“Waxa Jira Wasaaraddo U Dhaqmaya Sidoodii Hore, Waxaanan U Sheegayaa In Aannaan Sidaas Kaga Hadhi Doonin, Cidkastoo Na Farogelisana…..”

0
23

 Guddoomiyaha Guddida  Qandaraasyada Qaranka Oo Ka muraarra-dillaacay Fadhiidnimo Xafiiskiisa Barriinsatay+ Awaamiir Aan Ficil Wadan Oo Mar Kale Uu Ugu Hanjabay Wasiirrada & Maareeyeyaasha Suuqa Madow Wax Ku Naadiya

“Waxa Jira Wasaaraddo Iyo Hay’ado U Dhaqmaya Sidoodii Hore, Waxaanan U Sheegayaa In Aannaan Sidaas Kaga Hadhi Doonin…. Annagu Cidkasta Oo Shaqadayada Farogelisa Gacan Bir Ah Baanu Iskaga Celin Doonaa” – Sh. Shariif Abokor

shariif-abokor

Hargeysa:(Hubaal)-Guddoomiyaha guddida qandaraasyada qaranka Somaliland Md. Shariif Abokor, ayaa si adag uga dayriyey fadhiidnimo laxaad leh oo ku habsatay hay’adda uu madaxda ka yahay oo muddo badan aan qabanin shaqadii ay qaranka u haysay ee loo igmaday.  Guddoomiye Shariif Abokor oo muddo xilkan hayey, ayaa isaga oo qaar saxaafadda kamid ah u warramaya waxa uu walaac weyn ka muujiyey shaqo-maroorsi uu sheegay in hay’addiisa lagaga sameeyey awoodaheedii, isagoo hoosta ka xarriiqay inay hoos u dhaceen bixinta qandaraasyadii ay sharciyan ahayd inay hay’addiisu gacanta ku qabato. Ugu horrayn Shariif Abokor waxa uu sharraxay shaqada rasmiga ah ee hay’addiisa, isagoo xusay in wax kasta oo hay’adaha kala duwan ee qaranku iibinayaan iyo wixii ay soo iibsanayaanba ay hay’adiisu ku shaqo leedahay,  “Hay’addaydu waxa ay u xilsaaran tahay waa qabashada iyo baahinta qandaraasyada qaranka wixii ay dawladdu soo iibsanayso iyo wixii ay iibinaysoba, si ay dadka muwaadiniinta ahi six or iyo xalaal ah ugu tartamaan wax kasta oo ay dawladdu soo iibsanayso iyo wixii la xaraashayoba way u xilsaaran tahay guddida qandaraasyada qaranku inkasta oo uu iska yar yahay xaraashku.” Ayuu yidhi guddoomiye Shariif. Waxa uu Shariif sheegay inuu marar hore shaaciyey wixii xafiisyada dawladda lagu soo kordhinayo ay iyagu ku shaqo leeyihiin, waxana uu yidhi,“hore ayaanu u baahinay in wixii xafiisyada kala duwan ee dawladda iibsanayso ee miisaaniyadda ugu jira in hay’addani soo bandhigto oo lagu tartamo”  Shariif Abokor oo aan looga baranin inuu warbaahinta la hadlo tan iyo intii uu xilkaas la wareegay, ayaa ka digay doc-faruuurka ay xafiisyada kala duwan ee dawladdu ku hayaan shaqadii ay hay’adiisu ku magacownayd, waxana uu deel-qaaf ku sheegay in shaqadiisii duhur cad la maroorsado, “waxa aan mar labaad iyo mar sadexaadba  hay’adaha iyo wasaaradaha dawladda ka codsanayaa inay lnay wixii qandaraas ah ee miisaaniyadda ugu jira ama ay dawladdo kale inagu caawiyeen ay lasoo xidhiidhaan guddida qandaraasyada, waayo hay’addan ayey shaqadeeda tahay, hay’adina inay hay’ad kale shaqadeeda qabato distoorkeena iyo sharcigeenu ma ogolla, haya’daha dawladduna waa inay ilaaliyaan wada-shaqaynta iyo isku xidhnaanta.” Ayuu yidhi Shariif Abokor. Gudoomiyaha hay’adda qandaraasyada qaranka oo hadalkiisa sii wata, ayaa si cad u sheegay inay jiraan wasaaraddo iyo hay’ado kale oo xukuumadda katirsan, kuwaas oo aan dheg jalaq u siinin baaqyada ay hay\adiisu ku dalbanayso in iibka cusub iyo xaraashkaba lala soo socodsiiyo, waxana uu ku gooddiyey inuu sharciga la tiigsan doono hay’adahaas, waxana uu yidhi,“waxa jira wasaarado iyo hay’ado u dhaqmaya sidoodii hore, waxana aan u sheegayaa inaanaan sidaas kaga hadhi doonin oo aanu la tiigsan doono sharciga, annagu soo iibinta iyo in si caddaalad ah loogu tartamo ayaanu u taaganahay, cidkasta oo shaqadayada farogelisana gacan bir ah baanu iskaga celin doonaa, annaga oo sharciga marayna.” Guddiga qandaraasyada qaranka oo kamid ah  hay’adaha ugu fadhiidsan xafiisyada dawladda madaxweyne Siilaanyo, ayaan haba yaraatee wax shaqo ah qaranka u haynin, waxana xubnaha xafiiskaas ka shaqeeyaa kaliya halkaas ku qaataan mushaharkooda, iyagoo aan muddo dheer  baahinin wax qandaraas ah. Hay’adaha kala duwan ee xukuumadda, ayaa iyaguna dhammaantood si isku mid ah u dhinac maray inay wixii ay soo iibsanayaan iyo wixii ay iibinayaanba u gudbiyaan guddida qandaraasyada qaranka si loo baahiyo, waxana ay taas beddelkeeda iibkooda si badheedh ah ugu naas nuujiyaan cid ay xidhiidh gaar ah la leeyihiin. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud, ayaa isagu wareegto uu  hore u soo saaray dhammaanba hayadaha kala duwan ee qaranku ka kooban yahay faray in wax kasta oo ay iibinayaan ama ay soo iibsanayaan oo qiimahoodu gaadhayo $3000(saddex kun oo dollar) u gudbiyaan guddida qandaraasyada qaranka, balse wareegtadaasi waxa ay ku micno beeshay xafiisyada wasiirrada iyo maareeyayaasha hay’adaha xukuumadda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here