KULMIYE Wuu Kaalin Galay!?   W/Q: Liibaan Ismaaciil

0
9

 

Waxaan ogsoonahay  Kulmiye ahaan  in aanu  hormood u nahay geediga hana qaadka xisbiyadu in ay hore u socod sameeyaan, marageedu taas na wuxuu yahay in dib boodhka looga jafay xisbiyadii oo  dabarka laga furay in ururo la furto ka dibna xisbinimo loo soo gudbo.

Midha dhalkii arrintaas ayaaanu Waddani ka dhashay.

 Kulmiye Wuxuu hore u qaaday tub ay xisbinimadu waari karto oo ah in xukuumadda iyo xisbigu mid kaliya noqon si xisbimadu cagaheeda ugu taagnaan karto.

Kulmiye haddana wuxuu hormood u noqday in madaxweyne hal mar uun uu isa sharixi karo oo uu wareegiisa labaad iska dayn karo  isla jeerkaas na xisbigiisa dhisi karo si sooyaalkiisu u waaro.

Intaas Kulmiye kuma eekaan ee haddana wuxuu furay diiwaan cusub oo ah in xisbi xaakim doorasho isu diyaariyo mucaarid hortii oo uu dhamaystiro musharaxiisa iyo shirarkiisaba.

14183811_10207379888111422_8240153119939854204_nKulmiye muddo sanad iyo dheeraad ah wuxuu masraxa ama garoonka ku sugayay xisbiyada mucaaridka ah, in maanta waddani  hanaankii urur siyaasaddeedka in uu ku baxo isu diyaariyo waa mid loo baahan yahay  Si aanu u helno cid aanu la tartarno.

Inta  badan dhaliisha ugu badan ee waddani iyo Ucid dul taalay waxay ahayd diyaar garoow la’aan iyo in qaab dhismeedkoodu yahay habkii ay  ururada kaga soo gudbeen taasina  waxa ay xagal  daacisay awoodii mucaaridnimo iyo hanaankii siyaasaddeed ee dalka.

 Haddaba  in ay maanta sawirkaasi Waddani ka dhaqaaqo waa sababtii dhaliisha iyo canaanta ba loogu jeedinayay, si haddaba doorashada loogu tartamo waxa iyadana la dhawrayaa waa in Ucid  khilaafkeeda ka soo gudbo si geedigu inoogu dhaaqaaqo.

Isku soo wada xooriyoo jidka iyo isbadalada uu xisbigaasi qaaday Kulmiye waxay uga dhigan tahay uun odhaahdii soomaaliyeed ee ahayd “waxaad taqaano ma ku baraa”.

Qalinkii: Liibaan Ismaaciil Buraale.

Email:Liibaanhanad79@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here