Madaxweyne Siilanayo Oo Qurbejooga JSL Faraqa Ugu Guntay Garnaqsi La Xidhiidha Fursadda Uu Jileyaasha KULMIYE U Banneeyey

0
17

Akhri; Nuxurka Khudbad Shan Bog Ka Kooban Oo Uu Madaxweynuhu Habeen Hore Kula Garnaqsaday Qurbejooga JSL/UK, Gurgurshaa Siyaasadeedna Ku Tilmaamay Tanaasulkiisa Hoggaamiyennimo

“Maaha Markii U Horreysay Ee Aan Ka Tanaasulo Xil Aan Rakaaddiisa Hayo Ee Fagaare Il Yartu Is Qabatay Ayaan Shirweynihii Balligubadle EeSNM Kaga TanaasulayJagadii Aan Hayey,Maantana Waxaan Doorbiday Inaan Fursad Siiyo Foollaadka Hoggaanka Dalka U Feydan”

++++++++

“Haddii Ay Ragga Qaar Samirka U Haystaan Nugayl Iyo Nacasnimo [Anigu] Waxaan U Aqaan Sahayda Siyaasiga Suuban…..Talo wadaagga, tudhaalaha, tanaasulka iyo taariikh jacaylkana, waxaan u aqaan tilmaamaha, iyo tabaha lagu toydo hoggaamiyaha toosan”

qo

London (Hubaal) – Madaxwaynaha Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo, Ayaa habeen hore Khudbad u jeediyay jaaliyada Somaliland ee ku nool dalka Ingiriiska, kuwaas ooxaflad aad u ballaadhan kuqaabilay weftiga madaxweynaha. Halkan ka Akhriso Khudbada Madaxwayne Siilaanyo oo Dhameystiran oo u dhignayd sidan:

“Mudanayaal iyo Marwooyin, Sharaf weyn bay ii tahay in aan ka soo qayb galo, munaasabaddan ballaadhan, ee ay isugu yimaadeen magaynadii iyo mudankii Jaaliyadda Somaliland ee ku dhaqan carrigan Inigiriiska. Mar labaadka, waxaan jecelahay in aan halkan ugu mahad-celiyo, haldoorkii, hawsha weyn ka galay qaban qaabada kulankan qiimaha badan. Sidoo kale, waxaan si weyn ugu mahad celinayaa marti sharafta kale ee sida diiran, ee hilawga iyo kalgacalka leh, ee noogu soo dhaweeyey madashan iyo guud ahaanba gayiga Ingiriiska. Waxaa hubaal ah qurba-joogta Jamhuuriyadda Somaliland ee aad ka midka tihiin, ee ku kala firidhsan qaaradaha adduunka, in ay ku leeyihiin kaalin mug leh, taabba-gelinta qarannimada iyo kobaca dhaqaalaha dalka. Anigoo fursaddan ka faa’iidaysanaya, waxaan jecelahay in aan halkan hambalyo hawada ugu mariyo dhammaan qurba joogga Somaliland, dedaalkii iyo doorkii ay kaga soo qayb qaateen adkaynta nabadgelyada, iyo dib u dhiska dalka. Si gaara, waxaan ku bogaadinaya jaaliyadda ku nool UK, juhdigii ay ku bixiyeen in Goleyaasha Deegaanka ee magaalooyinka Sheffield, Tower Hamlets iyo Cardiff, si buuxda u aqoonsadaan madax-bannaanida iyo gooni isu taagga Jamhuuriyadda Somaliland. Waxaan ku guubaabinaya jaaliyadaha Somaliland ee ku nool dalalka dibedda in ay guntiga dhiisha iskaga dhigaan, isla markaana joogteeyaan dedaaladda ictiraaf doonka. Dhinaca kale, waxaan marnaba aanan illaawi Karin, oo mudan in aan halkan uga mahad celiyo, taageerayaashii faraha badnaa ee isugu jiray qurba joog iyo qolqol joog, kuwaas oo muddo dheer habeen iyo maalin ila hareer joogay hiil iyo hoo, isla markaana igala soo qayb qaatay si hagar la’aan ah, halgankii dib u xureynta dalka, halgankii dib u dhiska dalka, iyo halgankii isbeddel doonka siyaasadeed ee aan siddeeda sanno u xusul duubnaa.Waxaan u ducaynaya intii dhimatay, waxaanan EEBE uga baryayaa dambi dhaaf iyo in uu naxariistii janno ka waraabiyo. Taageerayaashaa codkooda iyo cududdooda ii hiibeeyey, waxaa sed ugu filan, mar haddii ay rumowday riyadii iyo rajadii laga lahaa, halgankii isbeddel-doonkii aanu ku rafiiqnay. Mar kale, waxaa samarsiis u ah in aanay maanta is hiifayn, cid kalena aanay hiifayn. Waxaan leeyahay halyeyadaa madaalayaasha ah: EEBE galaddii, himilooyinkii Xisbiga Kulmiye ee aynu hagbadda ku gallay, way hir galeen, caadna ma saarnaa caawa in ceelalyadiisii lagu cabbay.Sidaa darteed, qarankeennu wuu guulaystay, dhammaanteenna waynu guulaysannay.

