Masaasadda Iyo Xikmadda Ku Jirta Naas-Nuujinta: Barnaamij Arrimaha Caafimaadka Iyo Qalinkii Sheekh Jaabir

0
60

Barnaamijkii Sheekh Jaabir ee Arrimaha Caafimaadka

jaabir

Sheekh Cabdiqadir Carab Warsame (Sheekh Jaabir)  oo ka mid ah culimada hargeysa ayaa had iyo jeer qormooyin qoraal ah kaga hadla Arrimaha Caafimaadka, waxaanu maanta Barnaamikiisa Arrimaha Caafimaadka kaga hadli doonaa  Masaasadda iyo Xikmadda ku jirta Naas-nuujinta Caanaha Hooyada, waxaanu ku bilaabay sidan.

Caanaha naaska hooyadu  waa quudka ugu horeeya ee uu dhadhamiyo marka uu aadamuhu u soo baxo ifka dunida aynu ku noolnahay guudkeeda, waxa Alle (SW)  ugu manno sheegtay inuu ku hannuuniyay ilmaha yari inuu urriyo caanaha naaska hooyadii, hannuunkaasoo  aynu ku arki karno indhaheena, waa haddii aynu doonayno in aynu wax ka ogaano.

Sidoo kale, mucjisooyinka  hannuunkaas waxa ka mid ah, in ilmaha yari leeyahay awood kala soocda caanaha uu ka jaqayo hooyadii iyo caanayowga kale, sida ay  xaqiijiyeen  dhakhaatiirta caafimaadka adduunku, waxa ay sheegeen, in uu ilmaha yari leeyahay awood uu ku kala garto hooyadii iyo hooyooyinka kale, waxaanay taasi ku sababeeyeen,  inuu  yaqaano  garaaca wadnaha khaaska u ah hooyadii,  isla-markaana, ay tahay taasi habka iyo dariiqa kaliyaata ee uu u maro marka uu doonayo in uu caano ka doonto hooyadii.

Waxa hore loo tijaabiyey, ilmo yar oo gaajo la ooyaya in ay laabta ku qaado ruux dumar ah oo irmaani, balse aan ahayn hooyadii dhashay, dabadeedna wuu ku aamusi waayey ruuxii dumarka ahayd, waxa kale oo iyana mucjiso labaad  noqotay, hooyaddii dhashay ilmahaas markii ay taabatay in ay darartay, ka dibna, waxa uu galay xaalad xasiloon, isagoo  joojiyey oohintii iyo qayladii Ilmihii yaraa.

Waxa Alle (SW) uu inoo sheegay, hooyo kasta oo naas-nuujinaysaa in ay tuuri doonto ilmihii jaqayey, mid kasta oo uur sidaana ay dhigi doonto uurkeedii,  dhibaatada jirta awgeed, taasoo ay culimadda qaar ku macneeyaan, kuna soo qaateen, ka gudhinta ilmaha naaska hooyadda,  iyadoo aaanay wax  ka wayni  meesha jirin,  in ay tahay arrin aan ku banaanayn shareecada islaamka,  oo ay ku tahay xad gudub qodob aasaasi ah, isla markaana,  waxa ay kow ka tahay, Xaqqa  ilmaha.

Waxa kale oo la xusaa in haddii ilmuhu uu seego naas-nuujinta hooyada,  ay ka lumiso qayb ka mid ah koritaanka garaadka maskaxda aadamaha, isla-markaana, la kala garanayo ilmaha jaqayey caanaha naaska hooyadii muddo 2-Sannadood ah iyo ilmaha aan jaqin caanaha naaska hooyadii, xataa haddii ay da’diisu tahay Todobaatan jir, taasaana sabab u ah, in uu  farqi weyni u dhaxeeyo  dhinaca miisaanka jidhka iyo maskaxdaba.

Waxa maanta la ogsoon yahay in caanaha naaska hooyaddu ay yihiin daawada xanuunadda iyo dawada ka hortaga cuduradda ku dhici lahaa ilmaha iyo hooyada, oo aanay jirin wax la barbar dhigi karaa, oo lagu doorsan karo caanaha naaska hooyada , gaar-ahaan,  Lixda billood ee ugu horeeya  naas-nuujinta  ilmaha yar.

