HALKAN KA DAALACO: Maxakamadaha Heer Gobol/Degmo  Ee Maroodi-jeex Oo Soo Bandhigay Liiska Kiisaska Garnaqoodu Hadheeyay Hay’adaha Garsoorka ee Gobolka

0
7

Hargeysa(Hubaal):- Kiisaska ugu badan ee maxkamadda Hargeysa ka garnaqdaa waxay noqdeen dacwadaha la xidhiidha murranadda Dhulka. Sidaasna waxa daboolka ka qaaday Guddoomiyaha Maxkamadda gobolka Maroodi-jeex, Axmed Dalmar Ismaaciil oo aanu Cadadkii Isniintii toddobaadkan  ee wargeyska DAWAN akhristeyaasha ugu soo gudbinay qeybtii hore ee waraysi iyo warbixin dheer oo aanu ku faaqidnay xaaladda maxkamadaha Hargeysa  iyo isbedalka ka dhashay xukun lagu riday koox iskugu jirtay laaluush bixiyeyaal, dilaaliin iyo shabakadaha xirfadda ka dhigtay  inay tubta toosan ka duwaan xaakinnada maxkamadaha.

Cadadkan maanta waxaanu akhristeyaashayadda ugu soo gudbinaynaa baaq culus oo uu Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Maroodi-jeex ugu baaqay dadweynaha inay cadaaladda ku kalsoonaadaan. “Dadweynaha waxaan leeyahay markaad is qabsataan horta ha is  dillina  ee maxkamadaha kaalaya, nabad-gelyadeenna ayaa ku jirta oo maxkamadahana waxaa idiin jooga dadkiinii, gartaadana inta aanad maxkamada imanin soo akhriso,”ayuu yidhi Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Maroodi-jeex, waxa uu soo qaaday mushkiladda laaluushka iyo dadka loo soo kaxaysto xukaamta maxkamadaha. “Waxa kale oo aad naga daysaan wasteynta iyo cida aad noo soo kaxeysaneysaan.laaluushka aad suuqa madow ku bixineysaanna naga daaya oo wixii aanu idin kala xukunno ku qanca oo daba ka hadalka naga daaya, markaa dadka waxaan leeyahay afka ayaanu xukunaa uurka ma xukuno.”

madaxweynaha-iyo-garsoorkaMr. Dalmar waxa uu ka sheekeeyay tirada kiisaskii ay la wareegeen iyo inta ay xilligan gacanta ku hayaan, waxaanu yidhi  “Maalintii aan maxkamadda imid waxaan  la wareegay laba kun oo dacwadood.  maantana waxa yaalla boqol iyo shan iyo sideetan dacwadood. Kiisaska intaas tiradoodu leeg tahay waxay  nagaga dhammaadeen  laaluush qaadasho la’aanta iyo cadaalada aanu sameynay. waayo ninku markaanu laaluush qaadan waa uu dhiiran yahay waayo hore ayaa loo yidhi (Af wax cuney xishood).”

“Kiisaska ugu  badan ee maanta maxkamada yaala waa dhul oo noqday laf-dhuun gashay, khasaare  aan dhul ka dhallani dalkeena kama   dhaco, waxaana ka dhasha khasaare nafeed khasaare hantiyeed, isaga oo ciqaaba iyo isaga oo madaniyaba. waxaa maanta noogu darani waa dhul,”ayuu ku yidhi Guddoomiyaha Maxkamadda Maroodi-jeex waraysigaas.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here