Mudanayaal iyo Marwooyin,

Kontonkii sannadood ee ina soo dhaafay, waxaan haaneedka iyo hareerta hayey, hawl qaran oo ay ummaddaydu leedahay. Soomaalidu waxay ku maah-maahda: “Ragganimadu waa inta reerkaaga ka soo hadhay”. Muddadaa dheer, waxaan u soo dul qaatay duruufo adag oo kala duduwan, si aan dalkayga u gaadhsiiyo cisi iyo sharaf. Xaasha!, baadi doon uguma jirin xil iyo xoolo, balse hamigaygu wuxuu ahaa mid xikmaddiisu intaa ka gun-dheertahay. Duhur cad ayaan ka dabeyshaday dawladdii Maxamed Siyaad Barre, ee aan kamid ahaa Wasiirrada ugu awoodda badan, ka dib markii aan ka damqaday dulmigii dadkayga loo geysanayey. Waxaan ka door biday darajadii aan haystay, ee qayrkay dugsanayey in aan duurka ka xulo, oo la dagaalamo nidaamkii ku dhisnaa tacaddiga iyo kali-talisnimada.

Waxaan dadkayga ugu adeegay muddadaa nus qarniga ahayd, meel aan joogo iyo mansab aan hayeyba, si daacadnimo leh. Cimrigay habeen, cindigayga ma gelin in aan ka horumariyo dantayda gaarka ah, danta guud ee qaranka. Hore ayaa loo yidhi: “Cimri tagay, ceeb laguma sagootiyo”. Haddaba, maanta oo aan ahay Madaxweyne muddo xileedkiisii wakhti yari ka hadhay, dhito iyo dhaxal xun midnaba la iga fili maayo. Sidaa darteed, waxaan door biday inaan xukunka uga dago si cisi iyo sharaf leh. Waxaan door biday in aan ka tanaasulo, inaan mar labaad u tartamo mansabka Madaxweyninimo, taas oo aan aaminsanahay in aan si sahaala ah ku heli lahaa. Waxaan door biday in aan fursad siiyo foolaadka, iyo filka kale ee hoggaanka dalka u faydan. Ma’aha markii ugu horreysay ee xil aan hayo rakaaddiisa, aan ka tago ama aan ka tanaasulo. Fagaare il yartu is qabatay Shirweynihii Balligubadle ee Ururka SNM, waxaan ka tanaasulay musharaxnimadii jagadii aan hayey ee Guddoomiyenimada, taas oo aan durduro ku heli lahaa. Talo wadaagga, tudhaalaha, tanaasulka iyo taariikh jacaylka, waxaan u aqaan tilmaamaha, iyo tabaha lagu toydo hoggaamiyaha toosan. Haddii ragga qaar nugayl iyo nacasnimo u haysto, samirka iyo dul qaadka waxaan u aqaan sahayda siyaasiga suuban. Waxaan kula talinaya ragga damacu hayo, ee u dooyeystay madaxnimo doonka, inay iska ilaaliyaan simbiririxooyinka siyaasaddu leedahay. Waxaan kula talinayaa inay ka horumariyaan wax kasta, danta guud ee dalka iyo dadka. Waxaan leeyahay waar ragoow, waa la doogiyee, yaan la dacaroon. Waxaan leeyahay, waar ragoow, lafaha gura, xarragadana ha ka tagina. Dulucda murtidani waxay daarrantahay, tartanka dan baa ku jirta, ee waa in la tartamaa. Hasa-yeeshee, waxa waajib ah in la dhawro asalka iyo anshaxa tartanka. Mar labaad, waxaa looga baahanyahay murashaxiinta iyo madaxda xisbiyada qaranka,in ay muujiyaan bisayl siyaasadeed, oo ka bed-qaba qoqob, qabyaalad iyo kala qaybin bulsho.

