“Dedaalaa Xaaji Cabbaas Waa Gaadhi Karaa!”

0
6

WQ: Yuusuf Cismaan Cabdille (Yuusuf-Shaacir)

yuusuf-shaacir

“Caroogga Soboolka

Adduunka Ku Ciillan

Anaa Cudha haysta

Anaa Cabdillaahi

Wargays u ah Caydha

Caloosha Danleyda

Aanaa Cabbiraaya…….” Abwaan Gaarriye.

Waa subax Jimce ah, 23-kii Sebtember 2016. Waxaan fadhiyey maqaaxi laga shaaheeyo markii uu ii yimid wiil jaraa’idka iibiyaa. Markii aan jaleecay isna uu dareemay in aan danaynayo ayuu si niyad-xumo ka muuqato iigu yidhi “Saaka laba wargeys oo kaliya ayaa iib fiican. Labadii mid ahaan ayaan ka qaatay kadibna waxa na dhex martay sheeko cajiib ah oo runtii filanwaa iyo yaab ugu noqotay. Wuxu igu yidhi: “Qoyskayagu waa danyar. Waxbarashada markii aan bilaabay aniga iyo arday kaleba waxa na qaabishay hay’ad la NRC. Nasiib-darro, markii aanu saddex sanno oo kali ah dhiganaynay ayaa hay’addii mashruucii ka dhammaaday. War naxdin badan ayuu nagu ahaa waxaanuse la kulanay wakhtigii lacagta fiiga waxbarashada la jabiyey. Wakhtiyada qaar waxaanu bixin jirnay 3000 oo shillin oo kali ah.  Markii aan dugsiga sare u gudbay waxaan dhigan jiray dugsiga Quule Aadan. Waxaa joogay maamule iga war haya aadna ii soo gacan qabtay laakiin muddo kadib waa laga beddelay. Xaalku wuxu sii adkaaday markii aanu gaadhnay qaybtii dambe ee Form 1-ka (aqalka sagaalaad), taas oo igu kaliftay in maalinta Jimcaha gelinka hore aan jaraa’idka iibiyo.  Haddii ay maalintii i soo galaan 25,000 oo shillinka Somaliland ahi, 5,000 baan isticmaalaa, 20,000 ee soo hadhayna waan dhigaa si aan ugu beego kharashaadka dugsiga. Sidaa is-dabbarka ah ayaan dugsigii ku dhammeeyey. Kadibna waxa la gaadhay wakhtigii aan jaamacadda geli lahaa. Jaamacaddu way ka sii kharash badan tahay dugsiga, waanay adag tahay qof aniga oo kale ahi in uu u hawaystaba kharashaadkeeda. Hase ahaatee waxan ku calool-adaygay in aan isa soo qoro jaamacad gaar loo leeyahay. Waxa la ii sheegay in simisterkiiba la iga rabo $260. Kaaga sii darane maalintiiba celcelis ahaan waxaan u baahanahay ilaa 5 Doollar oo ah baska, waraaqaha la daabacanayo, iyo nusasaacaha ilayn dadkii oo wax wada cunaya kaligay af xidhan lama dhex joogi karo’e.”

Run ahaantii qisada wiilkan oo la yidhaa Cabdi-yare way i damaqday. Waxan dareemay in uu ku kaliyeystay halgan nololeed oo isaga ka baaxad weyn.  Waxaan waydiiyey in uu la kulmo maalmo suuqu xun yahay. Wuxu iigu jawaabay:

“Way badan yihiin maalmaha suuqu xun yihiin iyo maalmaha macaamiishu xun yihiinba. Mararka qaar waxaan la kulmaa nin si wanaagsan u lebisan oo wasiir ah ama xil kale dawladda ka haya. Waan ku farxaa oo jaraa’idka ayaan kula cararaa anigoo rumaysan in uu dhawr midh iga iibsan doono. Waxa dhacda inta uu wakhti badan iga haysto, haddii uu doono qaybo ka mid ah akhriyo, kadibna uu si fudud iigu yidhaa iga qabo adeer bahalaha maanta wax naf lihi kuma qorna’e. Waan ka xumaadaa laakiin waan adkaystaa, waayo waa shaqo mustaqbalkayga oo dhami ku tiirsan yahay.”

Cabdi-yare waxa kale oo aan weydiiyey in uu jiro qof uu araggiisa ku farxo ama u arko macmiil wanaagsan. Wuxu si kalsooni leh iigu yidhi:

“Haa way jiraan. Waxaa ka mid ah Xildhibaan Cabdiqaadir Maxamed Xasan “Indho Indho.” Marka aan la kulmo noocyada wargeysyada aan sido oo dhan ayuu iga iibsadaa, waliba lacag dheeraad ahna wuu iigu daraa.”

Barbaarkan hal-adaygu ka muuqdo waan la sii sheekaystay, waxanan su’aalo dheeraad ah ka weydiiyey duruufaha qoyskooda. Wuxu ii sheegay in uu jiro wiil ka yar oo ay walaalo yihiin oo tahriibay markii ay noloshii ku adkaatay.

Runtii waan ka naxay sida ay noloshu ugu adag tahay wiilkan laakiin waxan aad ugu farxay in uu leeyahay kartidii iyo aragtidii uu kaga gudbi lahaa. Waxana aad ii farxad gelisay in uu diyaar u yahay halgan iyo adkaysi in uu kaga gudbo caqabadaha nolosha ee uu hadda ku jiro iyo kuwa mustaqbalka ka hor iman karaba. Waxa kale oo aan ku diirsaday sida uu u jecel yahay waxbarashada iyo sida uu ugu niyadsan yahay mustaqbalka.

Waxan ka xumahay in aa il-duufay in aan da’diisa weydiiyo laakiin waxan ku qiyaasay 18 ilaa 19 jir.  Waxan ka qaaday sawir, waxaanan u sheegay in uu ii aqoonsado saaxiib u soo kordhay isla markaana aan kala hawl-gali doono wixii caqabado dheeraad ah kaga yimaad dhinaca waxbarashada. Waxan ku dhiirigeliyey in uu dedaalka halkaa ka sii wado anigoo u sheegay xikmaddii ahayd “Dedaalaa Xaaji Cabbaas waa gaadhi karaa waana dhaafi karaa.”

Ciddii gacan ka gaysanaysa taaba-gelinta halyeygan soo koraya way u furan tahay. In badan ayuu la soo kifaaxay  nolosha iyo waxbarashada, waxay ila tahay in la gaadhay wakhtigii wax la tari lahaa. Wiilkani wuxu ka mid yahay da’yarta tirada badan ee hibooleyda ah ee indhaha bulshadu aanay qaban marka ay dayacan yihiin ee ay ugu baahida badan yihiin, laakiin lagu soo xoomo marka dambe ee ay wax noqdaan.  Xusuuso maasnadii abwaan Hadraawi ee Indho Badan:

“Ubaxeey, Ubaxeey

Indha yaab badanaa

Kugu eegmo batee

Maxay soo u riyeen

May ayaamaha qaar

Kugu soo ururaan

Imisaa jiray waa

Noloshaadu adkayd

Imisaa jiray waa

Abaalkaagu sugnaa

Imisaa jiray waa

Ishu kaa han fogayd

Imisaa jiray waa

Adduunkaagu madhnaa

May ilaahay hortii

Irbad kuugu huraan

Alif waa darajee

Aqoon may ku  baraan

Eray may ku faraan

Loo adeegsado meel.”

Waxa Qoray: Yuusuf Cismaan Cabdille (Yuusuf-

Hargeysa/Somaliland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here