Wakhtigaas  waxa kale oo la ogaadey in caruurta yar yari aanay lahayn calool  wax qaadi karta ama ay gali karaan , xataa haddii ay noqoto biyo cad,  sabatoo ah, lakabka ugu horeeya caanaha naaska hooyada ayaa ah biyo, uu Alle (SW)  uu ugu tallo-galay ilmaha yar, kaasoo dhisa  gidaarka caloosha,  si uu ugu adkaysto  karo billowga ugu horeeya ee burburibta cuntada  illaa inta uu nool yahay.

Sida hadda shaybaadhada aduunku ay xaqiijiyeen, macdanta  manganese ee ku jirta wax-yaabaha kale ee caruurta la siiyo ay ka sareeyso 80-jeer caanaha naaska hooyada, taasoo ay ku qiyaaseen in  halkii litter ee caanaha naaska hooyada ay ku jiraan 0.004-0.006/ mg oo ah manganese, halka, halkii litter caanaha lo’dana ay ku qiyaaseen in ay ku jiraan 0.030-0.050/mg oo ah manganese iyo in  halkii litter cuntooyinka caruurtana  ay ku jiraan 0.2-0.3 mg oo ah manganese,  taasoo ku keenta caruurta yar yar  feejignaan la’aanta iyo cudurada keena qal-qaalinimada, ee loo yaqaano  attention deficient/hyperactivity disorder (ADHD).

Marka uu dhasho Illmaha yari haddii uu waayo naas-nuujinta caanaha hooyaddii, waxa uu la kulmaa dhibaatooyin badan oo dhinaca caafimaadka ah, sida, shuban, matag iyo cuduro badan oo aynaan halkan ku soo koobi kareyn, waxaana taasi sabab u ah, oo ka maqan culaygii caloosha, haddaba, akhriste waxa ay isweydiin tahay, Culaygu muxuu u taraa haanta caanaha lagu shubo?  taas macnahaadu, waxa weeyaan adkaysiga iyo cimri dheerida .

Waxa iyana sidoo kale jirta in ay is khilaafaan haddii ilmaha yar mar-lawada siiyo caanaha naaska hooyada iyo wax-yaabaha kale ee la isticmaalo,  waxaanu isla-markiiba uu bilaabaa in uu qaadan waayo caanihii naaska hooyada, waxaana ku dhaca Dibiro, calool xanuun iyo in ay bakteeriyo (Bacteria) hor lihi ay ku abuuranto calooshiisa, una adkeysan kari waayo wakhtigaas.

Wakhtigaasi, haddana waxa kale oo suura gal ah in ay hooyadu ka sanbooriso illmaha yar, waxaanay taasi khatar labaad ku tahay caafimaadka ilmaha yar, oo ay ku abuurtaa khalkhal maskaxeed, sas iyo hurdo la’aan, waxaanu ku barbaaraa baqasho, taasoo ka lumisa koriinkiisa firfircoonida,  waxa ay somaliduna tidhaahdaa,  shimbirtii baa ka duushay, haddii ay jirto iyo haddii kaleba,  markii aan anniguna baadhay waxaan ogaaday in ay tahay barako iyo shay uu lahaa ilmuhu oo ay wax iska badaleen.

Marka aynu ka nimaadno khasaaraha ku yimaada illmaha aan la siin naas-nuujin caanaha hooyadda, waxa iyana barbar socota oo aynu halkan ku iftiimin doonaa, faa’iidada caanaha naaska u leeyihiin hooyada.

  1. Caanaha naaska hooyadu waxa ay illaaliyaan dhaqaalaha qoyska, waana lacag la’aan.
  2. Caanaha naaska hooyadu waxa ku jira nadiifiyayaasha loo yaqaano dheelitirka (sIgA) ee difaaca jidhka, kuwaasoo ah,  farshaxanka illinka difaaca ugu horeeya ee la dagaalama caabuqii iyo cuduradii uu ka qaadi lahaa  dareeraha xuub-axaleedka makaankii uu ku abuurnaa ee u gudbay xuubabka ugu sareeya ee indhaha, sanka, hunguriga, sanbabada iyo mindhicirka yare, marka uu soo dhasho ilmaha yari,
  3. Naas-nuujintu waxa ay door-weyn ka qaadataa caafimaad qabka hooyada, waxa aanay ka hortagtaa cuduro badan oo ku dhici lahaa hooyada, taasina waxa ay ku xidhan tahay sida joogtada ah, kuna haboon ee ay hooyo kastaaba u nuujiso illmaheeda caanaha naaska.
  4. Naas-nuujintu waxa ay faa’iido weyn u tahay hooyada, sababtoo ah, wakhtigaasi, makaanka hooyada kuma abuurmi karo ilmo cusubi.

