuustaa dimuqraaddiyad ballaadhan, xorriyadda hadalka, saxaafad madax bannaan iyo dadka muwaaddiniinta ah oo haystay madax bannaani ay ku cabbiraan rabitaankooda hadal iyo ficilba. Waxa taas ka danbeeyey 21 sano oo cabbudhin iyo cadaadis ah ilaa uu dalkiiba burburay oo kala daatay 1991-kii.” (bogga 7-aad).

Cigaal markii uu raysal wasaaraha ahaa waxa uu u dooday Shiinaha, arrintaana waxa uu qoraaga, Xasan Cabdi Madar oo si faahfaahsan inoogu soo gudbinayaa u dhigay sidan: “In kasta oo Jamhuuriyadda Shiinuhu ay ka mid ahayd aasaasayaashii Ururka Qarammada Midoobay, haddana mashkilado dagaal sokeeye iyo qaybsan dhexdooda ah ayaa suura-gelin waayey in Shiinuhu si buuxda oo midaysan uga mid noqdo ururkaa. Taasi waxa ay keentay in Jamhuuriyaddii Dadka ee Shiinuhu (The People’s Republic of China) loo oggolaan waayey in ay qayb ka noqoto Qarammada Midoobay, xubinnimadiina ay sii haysato qaybtii la magac baxday Jamhuuriyadda Shiinaha (Republic of China) ee xarunteedu ahayd Taiwan, dhul aad u yarna ka talinaysay.

“Raysal-wasaarihii Soomaaliya Maxamed Xaaji Ibraahin Cigaal hadal uu 7-dii Oktoobar 1969-kii ka jeediyey kulankii Golaha Guud ee Qarammada Midoobay waxa uu u dooday xuquuqda Falastiin iyo in gaar ahaan dalweynaha Jamhuuriyadda Dadka ee Shiinaha loo oggolaado in uu Qarammada Midoobay ku biiro. Isaga oo arrintaa ka hadlaya waxa uu yidhi: ‘Suurta-gal ma aha in dal aynu ka doonno in uu xushmeeyo awoodda Qarammada Midoobay iyadoo dalkaasi aynu iska hor taagnay in uu qayb ka ahaado qaabka aynu go’aannada ku gaadhno. Waxa taas soo raacda in aan la filan in awoodda Jimciyadda Quruumaha ka dhexaysa ay miisaan yeelato haddii laga tago mabda’a ah in adduunyadu ay wax wadaagto oo indhaha laga qarsado. Waxa igu filan in aan idhaahdo in aniga iyo waftigayguba aannu taageeri doonno sidii aannu horeba had iyo jeer u yeeli jirnay wixii go’aan ah ee u suura-gelinaya Jamhuuriyadda Dadka ee Shiinuhu in kaalinta ay xaqa ugu leeyihiin ay ka galaan Qarammada Midoobay haddii ay ahaan lahayd golahan loo dhan yahay, ka ammaanka iyo hay’adaha kaleba.’ “

Qaraarkii Golaha Guud ee Qarammada Midoobay 2758 ee 25-kii Oktoobar, 1971-kii ayaa si buuxda loogu oggolaaday dalweynaha Shiinuhu in uu xubin buuxda ka noqdo Qarammada Midoobay. Arrintaasi waxa ay timid sannad uun ka dib markii raysalwasaare Cigaal ugu dooday  in Shiinaha loo oggolaado xubin ka noqoshada Qarammada Midoobay. Immika Shiinuhu waxa uu ka mid yahay waddannada diidmada qayaxan ku leh Qarammada Midoobay, xubinna ka ah Golaha Ammaanka. Arrintaasi waxa ay Cigaal u noqotay guul uu u soo hooyey dalkiisa iyo dadkiisaba iyada oo ay ka dhasheen mashaariic badan oo sannadihii xigey laga fuliyey Soomaaliya, kuwaas oo ay ka mid ahayd waddada Burco iyo Muqdisho isku xidha. (bogga 64).

Maxamed Xaaji Ibraahin Cigaal laba jeer ayaa la xidhay. Markii hore 7 sannadood ayuu xidhnaa markaas baa la soo daayey. Markii la soo daayey ayaa uu Maxamed Siyaad hadallo shaqsi weerar ah xagga Cigaal u tuuray. Cigaalna waxa uu Maxamed Siyaad ku eedeeyey in toddobadii sano ee uu xukunka hayey aanu waxba ku soo kordhin dalka, waxanu uga digay in maalmihii Soomaaliya lagu xukumayey barobogaandadu ay soo xidhmayaan. Markii ismaandhaafkaasi dhacay taliyihii sirdoonka Axmed Sulaymaan Cabdalle iyo madaxweyne-ku-xigeen Ismaaciil Cali Abokor ayaa u yeedhay Cigaal si ay isugu dayaan in ay ku qanciyaan in uu beddelo qaabka uu ula dhaqmayo madaxweyne Maxamed Siyaad. Cigaal waa uu diiday, laba saacadood ka dibna waaba la xidhay. (Bogga 78-aad).