Mudanayaal iyo Marwooyin,

Muddadii lixda sanno ahayd ee aan qarankan hoggaaminayey, waxaa siyaasadda xukuumaddayda udub dhexaad, iyo bar tilmaameed u ahaa arrimahan hoos ku xusan:

1.Bixinta deymankii cuslaa, ee aan kala wareegnay Xukuumaddii hore, kuwaas oo gaadhayay lacag u dhiganta $22 Milyan oo Dollar.

2.Adkaynta midnimada iyo wada jirka ummadda.

3.Adkaynta nabadgelyada iyo amniga Qaranka.

4.Dhismaha Ciidammda Qaranka.

5.Dardargelinta siyaasadda dibadda, xoojinta xidhiidhka wada shaqaynta dalalka aynu saaxiibka nahay, iyo waddamada deriska.

6.Dhiirigelinta wax soo saarka, xoolaha nool, ganacsiga iyo ilaalinta deegaanka.

7.Kordhinta dakhliga dawladda iyo koboca dhaqaalaha dalka.

8.La dagaalanka musuq maasuqa iyo maamul xumida.

9.Kor u qaaddida adeegyada bulshada iyo kaabayaasha dhaqaale (Waddooyinka, madaarrada, dekedaha, waxbarashada, caafimaadka, biyaha iyo iwm).

10.Dhiirigelinta maalgashiga shisheeye, si loo abuuro shaqooyin iyo dano ganacsi oosabab u noqon kara saxiibo siyaasadeed.

11.Abuurista Sanduuqa Horumarinta Somaliland (Somaliland Development Trust Fund).

12.Diyaarinta Qorshe Qaran (National Plan), kaas oo koobaya baahiyaha horumarka gobollada dalka, si loogu qaybiyo mashaariicda iyo maalgalinta qaab xaq soor leh.

13.Ilaalinta xuquuqda iyo xorriyaadka muwaadiniinta.

14.Ilaalinta shuruucda iyo dastuurka dalka.

15.Dib u habaynta iyo daryeelka cadaaladda, si waafaqsan madax bannanida garsoorka.

16.Tayeynta iyo daryeelka ciidammada iyo shaqaalaha dawaladda.

17.Ka midho-dhalinta wada hadallo dhex mara Somaliland iyo Somalia.

18.Nabadaynta iyo maamul ku fidinta Gobollada Bari ee dalka.

19.Joojinta lacagihii giinbaarka ahaa iyo isticmaalka Shilinka Somaliland Dalka oo dhan.