  1. Naas-nuujinta habbooni waxa ay qayb laxaad leh caafimaadka guud ee hooyada iyo illmaha, waxa kale oo ay doormuhiim ah ka ciyaartaa, dhinca, raxmadda, jacaylka iyo kalsoonida dhex- marta hooyada iyo ilmaheeda.

  1. Sirta ku jirta caafimaad ay ku naaloonayaan caruurta ka dhalatay qoysaska saboolka ah ay had iyo jeer kala duwan yihiin, caruuraha kale ee kasoo jeeda qoysaska ladan ee dhaqaalaha haysta, marka ay iskugu yimaadaan goobaha adeegyadda caafimaadka,  farraqa u dhexeeyaana waxa uu yahay, ka kaaftoomida, ka sagsaaga iyo hore uga gudhinta  naas-nuujinta caanaha hooyada.

  1. Hooyadu waxa ay kala kulantaa caanaha ku gaagaxa dhibaatooyin badan iyo halis caafimaad darro oo ku timaada nolosheeda, waxaana ka mid cuduradaasi, sida, Kansalka ku dhaca naasaha, ( Breast cancer), basle, waxa kaliyaata oo ay ku xidhan tahay bad-baada  cudurkaasi, hadba sida ay hooyo waliba ay uga jaqsiin badan tahay naas-nuujinta hooyooyinka kale.

.

Waxa ay maanta ogaadeen, xikmada ku jirta kulanka habeenka ugu horeeya ee afartan baxa umusha iyo saygeedu, ay muhiim u tahay hooyada, waayo, waxa ay ka illaalisaa makaanka furan inuu qaado ilmo kale, taasoo diinteena suubanina ay inoo sheegtay qarniyo  hore.

Waxa aad arkaysaa hooyo xaamilo ah, oo haddana, wali jaqsiinaysa illmihii hore ee ay dhashay, iyadoo aan u lahayn cilmi badan, ka dibna, waxa ay ku soo baraarugaan marka ay ku timaado aafo ama dhibaato hor lihi, haddaba, waxa xusid mudan, in arrintani ay  keeni karto in ilmaha caloosha hooyada ku jiraa uu soo dhaco, isla-markaana, ilmaha naaska jaqayaana uu la soo darsaan cudurada ay ka midka yihiin, sida,  Suuxdin iyo xanuunada ku dhaca dhamaan saablayda iyo qanjidhada waaweyn ee muhiimka ah.

Mararka qaarkoodna waxa ay hooyadu dhashaa ilmo aan dhameys ahayn, waxa sidoo kalena, hooyada ku adkaata foosha wakhtiga ay foolanayso, ka dibna, waxa dhacda in ilmihii yaraa uu  siriro.

Guntii iyo iyo gabagabadii waxaan qormadaydan ku soo gunaanadi lahaa maadaama ay  sheegeen hayadda caafimaadka aduunku, in qiyaas dhan kumaan kun oo caruuri ay u dhintaan sannadkiiba cudurada ay sababaan masaasada caanaha lagu siiyo caruurta ku nool Aduunka, ay  haboon tahay in la sameeyo  Maalinta Masaasad tuurka Adduunka

Waxa sidoo kale, haboon in ay Wasaaradda Caafimaadku dar-dar galiso goobaha xanaanadda Hooyadda iyo dhalaanka  ee loo yaqaano Maternity Child Health (MCH),  lana xoojiyo iyadoo  kor  loo qaadaayo ku baraarujinta faa’iidada caafimaadka hooyada iyo ilmaheeda ay u leedahay naas-nuujintu, sababtoo ah, maadaama  hooyooyinka wakhtigan ay yihiin  63% kuwo ay  da’doodu  ka yar tahay 30-jir ama 30-Sanno.

iyo in sare loo qaado wax-barashada haweenka da’da yar, da’da dhexe iyo da’da  weynba, loona sameeyo goobo wax lagu barro khaasatan hablaha u diyaar garoobaya in ay qoys yag-leelaan mustaqbalka dhaw ee ku soo fooda leh, lana sii barro habka maamulka iyo maareynta haboon ee qoyska, maadaama uu soo wajahayo  xil-weyni , waxaanu ka rajaynaynaa dumarku ay furan doonaan goobaha wax- barashada qoyska.

 

W/Q:- Sheekh Cabdiqadir Carab Warsame (Sheekh Jaabir)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here