“Xorriyadii Aan 25-Sano U Miyir La’aa In Maanta La Yidhaahdo Waa Laguu Taliyaa Xor Ma Tihid Wax La Aqbali Karo….”

0
9

axmed-yaasiin sh. cali ayaanle

Hargeysa:(Hubaal)-Xildhibaan Axmed-yaasiin Sheeekh Cali Ayaanle oo katirsan mudanayaasha aqalka wakiillada ee laga soo doorto gobolka Awdal, ayaa ka hadlay wada-haddallada ay xukuumadda Somaliland la furtay maamulka Khaatumo iyo arrimo kale oo ay kamid yihiiin baaqyada ka imanaya beesha caalamka ee lagaga soo horjeedo kala qaadista doorashooyinka wakiillada iyo madaxtooyyada.

Xildhibaan Yaasiin oo u warramayey barnaamijka milicsiga siyaasiga ee telefishanka UNIVERSAL, ayaa ugu horrayn hoosta ka xarriiqay in wada-hadallada ay xukuumaddu la furtay maamulka Khaatumo tahay guul soo daahday oo qaranka u soo hoyatay, “Wada-hadallada Khaatumo waxan u arkaa fursad dahab ah oo Somaliland soo martay, cidkasta oo ilaahay meel wada dhigayna waxa u dan ah inay wada hadlaan, maantana Somaliland oo in badan maamul fidinaysay in raggii ugu waaweynaa oo Cali Khaliif ka mid yahay inay aqbalaad keeneen haddii la wada hadlo waa la heshiinayaa, aqoonsiga Somaliland ee ugu weynina waxa uu ku jiraa Somaliland Bari iyo Galbeed oo isku dhamaystiran.”ayuu yidhi Axmed-yaasiin sheikh Cali Ayaanle.

Xildhibaanka oo hadalkiisa sii wata, ayaa dhinaca kale ka hadlay baaqyada beesha caalamka ee ay ku saluugsan tahay kala qaadista doorashooyinka madaxtooyada iyo wakiillada, waxana uu sheegay inuu qaranka Somaliland taladiisa iyo go’aamadiisa iska leeyahay, waxana uu yidhi,“wixii inoo dan ah inagaa garanayna, mana ah in London looga taliyo wixii Somaliland dan u ah, xorriyadii aan 25-sano u miyir beelayna in maanta la yidhaahdo waa laguu taliyaa xor ma tihid la yidhaahdo wax la aqbali karo ma ah, haddii aanu in naloo taliyo qaadanayna horaanu isu dhiibi lahayd.”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here