Dadka Jeebkoodu Ladan Yahay Oo Cabaqabad Ku Noqday Deeqaha Jaamacaduhu Siiyaan Ardayda Danyarta Ah Iyo Wasaaradda Waxbarashada Oo Go’aan Adag Kasoo Saartay

0
15

Prof.-Cabdi-Cali

Hargeysa:(Hubaal)-Agaasimaha guud ee wasaaradda waxbarasahda iyo tacliinta saree e Somaliland Prof. Cabdi, ayaa shaaca ka qaaday inay wasaaraddu joojisay gebi ahaanba deeqihii waxbarasho ee ay ardayda danyarta ah ka siin jirtey jaamacadaha waddanka gudihiisa ku yaalla.

Agaasime Cabdi Cali oo u warramayey Telefishanka Star, ayaa sheegay inay bixinta deeqahaas u daayeen jaamacadaha dalku inay si iskood ah u maamulaan sanadkan, “Deeqaha waxbarashada ee dalka waanu daadejinay oo jaamacadaha ayaanu u daadajinay, wasaaradduna hore dadka danyarta ah ayey jaamacadaha waddanka ku qori jirtey, laakiin sanadkan jaamacadaha ayaanu u daynay.” Ayuu yidhi agaasime Cabdi Cali.

Agaasimaha oo hadalkiisa sii wata, ayaa sharraxaad dheeri ah ka bixiyey asbaabaha keenay inay wasaaraddu sanadkan joojiso ardaydii danyarta ahayd ee ay jaamacadaha dalka fari jirtey inay deeq waxbarasho siiyaan, waxana uu cabasho ka muujiyey codsiyo xad-dhaaf ah oo wasaaradda buux dhaafiyey, kuwaas oo ay hormood u yihiin dadka jeebkoodu ladan yahay, waxana uu yidhi,“Sababta deeqahaas loo daadajiyeyna wax kale ma ahee sanadkan  dad tiro badan ayaa soo codsaday oo waa nala qarqiyey wasaarad ahaan, waana aanu kala saari kari weynay, oo waxa soo baxay dad iska ladan oo meesha ordaya, waxana waxa loogu talo galay dadka aan awoodda lahayn.”

Waxa uu agaasimuhu sheegay inaanay jirin wax nidaam ah oo wasaaradda waxbarashada uga diyaar ah sidii ay dadka tirada badan ee codsiyada soo gudbista ku kala saaraan,

“Wasaarad ahaan waxanu isku qancinay inaanay noo  diyaar ahayn nidaamkii aanu ku kala saari lahayn dadka ladan iyo kuwa liita ee aanu odhan lahayn kaas ayaanu siinay iska tag.” Ayuu yidhi agaasime Cabdi Cali.

Agaasime Cabdi Cali waxa uu hoosta ka xarriiqay inay sanadkan jaamacada kala duwan ee dalka awood u siiyeen inay deeqahaas siiyaan ciddii ay iyagu u arkaan inaanay tahli karaynin lacagaha jaamacaduhu arayda ka qaadaan, waxana uu yidhi,“Waxanu nidhi jaamacaduhu awood waxa ay u leeyihiin inay sanadkan qaataan ciddii ay iyagu u arkaan inaanay awood u lahayn inay lacagta iska bixiyaan, dhawaanna waxanu bilaabaynaa dedaal iyo qorsheyaal aanu ku kala saarayno dadka codsiyada noosoo dira.”

Wasaaradda waxbarashada Somaliland, ayaa haatan ka hor qaban jirtey codsiyada ka yimaadda ardayda danyarta ah ee dugsiyada sare ka baxay, kuwaas oo aan awood u lahayn inay jaamacadda iska bixiyaan, waxana ay qoraal ay ku farayso inay ardaydaas deeqo waxbarasho siiyaan u diri jirtey jaamacadaha kala duwan ee dalka, balse sanadkan taas waa la hakiyey.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here