Mudanayaal iyo Marwooyin,

Waxaa hubaal ah, in Xukuumadda aan gadhwadeenka ka ahay, ay xaqiijisay guulo waaweyn oo la taaban karo, kuwaas oo dalka u horseeday horumar ballaadhan iyo isbeddel laxaad leh. Waxaa hubaal ah, in aannu meel marinay in badan oo ka mid ah, qodobada aan soo sheeganay, kuwaas oo ahaa yoolkii aynu hiigsanayney ummad ahaan. Guud ahaan, waxqabadkii Xukuumadda Xisbiga Kulmiye muddadii ay xilka haysay, waxaa si faah-faahsan uga warramay xubnihii masuuliyiintii hadalka iiga horreeyey. Hasa-yeeshee, waxaan jecelahay in aan jaantus, iyo sawir kooban idinka siiyo faraqa isbeddelka u dhexeeya lixidii sanno, meelaha halbawlaha u ah nolosha muwaadiniinta.

Korodhka Miisaaniyadda Dawladda Dhexe

Waxaannu khasnadda Dawlada ku soo ururinay dakhliyadii lumi jiray, waxaanuna la dagaalannay musuq-maasuqii iyo maamul xumidii. Taasi, waxay suurtogalisay in uu si xawli leh,uu u kordho dakhligii dalku waqti yar. Sannadkii 2010, waxaan la wareegnay miisaaniyad dhan 310 Bilyan oo Somaliland Shillings ah, taas oo u dhiganta 51 Milyan oo Dollar.Miisaaniyaddii aanu la wareegnay waxay ka yar tahay %10, lacagta maanta ku baxda Ciidammada Qaranka oo kali ah oo dhan 365 Bilyan oo Somaliland Shillings ah, oo u dhiganta $61 Milyan oo Dollar. Miisaaniyadda 2016-kuwaxay dhan tahay Hal Tiriliyan Laba Boqol iyo Siddeed iyo Toban Bilyan oo Somaliland Shillings, taas oo u dhiganta 203 Milyan oo Dollar. Marka la isbarbardhigo waxay korodhay %292.

Horumarinta Waxbarashada

Waxaannu xoogsaarnay tayaynta iyo kor u qaadista waxbarashada dalka. Waxaannu lacag la’aan ka dhignay waxbarashdii Dugsiyada Dawladda Hoose/Dhexe, si ardayda dan yarta ahi wax u baran karaan. 2010-kii Dugsiyada Hoose/Dhexe ee Dalka waxay ahaayeen 762 dugsi, waxaannu ku kordhinay muddadii lixda sanno 402 dugsi. Halka ay 49-kii sanno ee hore tirada dugsiyadu ahaayeen tirada kor ku xusan. Tirada maanta waa 1,164 dugsi, waxaana kordhay %53. Sidoo kale, tirada Dugsiyada Sare waxay ahaayeen 86 dugsi sare oo la dhisay 1960-kii – 2010-kii, halka aanu maanta gaadhsiinnay tiradooda 120 dugsi sare, taas oo faraqa korodhku noqonayo %40. Dhinaca kale, tirada macalimiinta iyo shaqaalaha waxbarashada aannu la wareegnay 2010-kii, waxay ahaayeen 2,707 qof, kuwaas oo la shaqaalaysiiyey 16-kii sanno ee u dambeeyey. Muddadii 75-kii bilood ee la soo dhaafay, waxaannu ku kordhinay 3,668 macallin. Tirada shaqaalaha macallimiinta ee sannadkan 2016 waa 6,375. Waxaannu kordhinay muddadaa %136. Dhinaca kale, waxaannu si weyn u kordhinay miisaaniyadda waxbarashada, muhiimadda ay leedahay darteed, taas oo aannu gaadhsiinay sannadka 2016-ka, Siddeetan iyo Toddoba Bilyan iyo Toddoba Boqol oo Milyan oo Somaliland Shillings ah, taas oo u dhiganta Afar iyo Toban Milyan Lix Boqol iyo Siddeed iyo Toban Kun oo Dollar. Halka aannu kula wareegnay Miisaaniyaddii 2010 ee waxbarashada,Afar iyo Toban Bilyan Lix Boqol iyo Siddeed iyo Soddon Milyan oo Somaliland Shillings ah. Taas oo u dhiganta Laba Milyan Afar Boqol iyo Siddeed iyo Soddon Kun oo Dollar. Faraqa korodhka miisaaniyaddu waa %499.

