Khasaaraha Qarax Maanta Ka Dhacay Magaaladda Muqdisho

0
7

qaraxyada muqdisho2

Ugu yaraan laba qof ayaa ku dhimatay, afar kalena way ku dhaawacmeen qarax ka dhacay caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho. Qaraxa ayaa ka dhacay dibedda hore ee maqaayadda ku taal bartamaha caasimadda oo layidhaa Blue Sky.

Waa weerarkii labaad ee khasaaro geystay ee maalmo gudahood ka dhaca Muqdisho. Ururka Al-Shabaab ayaa sheegtay mas’uuliyadda qaraxa maanta iyo kii ka horeeyayba.

Todobaadkii tegay ayuun bay ahayd markii wasiirka arrimaha dibedda ee Soomaaliya, Cabdisalaam Cumar Hadliye, uu kulanka loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay ka sheegay, in Al-Shabaab ay beegsaneyso bartilmaameedyada sahlan, maadaama awood ahaan la wiiqay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here