Barnaamij Ay  Kaadirka UCID Wadaan Oo Madaxweyne-ku-xigeenkii Hore ee Puntland U Cumaamadaya Musharrax Ku-xigeenka Xisbiga Oo Suurtagalnimadiisa la Dareemay

0
7

Hargeysa(Hubaal) General Cabdisamad  Cali Shire oo hore u ahaa Madaxweyne Ku-xigeenkii  hore ee Puntland oo mudooyinkii ugu danbeyey ku sugnaa Magaalada Hargeysa ayaa Ilo xogogaal ahi sheegayaan in wadahadalo u socdaan Xisbiga Cadaalada iyo Daryeelka ee UCID, waxaanay wararku intaasi ku darayaan in Xidhiidho hoose ay wada sameyeyn Cabdisamad Cali Shire iyo Faysal Cali Waraabe waloow aan la ogeyn waxyaabaha rasmiga ah ee ay isla meel dhigeen basle ilowareedyadu  waxay intaasi ku darayaan  in Faysal doonayo  in Janaraalku  ku soo biro xisbiga isla markana uu ka mid noqdo hogaanka sarre ee xisbiga.

Dadka Siyaasada u dhuundalool ayaa tilmaamay in hadii uu General Cabdisamad  Cali Shire ku biro xisbiga UCID ay guul weyn u noqondoonto xisbigaasi, madama Siyaasigani  la sheegayo in uu sameyn weyn ku leeyahay Gobolada Bariga ee uu ka soo jeeddo.

Source: Waaheen

capture

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here