Biyaha

Biyuhu waa aasaaska nolosha. Sidaa darteed, waxaannu qorshe weyn u samaynay qadhaanna u raadinnay: In ceelal biyood oo badan laga qodo, deegaannada oomanaha ah, taas oo aannu idam EEBE wax badan kaga guulaysannay. Waxaannu la wareegnay 60 ceel oo dhaadheer oo dalka ka jiray, kuwaas oo la qoday 1960-kii illaa 2010-kii. Muddadii Lixda sanno ahayd, waxaannu ku guulaysannay qodista 112 ceel oo dhaadheer. Marka aan is-barbardhigno korodhku wuxuu noqonaya %87. Dhinaca kale, Xukuumadihii Somaliya iyo Xukumadihii Somaliland ee kala dambeeyey, waxay magaalooyinka iyo tuulooyinka ka hirgeliyeen biyo gelin dhan 37. Halka aannu muddadaa ka hirgelinay 81 biyo gelinood iyo 12 balli. Faraqa korodhku waa %151.

Mashruuca Biyo Ballaadhinta Caasimadda

Caasmiadda Dalka oo ay ku nool yihiin, dad aad u tiro badan oo lagu qiyaaso, hal milyan iyo laba boqol oo ku oo qof,waxaa ka jirta biyo yari xoog leh. Xukuumadda Xisbiga Kulmiye, iyadoo ka duulaysa baahidaa weyn, waxaa si culus loogu hawlgalay, in magaalo madaxda dalka loo helo biyo ku filan oo haqab tiri kara. Maanta Caasimadda waxa soo gaadha 9 Kun oo meter cubic 24-kii sacaadoodba,waxaana loogu talo-galay inay waraabiyaan 180 kun oo qof, qorshahaa waxa la sameeyey 35 sanno ka hor. Mashruuca Koobaad oo ah Biyo soo-saar: waddamada EU-du waxay inoogu deeqeen 15 milyan oo Euro, sanduuqa SDF-ta waxa laga bixiyey 10.5 Milyan oo Dollar. Waxa loo qorsheeyey mashruucan inuu soo saaro 33 Kun oo Meter Cubic oo biyo ah. Waxa loogu-talo galay inay waraabiyaan hal milyan iyo laba boqol oo kun oo qof. Mashruucan oo ku dhaw gebogebo horaanta sannadka 2017-ka, waxa magaalada soo gaadhi doona 20 Kun oo meter cubic, haddii EEBE Idmo. Mashruuca Labaad oo ah Biyo qaybin: Baanka Horumarinta u qaabilsan Dalka Jarmalku waxa uu inoogu deeqay 23.5 Milyan oo Euro. Biyahaasi waxay si gaar ah ugu jihaysan yihiin Degmooyinka Axmed Dhagax, Maxamuud Haybe, Gacan-libaax, June iyo Kood-buur. Shirkadda Coca-cola waxay ku deeqday 5 Milyan oo Dollar, taas oo loogu talo-galay in biyaha lagu gaadhsiiyo meelaha kharashka mashruucaasi gaadhi waayo. Baanka Aduunku waxa uu ku deeqay 6 Milyan oo Dollar oo loogu talo galay biyo qabatin cusub. Kharashka Mashruuca biyo ballaadhinta Caasimaddu, wuxuu ku kacaya kharash dhanAfar iyo Lixdan Milyan, Lix Boqol iyo Toddoba iyo Lixdan Kun iyo Afar Boqol oo Dollar. Anigoo ku hadlaya, magacayga, iyo ka qaranka Somaliland intaba, waxaan jecelahay in aan u mahad celiyo cid kasta oo taageero iyo gacan ina siisay.

