Askar Katirsan Waaxda Dab-demiska Oo Muddo Dheer Jeelka Ka Caweynaysa Iyo Qaar Kale Oo Shaqadii Laga Caydhiyey

0
8

Muran Xaga Shaqada ah Oo Dawladda Hoose Iyo Taliyaha Ciidanka Dab-demiska ah u dhexeeya Oo Curyaamiyey Shaqadii Hay’adda

dabka

Hargeysa:(Hubaal)-Ugu yaraan saddex askari oo katirsan ciidamada dab-demiska Somaliland, ayaa xabsiga la dhigay, waxana shaqadii ay hayeen laga caydhiyey saddex kale, kuwaas oo xadhigooda iyo caydhintooda ay warar kala duwani kasoo baxayaan.

Sida ay sheegayaan wararka soo gaadhaya wargeyska Hubaal ee ku saabsan ciidamadan katirsan dab-demiska Somaliland, waxa uu is af-garan waa soo kala dhexgalay taliyaha iyo xubnahan caydhinta iyo xadhiga la iskugu daray, waxana uu taliye Sawaaxili oo isagu masuul ka ah ciidamada Dab-demisku xubnahan ku eedeeyey in dhaliilo badani ka yimaadeen shaqadooda.

Xubnaha la xidhxidhay oo tiradooda gaadhayso ilaa iyo saddex askari oo iyagu saraakiil ahaa, ayaa la sheegay inay ka cudurdaarteen shaqooyin taliye-hoggaameedyo ahayd oo ay hore u hayeen, waxana ay taliskooda muddo badan ka codsanayeen inuu shaqadaas ka beddelo balse markii dambe is-casilaad ayey shaaciyeen taas oo keentay in xabsiga la dhigo.

Sidoo kale xubno shaqada laga caydhiyey oo tiradoodu saddex tahay, ayaa iyagana lagu eedeeyey inay si hufan shaqadooda u gudan waayeen, inkasta oo ay iyagu ku andacoonayaan in caddaalad-darro shaqada looga saaray.

Taliye Sawaaxili oo aanu isku daynay inaanu arrintan wax ka weydiino, ayaanay noo suurogelin, telefoonkiisa gacanta oo xidhnaa awgeed, waxana wararka xarunta dab-demiska naga soo gaadhayaan sheegayaan inuu muran badani dhexyaallo sarkaalka agaasimaha ah ee dawladda Hoose ee Hargeysa u magacowda waaxda Dab-demiska iyo taliyaha ciidankaas oo isaga uu madaxweynuhu magacaabay.

Khilaafka labada dhinaca ayaa salka ku haya arrimaha shaqada iyo sida awaamiirta ciidanka iyo shaqadoodaba loo maamulayo, iyadoo labada dhinac mid waliba uu goobta la yimaaddo awaamiir gaar u ah.

Xeerka dab-demiska ayaa haba yaraatee haatan jirin, waxana taasi keentay inay iska horyimaadaan saamaynta dawladda Hoose ku leedahay ciidankan iyo awaamiirta uu taliyahoodu bixinayo iyo weliba go’aamada uu qaadanayo, waxana ay dhibaato badani ka taagan tahay kala xadayn la’aan dhinaca shaqada iyo shuruuc la’aan jirta.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here