Cali-marreexaan Oo Ka Hadlay Qalliin Faalladiisu Badatay Oo Lagu Sameeyey Wiil Uu Dhalay Oo Kalyuhu Fadhiisteen

0
6

“Waad Maqlayseen Oo Waxoogaa Buuq Ah Baa Dhacay, Ilmo Yar Oo Kelyuhu Fadhiisteenna Qofka Xasaradaynayaa Waxa La Ina Tusayaa Inay Xumaani Ka Buuxdo”

Cali-Mareexaan

Hargeysa:(Hubaal)-Wasiirka wasaaradda hawlaha guud, gaadiidka iyo guryeynta Somaliland Md. Cali Xasan Maxamed (Cali-marreexaan), ayaa markii ugu horraysay jawaab cad ka bixiyey dhawaaqyo lagu nashuushadaynayey qalliin culus oo wiil uu dhalay oo kelyuhu fadhiisteen loogu sameeyey dalka India.

Wasiir Cali oo dalka kusoo laabtay maalintii shalay, ayaa beeniyey wararka sheegaya in gabadha wiilka xanuunsanaya kellida u saartay aanay ahayn mid si mugdi ku jiro loo geliyey hawsha kelli-saarta ah ee ay gashay, waxana uu tilmaamay inay iyadu iskeed u go’aansatay inay kellideeda ugu deeqda wiilka ay ehelka yihiin,“gabadha ay inanka waalalaha yihiin ee kellida saartay iyada oo Qadar Joogta oo jaamacad dhigata, ayey go’aansatay inay kelidda u saarto, aniguna mar qudha kalama aan hadlin, aabaheed oo walaalkay oo iga weyn ah baa ila soo hadlay oo ii sheegay inay gabadha uu dhalay go’aansatay inay kelideeda saarto.” Ayuu yidhi wasiir Cali-marreexaan.

Wasiirku waxa uu buuqii lagu furay qalliinka wiilkiisa ku tilmaamay mid uu dadka ku kala bartay, isagoo dadkii xumaantaas faafinayey ku sheegay qaar samuhu ka guuray, waxana uu yidhi,

“Waad maqlayseen oo waxoogaa buuq ah baa dhacay, waxkalena ma ahayne gabadhaas yar ee kellida saaraysay iyo inankaa xanuunsanayey ilaahay baa dadka inagu kala barayey”

“ilmo yar oo 20-jir ah oo kelyuhu fadhiisteen qofka xasaradaynayaa waxa la ina tusayaa inay xumaani ka buuxdo”

Cali-marreexaan waxa uu hoosta ka xarriiqay in gabadhii dhallinyarada ahayd ee kellideeda ku deeqday loo aqoonsaday geesiyad u guntatay badbaadinta naf kale oo halis ku jirtey,“inantii kelida saartay waa la wada bartay oo halkii aanu joognay waxa looga yaqaanaa GEESIYADDII” ayuu yidhi Cali-marreexaan.

Dhawaan ayey ahayd markii wiilka curad ee uu dhalay wasiir Cali-marreexaan ay labada kelyoodba fadhiisteen, waxana badbaadinta wiilkaas u guntatay, isla markaana mid kamid ah kelyaheeda u saartay Sagal Cabdi Xasan oo uu dhalay wasiirka walaalkii, balse waxa soo baxayey dhawaaqyo arrintaas lagaga soo horjeedo oo ay faafinayeen dad aan la dhacsanayn wanaagga ay gabadhaas yarii ku kacday.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here