Dhambaal Tacsi Ah Oo Wasiir Garas U Diray Wasiir Xaglo-toosiye Oo Aabihii Marxuum Ciise Axmed Kaar Ku Geeriyooday Magaallada Burco

0
22

Dhambaal Tacsi Ah Oo Wasiir Garas U Diray Wasiir Xaglo-toosiye Oo Aabihii Marxuum Ciise Axmed Kaar Ku Geeriyooday Magaallada Burco

Wasiir k uxigeenka wasaaradda Wershadaha Somaliland md. Yuusuf Cismaan Garas isaga oo ku hadlaya magaciisa, kan wasaaradda Wershadaha iyo guud ahaanba ka qaranka Somaliland, waxaa uu dhambaal Tacsi ah u diray ehelkii, qaraabadii, asxaabtii iyo guud ahaanba shacbiga Somaliland geeridii ku timi alla ha u naxariistee Marxuum Ciise Axmed Kaar   oo ku geeriyooday magaalada Burco Gobolka Togdheer.

Wasiir Garas oo la soo xidhiidhay Wargeyska HUBAAL waxaa uu Marxuumka ku tilmaamay Tiir ka baxay qaranka iyo rug-cadaa   si weyn uga soo qayb qaatay dib u dhiskii dalka, gaar ahaan xagga Nabadgelyada iyo horumarinta Bulshada Somaliland ku wada dhaqan. Waxaanu si Gaar ah Geeridiisa uu uga tacsiyeeyey Wasiirka wasaaradda Caafimaadka Somaliland Dr. Saleebaan Ciise Axmed (Xaglo-toosiye) oo uu Marxuumku Aabihii ahaa. Waxaanu Illaahay uga baryay inuu jannadiisa Firdowsa ka waraabiyo, qoyska, qaraabada iyo shacabkana uu Samir iyo Iimaan saadiq ah ka siiyo. Aamiin….Aamiin

wasiir garas

xaglo22

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here