Cigaal waxa uu ahaa nin adkaysi badan oo aan xadhig iyo hanjabaad dan ka gelin. Sulaymaan Cumar-ku-joog oo mar kale ka hadlayey shaqsiyadda Cigaal waxa uu yidhi: “Qof la adkaysi ah siyaasadda oo Soomaali ahi ma jirin. Su’aalo lagu weydiiyey gurigiisa ayaa waxa ka mid ahaa, ‘Hindiya markii aad ka timid ee in lagu xidhayo laguu sheegay maxaad u timid?’ ‘Waxa uu ku jawaabay, ‘Maxamed Siyaad in aan siyaasadda dalka kaga danbeeyaan doonayey isna in aan ka baxsaduu rabay, anna taa ma yeelayee nasiibkaygaan ka qaadayaa baan idhi.’ “ (Bogga 7-aad).

Taariikhdu markii ay ahayd 3-dii Mey, 1993 ayaa ergooyinkii beelihii Soomaalilaan ee ka qayb galay shirweynihii Boorama ay madaxweyne u doorteen Maxamed Xaaji Ibraahin Cigaal, madaxweyne-ku-xigeen na Cabdiraxmaan Aw Cali Faarax. Qoraaga oo arrintaa wax inooga sheegayaa waxa uu bogga 117 ee buugga ku qoray: “Cigaal oo madaxweynenimo loo soo doortay ayaa ka soo noqday Boorama. Waxa loo dhiibay dal iyo dad burbursan. Magaalooyin dunsan oo daarihii dhulka lala simay. Dhaqaale dhulka yaal iyo bulsho dagaal iyo qaxooti ka soo noqotay oo weli aan salka dhigin. Raadadkii dagaalku weli ma qarsoomin oo markii dalka la soo galay qof waliba qori ayuu qaatay mid hore u hubaysnaa iyo mid kaleba, fulay kastaana geesi buu noqday. Waxa soo baxay kooxo qoriga ku xoogsanaya oo jidadka galay oo la magac baxay ‘dayday’.

“Cigaal oo madaxweyne loo soo doortay oo wax u sii diyaarsani aanay jirin baa talo hor timid. Madaxweyne Cabdiraxmaan oo uu xilka kala wareegay waxba gacanta kuma hayn oo xataa guri madaxtooyo ku habboon oo hawlaha maamul lagu bilaabaa ma jirin. Cigaal oo aan wax magac dhaafsiisan hayn ayaa ka soo dhaqaaqay Boorama oo foodda soo saaray jidka Hargeysa yimaadda.”

“Mudane Bashiir X. Xasan Geelle oo ka mid ahaa golihii wasiirrada ee Cigaal xilligii Somaliland-ta cusub, aabbihii Xaaji Xasan Geellena ay saaxiibbo ahaayeen waxa uu ku sifeeyey Cigaal hoggaamiye siidh ku beeray meel saxare ah oo lamadegaan ah, midhihii laga faa’idayna ay maanta guranayso bulshada Somaliland…” (Bogagga 7-8).

Buugga “Duca-qabe” waa buug weyn oo xogo badan iyo dhacdooyin kala dudduwan oo xiise lehi ay ku qoran yihiin. Qacda hore marka aad isha ku dhufataba waxa aad garanaysaa in uu yahay dhigane lagu fara yaraystay oo ka duwan dhiganayaasha kale. Waxa loo qaabeeyey sida buugaagta waaweyn ee ay dadyowga adduunka qaarkood aadka u qiimeeyaan loo qaabeeyo oo kale.

Dhanka kalena muddo ka hor intii aanu buuggu soo bixin mar aan ogaadey in Cigaal buug laga qori doono waxa ay ila ahayd xogaha, taariikhda iyo macluumaadka loo baahan doono dartood arrin aan la sahashan karin. Si kastaba ha ahaato ee waa innagaa maanta arkayna in uu qoraagu ku guulaystay hawshaas, hawshaas oo ah hawl weyn oo hay’ad dawladeed oo miisaaniyad ku filan haysata mooyaane, qof kasta oo keligii isxilqaada culays weyn ku noqon karta. Sidaas darteed, qoraaga Xasan Cabdi Madar waxa aan leeyahay aad iyo aad baad ugu mahadsan tahay hawshaas qiimaha weyn leh ee aad ummaddeenna u qabatay. Akhristayaashana waxan leeyahay qof hawl weyn oo qiima sare leh qabtay in loo mahadceliyaa waa ay fiican tahay, waxase uu wanaaggu ku sii dhammaystirmayaa in aad loo akhriyo buugga oo aqoonta ku jirta laga faa’iidaysto.

Axmed Iid Aadan

ahmediid@hotmail.com

Hargeysa, Soomaalilaan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here