Soomaalida Itoobiya Ma Aqbali Karaan Damaca Qowmiyadihii Dalkooda Ku Amar Ku-taaglayn Jiray

0
14

Cadami

In kasta oo dhulka Soomaalidu ka balaadhan yahay intooda badan dhulka qoomiyahada kale ee Itoobiya, in kasta oo ay tiro ahaan yihiin qoomiyada saddexaad iyo in kasta oo ay ka mid yihiin Kilalada ugu khayraadka badan hadana wuxuu ahaan jiray ka ugu liita xaga horumarka. Dib u dhaca waxa u dheera hagar-daamooyin dadka lagu hayey, waxay ku noolaayeen xaalad adag iyo nolol cidhiidh ah. Runtii looma aqoonsanayn muwaadiniin reer Itoobiya ah balse waxay ahayeen ‘second class citizens’. Haddii si kale loo dhigo 26 sanadood ka hor gobolka Soomaalida Itoobiya kama uu duwanayn mustacmaridihii Soomaalida ee Ingiriiska ama Fransiisku gumaysan jiray. Sidaas oo kale waxa jiray qooomiyado kale oo iyagana la gacan bidixayn jiray in kasta oo aan loola dhaqmi jirin ama loo cadaadin jirin sida Soomaalida. Hase ahaate siyaasada Itoobiyada cusub ee uu hormoodka ka ahaa ra’iisal wasaarihii hore mudane Meles Zenawi waxay horseeday in qoomiyad ama Kilal kastaaba uu noqdo Dawlad Degaan maamulkiisa u madax banaan oo madaxweynihiisa iyo baarlamaankiisaba soo doorta iyo waliba in Kilal kastaaba afka lagaga hadlaa uu noqdo luqada rasmiga ah ee xaafisyada lagaga shaqeeyo. Waxa iyana xiiso leh ama in la xuso mudan in Itoobiyadii hore diinta maseexigu (Orthodox) ka mudnayd diimaha kale sida qoomiyaduhuba u kala mudnaayeen; laakiin Itoobiyada cusub sida ay muwaadiniinteeda u sintay ayey diimaha ay kala aaminsan yihiina loo simay. Si kastaba ha ahaate waxa baryahan dambe warbaahinta laga tabinayey in qoomiyado ka mid ah qoomiyadaha Itoobiya samaynayaan mudaharaadyo ka dhan ah Dawlada ‘Federal’-ka ah iyo banaan-baxyo kale oo waaweyn oo laga dhigayey magaalooyinka Dawlad Degaanka Soomaalida oo lagaga soo horjeedo mudaharaadyada rabshadaha wata ee laga soo abaabulayo Kilalada Axmaarada iyo Oromada iyo shaki la’aan meelo kale oo ka baxsan dalka gudihiisa, isla markaa shacbiga Dawlada Degaanka Soomaalidu banaan-baxyada waxay taageero ugu muujinayeen dawlada dhexe iyo nidaamka ‘Federalism’-ka oo qeexaya xoriyada iyo madax banaanida Kilalada. Hadaba dareenka iyo walaaca dadweynaha Dawlad Degaanku ka muujiyeen fidmada laga soo hurinayo meelo ka mid ah dalka Itoobiya waxa ka dhashay doodo iska soo horjeeda kuwo ku taageersan banaan-baxyada iyo kuwo kale oo leh ma haboona. Waxa laga yaaba inay jiri karaan tabashooyin dhab ah oo u baahan in si degan loo wajaho laakiin baroortu orgiga ka weyn, waxa la og yahay in cabshooyinku yihiin food saaro lagu soo gabanayo ee ujeedada ka dambaysa ay tahay in qoomiyadaha qaarkood ka shaqaynayaan sidii ay u soo ceshan lahaayeen awoodihii iyo sad-bursiimadii ay ku lahaan jireen talada dalka iyo meeqaamkii kala sarayntii qoomiyadaha Itoobiya, sidaa daraadeed Soomaalida Itoobiya xaqbay u leeyihiin inay ka hortagaan damaca xoogagii dalka ku amar ku-taaglayn jiray, xaqbay u leeyihiin inay difaacan madax-banaanida degaanada, mana aqbali karaan in Itoobiya dib ugu laabato wakhtiyadii qoomiyadi gumaysan jirtay inta kale. Sidee ayey uga aamusi karaan iyaga oo taariikhda markii ugu horaysay dhadhamiyey macaanka xoriyada iyo Dawlad Degaan u gaar ah ama ay arkeen mashaariic waaweyn iyo horumar ka socda Degaanada Soomaalida iyo iyaga oo markii ugu horaysay ka mid noqday muwaadiiniin Itoobiyaan dhab ah oo la siman muwaadiniinta gobolada kale ee dalka? .

Cabdiraxmaan Cadami

abdirahmanadami22@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here