Waddooyinka

Kaabayaasha dhaqaale ee ay ka midka yihiin Waddooyinka, madaaradda, dekedaha iwm, waa tiirarka udub dhaxaadka u ah horumarka waddan. Xukuumaddani waxay xoogsaartay in maalgelin caalami ah loo helo marsada caalamiga ah ee Dekedda Berbera. Waxaannu dhawaan heshiis maalgashi la gallay Shirkadda DP World, taas oo haddalagu gudo jiro fulinta heshiiska qarankan uga fadhiya faa’iidada weyn. Sidoo kale, waxaannu dhisnay labada madaar ee caalamiga ah ee Hargeysa iyo Berbera. Garoonka Caasimadda ee Cigaal wuxunoqday mid caalamiya oo qaybiya duulimaadyada Gobolka Geeska Africa. Dhinaca kale, waxaannu ku dhiirrannay dhismaha waddada Ceerigaabo oo dhererkeedu dhan yahay 284 Kilometer. Rag waaweyn oo siyaasiyiin ah ayaa markii aan dhagax dhigayey, u arkayey ama ku tilmaamay tallaabadaa riyo, iyo dhalanteed dadka lagu indho sarcaadinayo. Maanta waxaa dhammaystiran, oo daamurkii la dhigay 90 Kilometer, waxaa kale oo caro-kaawe la dhigay 150 Kilometer, waxaa keli ah oo aan waxba laga qaban 44 Kilometer. Waxaan leeyahay wixii rag u kaco, Rabina aqbalo, way rumoobaan. Marka la tago magaalada Burco illaa Ceerigaabo waxa loo socon jiray 12 saacadood. Nasiib wanaag, maanta waxaa loo socdaa 5 saacadood oo qudha, EEBOW waa mahadaa. Muddadii u dhexeysay 2010 – 2016, waxaannu magaalooyinka dhexdooda ka fulinay 137 Kilometer oo laami ah. Sidoo kale, waddooyinka laamiga ah ee isku xidha magaalooyinka ee aannu fulinay waxay dhan yihiin 261 Kilometer oo aanay ku jirin 90 Kilometer ee Waddada Ceerigaabo. Waddooyinkaa waxaa ugu muhiimsan, waddada u dhaxaysa Berbera iyo Hargeysa, taas oo uu dhakhso u dhammaan doono lakabkii labaad ee laamiga ahaa, ee la saarayey jidkii hore. Waddooyinkaa waxakale oo ka midah waddada isku xidha Kalabaydh iyo Borame. Mashaariicdani waxay ka mid noqon doonaan waxqabadka lagu xasuusan doono, Xukuumadda Xisbiga Kulmiye ee aan madaxda ka ahay. Waxaan ahay aasaasihii iyo odaygii guud ee Xisbiga Kulmiye. Waxaan jecelahay in Xisbigaygu ku guuleysto, tartanka doorashada iyo talada dalka mar labaad, si uu halkaa uga sii amba-qaado wax-qabadka iyo horumarka aan seeska u dhigay. Sidaa darteed, waxaan dhammaan taageerayaasha Xisbiga Kulmiye,ugu baaqaya in ay si buuxda isu garab taagaan,murashaxa jagada Madaxweynaha Xisbiga Kulmiye Mudane, Muuse Biixi Cabdi.Waxaan u arkaa in uu yahay, hoggaamiyihii ku munaasibka ahaa in uu sii wado, hammigaygii siyaasadeed iyo himilooyinkii Xisbiga Kulmiye. Dhinaca kale, waxaan ahay ruug caddaa ay u kala soocan tahay,xilka guud ee aan Qaranka u hayo, iyo taageerada aan Xisbigayga siinayo. Sidaa darteed, waxaan u caddaynaya murashaxiinta kale, in aan haybadda iyo hantida uu Qaranku wada leeyahay, marna loo adeegsan doonin ololaha doorashooyinka Xisbiga Kulmiye.Mar labaad, waxaan u caddaynaya in dalka ay ka dhici doonto doorasho xor iyo xalaal ah, taas oo cid waliba ay calafkeeda qaadi doonto, si cadaalad leh.

