Xogo Qarsoon Oo Iftiimiyey Sababta Uu Guddoomiye Cirro U Cugtay Siyaasiyiin Soomaaliweyn Aaminsan

0
6

maxamed iid dhimbiil

“Innagu Nimankaas WADDANI Ku Biiray Federal Baynu Ku Ogayn, Waxaanan Ogaaday In Cirro Iyo Nimankaasi Ay…” Mr. Maxamed Iid Dhimbiil

Hargeysa:(Hubaal)-Siyaasi Maxamed Iid Dhimbiil oo katirsan saraakiisha saree e xisbiga KULMIYE, ayaa shacabka u faahfaahiyey asbaabta keentay inuu guddoomiye Cirro xisbigiisa kusoo daro xubno mabda’a Soomaaliweynta muddo badan huwanaan jirey oo uu hoggaaminayo Siyaasi Ismaaciil Hurre Buubaa.

Siyaasigan oo hadal kooban ka jeediyey madal uu xisbiga KULMIYE kusoo dhaweynayey xubno xisbiga kusoo biiray, ayaa bulshada xasuusiyey taariikhda xubnaha caanka ku ah Soomaaliweynnimada ee la midoobay xisbiga WADDANI, “Xaafadda aan kasoo jeedo waxa la hadal hayey kaadiriintii waaweynayd ee hebello ahaa, ayaa WADDANI tegay, waar kaadiriintaasi miyaanay Xamar hore u tegin, waar miyeynu ilownay oo umul baynu noqonay.”ayuu yidhi Maxamed Iid Dhimbiil.

Mudane dhimbiil isaga oo hadalkiisa sii wata waxa tusaale usoo qaatay hadal uu guddoomiye Cirro hore usheegay oo tilmaamayey in maalinta qaran ee 18-ka May la beddelo, waxana uu hoosta ka xarriiqay in hadalkaas iyo ragga haatan xisbigiisa ku biiray marag ka yihiin xeelad Somaliweynimo oo hoggaanka xisbigu hoosta ka wato, waxana uu yidhi,“inagu nimankaas WADDANI ku biiray Federal baynu ku ogayne, guddoomiyaha xisbiga WADDANI-na waxa uu ku dhawaaqay maalinta 18-ka May aynu u beddelno maalin kale oo umadda ka dhaxaysa, anigu waan fikirayoo waxan ogaaday in Cirro iyo nimanka Xamar tegay isu raaceen Soomaaliweynimo”.

Xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI, ayaa dhawaan soo dhaweeyey xubno bulshada reer Somaliland dhexdeeda kaga calaamadsan inay dusha ku sitaan mabda’a Somaliweynimada, kuwaas oo uu hormood u ahaa wasiirkii hore ee arrimaha dibadda xukuumadda Xamar Md. Ismaaciil Hurre Buubaa, waxana ay taasi shacabka gelisay su’aalo badan oo la xidhiidha heerka hoggaanka xisbigaasi ka taagan yahay qaran-nimada dhiigga loo daadiyey ee Somaliland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here