Somaliland iyo Somalia

Dawladda Somaliland waxay soo dhawaynaysaa, dedaalka ay ugu jirto beesha caalamku, sidii nabad loogu soo dabbaali lahaa Dalka Somalia, isla markaana loogu dhisi lahaa Dawlad adag oo hanata xilka iyo masuuliyadda saaran. Waxaanu dunida u caddaynaynaa, in Somaliland tahay dal madax bannaan, oo aan ka mid ahayn maamul goboleedyada ku midoobay Nidaamka Federaalka Dawladda Somalia, ee looga taliyo magaalada Muqdisho. Waxaanu u caddaynaynaa Beesha Caalamka, in aanay metelin Jamhuuriyadda Somaliland,shaqsiyaad Muqdisho laga cugtay, oo magacayaga loo adeegsado. Tallaabadani waa mid caqabad ku keeni karta, ambaqaadka wada hadallada labada dal. Sidoo kale, waa mid u horseedi karta mandaqadda Geeska Africa colaad iyo xasillooni darro. Waxaan ugu baaqayaa bulshada caalamka, inay garwaaqsadaan, isla markaana ixtiraamaanrabitaanka Shacbiga Somaliland,iyo xaqa sharci ee ay u leeyihiin inay noqdaan qaran madax-bannaan. Waxaan si weyn uga digayaa, cawaaqib xumada ka dhalan karta, in la duudsiyo xaqa aaya ka tashiga dadkayga iyo dalkayga. Qarannimada iyo Madax-bannaanida Somaliland waxay dan u tahay nabad-galyada, deganaanshaha, geedi-socodka dimuqraadiyada, ganacsiga iyo horumarka Geeska Africa iyo ka caalamka intaba.

Arrimaha Doorashada

Somaliland waxay ku soo caano maashay, nabadgelyo iyo hoggaan ku yimaadda nidaam doorasho xor ah. Caado la gooyey, cadho Alle ayey leedahay, sidaa darteed, waxaa iga go’an in doorashada Madaxtooyadu ku dhacdo xiligeedii. Hirgalinta doorashadu, waa masuuliyad qaran oo aan oday u ahay, balse xilkeeda ay wadaagaan dhinacyo kala duwan. Waxaan cadaynayaa in ay Xukuumaddu ka guddan doonto xilka, iyo waajibaadka kala gudboon qabsoomidda doorashada. Waxaan ugu baaqaya dhammaan Guddida Doorashooyinka iyo Xisbiyada Qaranka, in ay u wada shaqeeyaan si isku duubni leh, masuuliiyadda dhinacoodana uga soo baxaan sidii loogu talo galey. Ugu dambayn, waxaan Shacbi-weynaha Somaliland ugu baaqayaa gudo iyo dibed meel kasta oo ay joogaan: In ay meel uga soo wada jeedaan ilaalinta qarannimadooda iyo qadiyaddooda. In ay rabitaankooda ku muujiyaan cod dheer iyo cudud midaysan. In ay adkeeyaan midnimada iyo wada jirka dhexdooda, isla markaana la isugu dul-qaato kala duwanaanshaha aragtiyaha siyaasadeed ee jira. Wa Billaahi Tawfiiq…” ayaa uu Madaxweyne Siilaanyo ku soo gebogabeeyey khudbada uu habeen hore u jeediyey jaalliyada reer Somaliland ee dalka Ingiriiska, halkaas oo ay isaga iyo wefti uu horkacayaa muddooyinkanba ku sugnaayeen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here